Hay’adda SoDMA oo gargaar kala wareegtay dowladda Ruushka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxa uu dowladda Ruushka kala wareegay markale markab sida shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadkii Elniino .

Gargaarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka yimaada Ruushka ee la keeno Soomaaliya, waxana uu garayaa 25,000 kun tan oo Qamadi ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka mahadceliyey gargaarkaan, isaga oo sheegay in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay garsiin donaan si lamid ah sidii gargaarkii hore loo gaarsiiyay.

Duqa Muqdisho oo Shirka magaalooyinka ugu qeybgalaya Magaalad Bagdaad

Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Bagdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, halkaasi oo lagu wado in maalinta barrito (Arbaco, 24 January 2024) uu ka furmo shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Wadamada Carabta.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah Garoonka Diyaaradaha Magaalada Bagdaad ugu soo dhaweeyay madax sare oo uu ugu horeeyo Wakiilka Caasimadda Bagdaad ee Arrimaha Maamulka Eng. Safaa Maxamed Maxamuud.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Ciraaq waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Madaxda dalka Ciraaq iyo Madax kala gedisan oo ka socda Caasimadaha Wadamada Carabta ee iyagu ka qeybgalaya shirkaasi.

Ciidanka Xoogga oo jab xooggan gaarsiiyey khawaarij isku dayay in ay weeraran deegaanka Caad

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Cadowga ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Khawaarijta.

Saraakiil ka tirsan Dawladda oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haatan Cadowga Khawaarijta lagu sii baacsanayo bannaanka magaalada laguna daba joogo firxadkooda.

Ciidanka Dawladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa horay si buuxda ula wareegay magaalooyin badan oo ka tirsan gobalka Mudug kuwaas oo ay ku jirto magaalada Caad.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay saraakiisha ciidamada cirka ee tababarka ku qaatay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada cirka  dalka Soomaaliya ee ka qalin jabiyay Kulliyadda Al-saciim ee Ciidamada Cirka dalka Qatar.

Madaxweynaha oo dhammaan Saraaakiishan ku bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay muujiyeen muddada uu socday tababarku ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey Saciid Cali Cabdilaahi oo magac u soo hoyay Ciidamada Cirka Dalkeenna kaddib markii uu kaalinta 1-aad u galay dhammaan Saraakiishii ka socotay dalalka Qatar iyo Soomaaliya ee tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka.

Taliska Booliska oo farriin u diray taageerayaasha xulalka Galmudug iyo Banaadir ee garoonka imaanaya

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in intii ay socotay cayaartii Hirshabeelle iyo Jubbaland iyo ka dib sababo nabadgalyada guud la xiriirta loo qabtay lana xiray tiro dad ah oo amniga iyo badqabka agabka garoonka wax u dhimay, dhawaana maxkamad la horkeeni doono.

Taliska ayaa faray, Taageerayaasha Ciyaarta Berri dhex mari doonta xulalka Galmudug iyo Banaadir in ay u hoggaansamaan, una dhaga-nuglaadaan faritaanada Hay’adaha Amaanka ee hab-raaca gelista garoonka loo dajiyay.

Si gaar ah Ciidanka aan goobta ku howl lahayn, in aysan la imaan karin hub, lana kala safan karin taageeraayaasha, cidii lagu helaa waxay wajihi doontaa maxkamadda Awooda u leh ayaa lagu yiri warka Taliska ka soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan mira dhal ah la qaatay amiirka dalka Qatar

Dooxa: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaanioo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo weliba xaaladda gobolka geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahad celiyey Amiir Tamiim Binu Xamad Al Thaani iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Amiirka dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa uu ku guda jiray dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo ilaalinta qaranimada dalka iyo in la adkeeyo amniga gobolka, kadib markii dowladda Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.  

UNDP oo hay’adda maaraynta musiibooyinka kala shaqaynaysa hawlaha gurmadka

Maareeyaha xarunta Qaran ee hawlaha gurmadka deg-degga ah ee hay’adda maaraynta musiibooyinka mudane Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa maanta qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey madaxa mashaariicda hay’adda UNDP Xafiiskeda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku ballamay in ay sii ballariyaan wada shaqeeynta iyo isweydaarsiga macluumaadka, in UNDP ka tayeeyso SoDMA Tababarada Shaqaalaha xarunta qaran ee howlaha gurmadka deg degga ah.

Madaxa Mashaaricda UNDP ayaa boggaadiyay hormarka ay Hay’ada SoDMA ku tilaabsatay, si gaar ah waxa uu tilmaamay in NEOC ay hirgalisay hab aruurin xogaha kala duwan ee khataraha ka dhasha sida Abaaraha, Fatahaadaha, Qaraxyada, Dabka, duufaanada iyo Ayaxa, xogahaas oo si fudud loola wadaagi doono madaxda Qaranka iyo cid kasto ay khuseyso.

Sidoo kale Wafdi Hay’adda UNDP Xafiiskeda Soomaaliya ayaa soo booqday Xarunta dhexe ee SoDMA iyaga oo Xarunta Qaran ee ka Digista halis wadareedka lagu tusay nidaamyada kala duwan ee lagula socdo xaaladaha ka digista halis wadareedka.

Wasiirka cadaaladda oo guddoomiyey kulanka ansixinta qorshe-sannadeedka mashruuca cadaaladda iyo Asluubta

Wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS ayaa shir guddoomiyay kulanka ansixinta qorshe-sannadeedka mashruuca cadaaladda iyo Asluubta, oo ay ka soo qeybgaleen wasiirrada caddaaladda iyo agaasimeyaasha wasaaradaha cadaaladda dowlad goboleedyada dalka, hay’adaha garsoorka dalka, deeq-bixiyeyaasha, khubarada farsamo iyo saraakiisha mashruuca u qeysan iyo saaxiibbada caalamka.

Mashruucan ayaa diiradda lagu saarayaa dardargalinta dastuuraynta heshiiska siyaasadeed hannaanka garsoorka iyo Asluubta.

Wasiirka aya uga mahadceliyay saaxiibbada caalamka taageeradooda, sidoo kalena carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’antahay xukuumadda FS daadajinta hannaanka garsoorka si dhamaan muwaadiniinta loo gaarsiiyo adeegyada cadaaladda, gaar ahaan deegaannada dhawaan khawaarijta laga xoreeyay.

    

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay barakacayaal ku dhaqan duleedka Muqdisho

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta deegaanka Garasbaaley si gaar ah Waaxda Weydoow waxay gargaar ugu qaybisay qoysas ka kooban danyar, iyo dad deegaanadoodii uga soo barakacay xaaladaha #ElNiño kuwaas oo Muqdisho soo gaaray.

Tirada dadka gargaarkaan ka faa’iideeystay ayaa gaarayey 1,000 qoys kuwaas oo bilihii u danbeeyey wajahayay xaalad adag oo dhanka nolasha ah.

Qaar kamid ah qoysaska mucaawinadan maanta la gaarsiiyey ayaa u mahadnaqay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo marwalba u taagan caawinta iyo u gargaarida bulshada nugul

Ra’aysul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay madaxda hey’adaha amniga iyo difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray madaxda hey’adaha amniga iyo difaaca Qaranka kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba.

Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay Ku simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxiyaddiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye.