Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dalka Qatar oo tababbar u soo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidamada Cirka ee Labada Dal

Dooxa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Amiirka Dalka Qatar ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalan jabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, kuwaas oo tababbarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka uu kaalinta koowaad u galay Cabdullaahi Xuseen Xasan oo ka mid ah Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahadceliyey Amiir Tamiim Binu Xamad iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

      

” Bayaankii ugu adkaa” (WARBIXIN)

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa taageerada dalalka caalamka ay ku taageereen qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed, waxayna si gar ah u xuseysaa dadaaladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka mid ahaayeen Shir Madaxeedkii aan caadiga aheyn ee Urur Goboleedka IGAD, Shir Madaxeedka Waddamada Dhexdhexaadka ah (NAM), kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika iyo socdaalkii miradhalka ahaa ee Madaxweynaha uu ku tegay Qaahira, kulanna kula yeeshay Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley kulanka uu la yeeshay Madaxweyne El Sisi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin  xulufo iyo wallaalo soo jireen ah oo mar kasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifaya iyo horumar waara , si gaar ahna diiradda loo saarayo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Masar oo Isna ka hadlayay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadley saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaasi, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo wallaalo ah, kana wada tirsan Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika .

Tallaabada gurracan ee ay qaaddey Ethiopia ee ay ku faragelinayso qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba.

Haddaba Warbaahinta caalamka ayaa maalmahaan aad wax uga qorayay kulanka ku dhexmaray magaqalada Qaahira labada Madaxweyne ee Masar iyo Soomaaliya, iyagoo qoloba meel u jiidatay, waxayna qabteen shir-jaraaid oo ay kaga wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladaha gobolka. Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay rabitaanka xooggan ee Soomaaliya ee ku aaddan inay Masar kala shaqeyso sidii ammaanka loo xoojin lahaa, gaar ahaan xilligan oo ay jirto damac gurracan oo Soomaaliya kaga imaanaya Itoobiya, isagoo intaasi ku daray in Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinac kasta uusan  aheyn mid khatar ku ah waddan kale. Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud isagoo ka hadlaya heshiiska Itoobiya iyo Maamulka gobolada Waqooyi Somaliland ayaa yiri, “Ma ogolaanayno in dhulalkeenna uu qabsado dal kale oo ay ku jirto Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi waxa uu sheegay in Masar aysan ogolaan doonin wax dhibaato ah oo soo wajaha Soomaaliya iyo amnigeeda, isagoo intaa raaciyay in dalkiisa uu diidan yahay in la faragaliyo arrimaha Soomaaliya, “ ma ogolaan doono in loo hanjabo walaalaheen Soomaaliya, markastana waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno walaalaheen’ayuu si kulul u yiri Madaxweynaha Masar, “ Soomaaliya oo lagu soo xadgudbaa waxay la micno tahay Masar oo la soo weeraray, gacmahana ka laaban meyno”, ayuu sii raaciyay Al-siisi.

Warbaahinta Carabta iyo Caalamka ayaa iftiimiyay kulankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo kan Masar Abdilfitah Al-Sisi ee ku saabsanaa diidmada faragelinta arrimaha Soomaaliya, iyadoo wargeyska Akhbar Al-Youm eek a soo baxa Masar ayaa waxa uu boggeeda ku daabacday shirkii miro dhalka ahaa ee dhex maray Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Masar, iyadoo ciwaan uga dhigtay: “Madaxweyne Sisi: Soomaaliya waa waddan Carbeed… Ma yeeli doono. cid kasta in ay khatar geliso ama ay amnigeeda wax u dhinto”, Halka Russia Today ay ciwaan uga dhigay “Al-Sisi: Masar ma ogolaan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda”, Russia Today-na, oo soo xiganaysa hadalka Madaxweyne Sisi, ayaa yiri: “Masar way diiday in la farageliyo arrimaha Soomaaliya.

Channel-ka Al-Hurra ayaa boggiisa Internet-ka ku daabacay kulanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifataax El-Sisi oo isna ciwaankiisu ahaa: “Bayaankii Masar ugu adkaa”…Fariinta Al-Sisi ee Itoobiya ka dib heshiiskii “Somaliland”, Madaxweynaha Masar ayaa intaa ku daray: “Fariinta aan u dirayo Itoobiya waa in ay isku deydo in ay ku boodo dhul ay maamusho, ma jirto cid ku heshiin doonta arrintaas”, isaga oo intaa ku daray in iskaashiga dhinaca horumarka uu yahay istaraatiijiyad wanaagsan, halka Telefishanka France 24  cinwaankiisa ahaa: “Sisi waxa uu ku nuuxnuuxsaday diidmada Masar ee ku xadgudubka madax-bannaanida Soomaaliya, iyada oo uu jiro muran dhuleed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Addis ababa”.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin., wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo, balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo go’aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad., isagoo waraeysi siinayay Teledishinka Al-carabiya ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.

Dhinaca kale inuusan dagaal Ooge Abiy dhanna u rooneyn waxaad ka garan kartaa sida uu ula dhaqmo Shucuubta Itoobiyaanka ah, mar uu gumaado Qowmiyadda uu ka dhashay ee Oromada, mar uu gumaado tan Tigreega, haddana waxa uu sifeyn ku hayaan midda Amxaarada, marka Shacabka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abiya Axmed ee ku wajahan dhulka Soomaaliyeed, iyadoo qaar ka mid ah shacabka Amxaarada dalka Itoobiya oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Buxi ayay ku tilmaameen inuu ahaa mid qar iska tuurka ah, islamarkaana aan laga fiirsan, waxayna sheegeen Shacabka Amxaarada in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin in ay ilaashadaan midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hadda ogoow Qomiyadda Amxaarada waa middii Melis Sanawi ku heysatay maxaad Eretareeya Badda nooga siisay ayaa hada leh Soomaaliya Baddeeda ha loo daayo, marka waxay  soo saareen Bayaan kooban oo ay Dowladooda ugu baaqayaan inay lama taabtaan tahay Ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgalyada iyo horumarka labada dal, ugu dembayntiina Qowmiyadda Amxaarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo madxda dowladiisa u soo jeediyey in ay ka fogaandaan wax waliba oo dhawaaci kara, darisnimada sida faragalinta dal madaxbanaan.

Hadalkaan ka soo yeeray Qomiyadda Amxaarada ayaa ku soo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeenin, iyada oo 70% maamulka Amxaarada uu gacanta ugu jira Qomiyadda, kuwaasi oo iska diiday hoggaamin xumadiisa ee uu ku hayo dadkiisa.

“Dhiiggii iyo dhecaankii Wiilasheenna & gabdheheenna ayaan u hurnay amniga Soomaaliya, keliya ma nihin deris ee waxaa nahay walaalo wadaaga af, dhaqan iyo dad, mana kala maarmi karno,  Heshiiskii Somaliland aan la galnay waa iskaashi ganacsi oo noo sahlaya irid bad, maaha qaadasho madaxbanaani dal”, sidaa waxaa yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya, Ridwaan Xuseen oo shir jaraaid ka hadlaayay. “Xaqiiqadu waxa ay tahay in kuwo aan Soomaali wax tarin ay isu muujinayaan saaxiib dhab ah – waxa aan jeclaan lahayn in wadahadal aan la yeelano dhammaan deriskeenna, si aan u noqonno shuraako is-dhexgal iyo horumar wada gaara”, ayuu sii raaciyay.

Marka hadaladaasi maxaa lagu fasiri karaa?. Bal adba.

By. C/lahi Ruush

Madaxweyne Xasan Sheekh: Kuma talo jirno inaan la dagaallanno Itoobiya haddaan nalagu qasbin

Qaahira- Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan ku talo jirin inay la dagaallanto Itoobiya, balse haddii ay wax iska beddelaan uu waddankiisu jawaab ka heli doono.

Madaxweynaha oo u warramayay warbaahinta Al-Carabiya xilli uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa intaasi ku daray in dowladdiisu aysan u qorsheysnayn dagaal ay la gasho Itoobiya,balse haddii ay wax iska beddelaan xaaladdu uu waddankiisu jawaab bixin doono.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay mar kale in heshiis ku sheegga ay wada gaareen madaxda Soomaaliland iyo Itoobiya uu fursad siinayo khawaarijta.

Madaxweynaha Qaranka mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo go’aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin.

Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Ciidanka XDS oo digniin u jeediyay Ciidanka ku sugan furimaha cadowga

eer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida dhamme Maxamed Xuseen Cumar Saneey ayaa ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 24-aad khaalid bin Waliid ee ku sugan degmada Ceeldheer ugu digay qoryaha lala galo magaalada iyo in rasaas macno darra ah la rido ama la gato.

Dhamme Saneey ayaa Ciidanka faray in ay ilaaliyaan hantida ciidanka iyo saanadda kale maaddaama aynaan lahayn warshad soo saarta saanad ciidan IWM.

Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ka digay in laga sexdo shaqada, in la sameeyo ammar diiddo iyo in la kiciyo rabshado sababi kara isku dhacyo, wuxuuna wacad ku maray in askarigii aan waajibkiisa gudan cadaaladda la hor geyn doono.

ISLAAMKA AYAA ASAL U AH CILMIGA SAYNISKA

Barashada abuurta Alle iyo dheefsigooda ayaa lagu gaaraa horumar dhanka adduunka ah, jidka lagu bartaana waa aqoonta aynu hadda ku magacawno sayniska. Abuurka Alle, noole iyo manooleba, oo loo fiirsado, loo kuurgalo,tijaabooyinna lagu sameeyo si wax looga barto, iyada oo la adeegsanayo hannaan sugan ayaa lagu tilmaamaa saynis.

Dad badan oo innaga mid ah waxa aad mooddaa in ay iska dhaadhiciyeen in saynisku yahay hanti ay si gaar ah u leeyihiin gaalada iyo reer Galbeedku.

Waxaa la yaab leh in isla dareenkani uu ka jirey qaaradda Yurub markii ay ku jirtey Xilliyadii Madoobaa (Dark Ages) ee Muslimiintu ay hogaaminayeen aqoonta sayniska.

Xilligaas in badan oo reer Yurub ka mid ahi sayniska buufis ayey ka qabeen iyaga oo uga carari jirey in uu yahay wax Muslimiintu wataan! Aqoonta sayniska ee maanta adduunka taallaa waa waayo aragnimo iyo garasho daafaha dunida laga uruurinayey ilaa iyo bilowgii nolosha aadanaha, cid gaar ahina ma laha.

In kasta oo Qur’aanka iyo Sunnadu wax badan innaga bareen abuurista Alle, haddana ujeeddadoodu ma aha in ay saynis inna baraan ee waa in ay innagu hanuuniyaan xaqqa iyo jidkii aynu ku caabudi lahayn Alle- kor ahaaye-.

Waxa ay inna baraan xuquuqda la innagu leeyahay iyo sidii aynu u gudan lahayn. Diintu waxa ay qaabaysaa oo ay hagtaa fekerkeenna iyo aragtiyaheenna. Nebiga- sallal laahu calayhi wasallam– ayaa innoo kala saaray.

Sida la wada ogyahay magaalada Makkah ma lahayn beero oo waa dhul aad u kulul aadna u qallalan oo buuraleey ah. Reer Makkah aqoon wanaagsan uma aysan lahayn beeraha iyo qaabka loo fasho.

Nebiga- sallal laahu calayhi wasallam– iyo saxaabadu markii ay Madiinah u hijroodeen, ayaa uu Nebigu- sallal laahu calayhi wasallam– arkay beeraleydii oo geedihii timirta qaybtii labka ahayd iyo tii dhedigga ahayd isku bacriminaya. Markaas ayuu yiri “u malaynmaayo in ay wax tarayso”.

Saxaabadii beeraleyda ahayd markii ay warkii maqleen waa ay joojiyeen, taasina waxa ay sababtay in dalaggii timirtu ka xumaado. Markii Nebiga- sallal laahu calayhi wasallam– loo sheegay ayaa uu u sheegay in ay aragti uu istusay ka ahayd uuna yahay bashar, ee wixii uu Alle ka soo gudbiyo ay tahay in ay qaataan, wixii kale ee aragti shakhsiyeed ahna uu bashar u yahay ee sidaa loo la socdo.

Waxa uu ku sii daray “Idinka ayaa iiga aqoon badan arrimaha adduunkiinna.” Waa xadiis saxiix ah oo uu weriyey Imaam Muslim.

Culumadeenu aqoonta waxa ay u qaybiyaan labo: mid lagu garto u fiirsasho, u kuurgelid, tijaabo, adeegsiga caqliga, iyo khibradda (sida xisaabta, caafimaadka, beeraha, dhar samaynta, guryo dhiska, iwm), iyo aqoon ku saabsan Alle iyo shareecadiisa; maxaa xalaal ah, maxaa xaaraan ah, maxaa iska bannaan, xiriirka Alle iyo addoonkiisa u dhexeeya, xiriirka qofka iyo dadka kale u dhexeeya, iwm.

Diintu faahfaahin ka ma bixinin sidii aad guri u dhisi lahayd, laakiin waxa ay sheegtay marka aad guri dhisaysid in aadan khiyaano samaynin, in aadan dadka kale dhulkooda ku xadgudbin, in aad xaqqa deriska ilaalisid, in aad shaqaalaha xaqooda siisid, iwm.

Aqoonta koonkan iyo waxa ku dhex jira ee isheennu qabato ama aynu maqli karno ama aynu taaban karno waa wax u fiirsasho, u kuurgelid, iyo tijaabo lagu ogaan karo. Waa halka aqoonta saynisku ka shaqayso.

Garashadeeduna ku ma xidhna diinta oo gaal iyo Muslim ba waa loo siman yahay. Iyada oo ay taasi jirto, haddana maanta waxaa aqoonta sayniska calanka u sida hoggaankana u haya Alle-diid.

Miyaysan wax la la yaabo ahayn innaga oo mu’miniin ah in aynu barashadii iyo u kuurgalkii abuurista Alle faraha uga qaadno mid aan Alle jiritaankiisaba ogolayn?!

Imaam Shaafici ayaa laga hayaa in uu yiri: “Aqoontu waa labo: aqoon diineed iyo mid adduunyo. Aqoonta diintu waa fiqhiga, aqoonta adduunyaduna waa caafimaadka.”

Waxaa kale oo laga hayaa in uu yiri: “Xalaal iyo xaaraanta kaddib, ma ogi aqoon ka sharaf badan caafimaadka. Laakiin Ehlul Kitaabka ayaa innooga awood batay”. Sidaas oo kale waxa uu yiri: “Waxa ay dayaceen [Muslimiintu] saddex meelood meel aqoontii waxa ayna u talo saarteen Yuhuudda iyo Nasaarada.”

Markii aynu dayacnay aqoontii oo aynu ka hawlgabnay ayaa aynu ku meeraysanaynaa “gaalaa sidaa tiri” iyo “waxaan diintu sheegin naga la tag” Koonkan Alle abuuray baaxaddiisa marka la eego, dayuxu waxba innoo ma jiro.

Diirad (telesecope) awood fiican leh haddii aad haysatid wax badan baad dayaxa oogadiisa ka baran kartaa.

Midda madoobaadka dayaxa iyo qorraxduna waa sidaas oo kale oo kumanaan sano ayaa la ogsoonaa sida ay u dhacaan. Culumada Islaamkuna ma diiddana oo qaar ka mid ah kutubtooda ayaa ay ku qoran tahay iyaga oo sheegaya in aysan cilmul qayb ahayn ee lagu ogaan karo xisaab.

Dadka sidan u hadlaya marka xanuun qabto waxa ay aad ugu dedaalaan sidii ay u heli lahaayeen dawada ugu fiican ee waxa haya ka bogsiin karta. Isma weydiiyaan ma gaal baa sameeyey mise Muslim, ma aqoon gaal baa lagu sameeyey mise mid Muslim? Isma weydiiyaan aayadda iyo xadiiska daliilka u ah in dawada loo soo qoray ay wax ka qaban karto dhibta haysa.

