Abiye Axmed oo Xasuuqay in ka badan 11,000 oo shacabka Amxaarada ah

Dowladda Itoobiya ayaa xasuuqday In ka badan 11,000 oo rayid ah oo ka tirsanaa Shacabka deegaanka Amxaarada gaar ahaan waqooyiga,sidoo kale Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay in ay isla deegaanka ku kufsadeen 200 oo haween ah.

Dagaalada uu Shacabka Itoobiya ku xasuuqayo keligii Taliye Abiye Axmed ayaa waxa ku dhaawacmay in ka badan 20,000 oo qof kuwaas oo u badan Carruur,haween iyo dadka nugul,weerarrada lagu xasuuqayo Shacabka Itoobiya ayaa waxa geystay Ciidanka federaalka Itoobiya iyo xoogagga Oromada,sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen kooxda ka hortagga xasuuqa Genocide Prevention in Ethiopia (GPE) oo lagu Soo bandhigay xasuuqa iyo isir sifeynta ka dhanka ah Amxaarada.

Waxgaradka gobolka Awdal oo ka horyimid damaca gurracan ee Itoobiya

Salaadiinta,Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwaan ee  gobolka Awdal ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay heshiis ku sheega u la galay Muuse Bixii Itoobiya oo ay ku dooneysay Itoobiya in ay ku soo xadgudubto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxgaradka ayaa sheegay in ay maanta tahay maalinkii ay midoobi lahaayeen shacabka unna istaagi lahayeen si ay u difaacaan midnimadda iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

”Abiy Axmed waxaa leenahay xisaab qaldan ayaad isku dhufsatay,in aadan tariikhada hayn ayaan umalayneyna Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhexmartay qarniyo hore,Shacabka Soomaaliyeed ee Raas Kambooni,Raas caseyr iyo Lowya Cadde jooga waxaan ugu baaqaynaa haloo midoobo difaaca dhulka iyo badda Soomaaliya,maanta Soomaali loo sheegi maayo dagaal,waa wax aad looga xumaado in la yiraahado badda ayaa la Iibiyay,badda maah mid Iib noqon karta lamana Iibin karo,cid ubareeri karta arrintaasnaa ma jirto, dadka reer Awdal waa in ay kacaan,waxaad haystaan fursad,dhul iyo badda dadkii lahaa ay taag yihiin cid qaadan karta ma jirto waxaana ku tilmaami karnaa in ay riyootay Itoobiya.”

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga hortimid heshiis beenaadka iyo damaca gurracan Abiy Axmed ee u ku doonayo xadgudubka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,iyadoo taageero ay la garab istaageen Saaxiibadda Soomaaliya si looga hortago damaca qaawan ee Abiy iyo kooxdiisa.

Hawlgalka qorsheysan oo lagu laayay Maleeshiyada ka tirsan khawaarijta ayaa ka dhacay Galhareeri

Inka baddan 20 maleeshiyad ah oo ka tirsan Khawaarijta argagixisada ee Al-shabaab ayaa lagu laayay degmada Galhareeri oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ka dib howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamka.

Howlgalka waxaa sidoo kale lagu burburiyay Idaacad ay isticmaalayeen Khawaarijta oo halkaas ay ku lahaayeen iyo sidoo kale xaruuntii ay ku diyaarin jireen qaraxyada iyo weerarada si ay dadka shacabka ah uga qalqal galiyaan.
Halkaan kala soco goordhow wixii  faah faahin-dheeraad ah oo ku soo kordha.

Taliska Booliska oo ka warbixiyey Qarax ka dhacay Muqdisho

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in galabta markii saacaddu ahayd 16:00 ay cidanka Boliisku la kulmeen qof u muuqday inuu fal dambiyeed maaganyahay, kaas oo isku dayey inuu baxsado, waxaana ciidanka oo cayrsanaya uu ku qarxay Kaalin shidaal oo ku taalla Isgoyska Cali-kamiin ee degmada Warta-nabada oo u jira ugu yaraan 1 KM garoonka Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

Qasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa ah dhimashada 2-ruux oo goobta ka ag dhawaa iyo dhaawaca 2 kale.

Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba burburay Kaalinkii shidaalka uu naftii haliguhu beegsaday.

Ciidanka Boliiska oo goobta u gurmaday, ayaa gargaar caafimaad u sameeyay dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas.

Wasiirka maaliyadda oo guddoomiyey kulanka guddiga maamul-wanaaga maaliyadda

Wasiirka maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-gudoomiyay kulanka billaha ah ee guddiga maamul-wanaaga maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC,oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay hannaanka dib-u-habeynta maamul wanaagga maaliyadda ee toban kii sano ee la soo dhaafay waxyaabaha u qabsoomay iyo hiigsiga qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda dalka.

Wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka Shirka ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka maamulka Guud ee Maaliyadda dalka, waxa uu sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo Dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Kulankaan waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay qaar kamid ah masuuliyiinta Dowladda sida Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, maamulka Sare ee Golaha dhaqaalaha Qaranka, Bangiga Adduunka iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF.

  

Finland oo Ergay gaar ah usoo magacawday arrimaha Nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Africa

Dowladda Findland ayaa Suldaan Saciid Axmed u magacowday Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Africa, ka dib war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Finland.

Mudane Suldaan Saciid Axmed ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda Finland u qaabbilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika.

Suldaan oo asal ahaan ka soo jeeda geeska Afrika ayaa isagoo kaashanaya aqoontiisa duruqsan ee uu u leeyahay dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshooyinka gobolka horay u kasbaday kalsoonida hoggaanka siyaasadda, diinta, dhaqanka iyo dhallinyarada bulshada gobolka, isagoo sare u qaaday xiriirka togan ee u dhexeeya dalalka dhaca geeska Afrika iyo dowladda Finland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE LABADA AQAL EE BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 10-aad ee Labada Aqal ee BJFS.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad iyo ansixinta habraaca dib u eegista dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana looga hadlay habraaca iyo sida ay ugu wada-shaqeyn karaan Baarlaanka labadiisa aqal.

Kooramka guud ee Golaha waxaa uu ahaa 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 36 Senator oo Aqalka Sare, Waxaana oggolaaday 201 mudane, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in sidaasi uu ansax ku yahay habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa kulan ku yeeshay magaalada Qaahira, waxayna si wadajir ah uga hor yimaadeen xadgudubka Ethiopia ay ku hayso qaranimada Soomaaliya.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masara Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageerayo una difaacayo Somalia kadib xadgudubka ay ku kacdey Ethiopia ee ka dhanka ah qaranimada Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale sheegay in xadgudubka ay ku kacdey Ethiopia uu fursad siinayo argagixisada Khawaarijta sii liicaysa.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Qaahira kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, isagoo ku bogaadiyay go’aanka Jaamacadda Carabta ay ku taageerta dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalin jebinayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun oo ka dhacdey magaalada Dooxa.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaali Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaahira kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Qaahira kula kulmay Imaamka Al-Azhar Sheekh Axmed El-Tayeb.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka, si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee ay qaranka u xilsaaran tahay wasaaraddaasi, ka dib geeridii Wasiirkii hore (AUN) Khadiija Maxamed Diiriye.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada howlgallada Mr. Atul Khare oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Soomaaliya.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir uu isugu yeeray madaxda hay’adaha amniga oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka.

13- Golaha Wasiirrada oo soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Ururka Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir-madaxeedka ururka dalalka ku bahoobay G — 77 iyo China.

15- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay taageerada dalalka caalamka ee qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed.

16- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa hawada Soomaaliya dib uga celisay diyaarad ka diiwaan-gashan dalka Thailand oo aan haysan fasax duulimaad taas oo ku socotay magaalada Hargaysa ee waqooyiga Soomaaliya.

17- Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay is afgaradka sharci daradda ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee Soomaaliya uu halis ku yahay nabadgalyada Geeska Afrika iyo dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Al Shabab.

18- Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022-ka.

19- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan ayaa magaalada Riyadh Boqortooyadda Sacuudiga kulan kula qaadatey Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, Sultan Bin Abdirahman Al-Marshad.

20- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Taageerada Doorashooyinka ee Midowga Yurub oo ay ka wadahadleen barnaamijyada qabashada doorashooyinka.

21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta dalka ugu hambalyeeyay Maalinta Warfaafinta ee 21 Janaayo, Isaga oo ku bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

22- Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ku baaqay in loo midoobo xaqiijinta amniga iyo soo afjaridda kooxaha nabad-diidka.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas Khawaarijta Al Shabab ka soo barakiciyeen degaanka Caad ee gobolka Mudug.

24- Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ka dhacay degaanka Fiidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

25- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa hawlgalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ku dilay 4 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

26- Soomaalida gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay qabanayaan dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka Ethiopia ee ka dhanka ah qaranimada Soomaaliya.

27- Baarlamaanka Carabta ayaa si cad u taageeray, qaraniimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya kadib xadgudubkii ay ku dhaqaaqdey Ethiopia.

28- Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa howlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay degaano ka tirsan Gobalka Bay ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

May be an illustration of map

 

Wasiirka Dastuurka XFS: Waa naga go’antahay in Dastuurka wax ka beddal lagu sameeyo

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, wuxuuna faray mucaaradku in aysan qaadan doorkii keli taliska.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa intaa ku daray in qorshaha wax ka beddelka dastuurku uu muddo soo socday haatanna la gaaray waqtigii lagu dhaqaaqi lahaa.

Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in howshu ay haatan marayso halkii ugu wanaagsanayd lana gaaray horumarin siyaasadeed, Baarlamaankana ay ka doodi doonaan.