Diintu waxa ay u soo degtay in ay dadka hagto oo ay ku hanuuniso jidkii Alle- kor ahaaye- u doortay. Waxa ayna leedahay axkaam ay ku kala caddayso wixii bannaan (xalaal) iyo wixii aan bannaanayn (xaaraan).

Waxaa jirta qaacido ah: asal ahaan wax kastaa way bannaan yihiin, In la yidhaahdo waxaasi ma bannaana oo waa xaaraan, ama waa waajib in la sameeyaa waxa ay u baahan tahay daliil diinta ka yimid.

Wax aan daliil loo cuskado loo haynin in waajib laga dhigo ama la xaaraantimeeyo waa Alle in lagu been abuurtay.

WD: Ibrahim Warsame

 

DIINTA OO LA’DAA’IMO AYEY DANTU KU JIRTA

Diinta Islaamku waa diinta kaliya ee xaqqa ah ee ilaa maalinta Qiyaamahana baaqi ahaan doonto, ka soomaali ahaan, Islaamku wuxuu  nagu leeyahay taariikh facweyn iyo kaalin lama ilaawaan ah. waqti xaadirkan jooganana shacabka Soomaaliyeed waxay kaga sii fahmi iyo ku dhaqan ogyihiin diinteena islaamka ee xaniifka ah, waayo waxay u barteen si ka baaxad weyn sidii hore, aqoon dheeri ahna way u yeesheen, taasina waxay meesha ka saartay walwalka ah in dadka qaar isku dayaan mararka qaar inay soo dusiyaan waxyaabo khilaafsan Shareecada Islaamka, iyadoo isla markiiba ay si wadajir ah uga dhiidhiyaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Diinta Islaamka waa tii ugu danbeeysay ee Ilaah soo dajiyo, sida Allaah inoo cadeeyay “Maanta ayaan idiin dhameeystirnay diintiinii”i. Hase ahaatee; Nabiga SCW waxa uu inoo waramay “Ilaah inuu u soo saarayo umaddan qarni kasta qof u cusbooneeysiiya diinteeda”ii Waxaa hubaal in aqoon yahankan keeni doonin diin cusub balse uu diintii la weeciyay, khalad loo qaatay, ama laga dhacay in la fahmo, uu boorka ka jafi doono, isaga oo u laabanaya asalkii diinta oo ah quraanka, sunnaha iyo mabaadiida Islaamka ee waaweyn, ee ay isla ogolaadeen culumida ku xeeldheer garashada diinta Islaamka.

Taariikhda Islaamka waxaa dhex ceegaaga tusaalayaal waaweyn oo xoojinaya arintan, laga soo bilaabo qarnigii kobaad ee Islaamka, oo waxaa horteena imaanaya fahankii Ibnu-Cabaas, ee ku aadanaa ujeedooyinka Islaamka kana fogaa xaraf ku dhagga. Laga soo bilaabo qarnigii kobaad illaa qarnigan aynu joogno waxaa socdo dadaalo joogto ah oo ay culimada ku cusbooneysiinayaan diinta, kalana dagaalamayaan bidcada, soo galootiga iyo waxwalba oo diinta ka weecinayo ujeedooyinkii ay u soo dagtay ineey gaarsiiso aadanaha.

Taariikhda dheer ee Islaamka waxaad ku arkeeysaa fahan islaam oo kala gadisan, haddeey ahaan laheyd hertankii ka dhacay

Culimadii ku fogaaday in si falsafadi ku dheehantahay loo fahmo diinta, iyaga oo ku dooday in fakarka iyo caqliga yahay waxa ugu muhiimsan ee qofka muslimka ah Ilaah kula xisaabtmi doono iyo kuwii kale ee aaminsanaa in diinta laga ilaaliyo aqoonta soo galootiga ah.

Fuqahadu waxay xoogga saareen inay umadda u kala cadeeyaan xalaasha iyo xaaraamta halka culimo ay ka mid yihiin Abu-xaamid Al-gazali, Ibnu-taymiya ay iftiimiyeen in diintu aheyn xalaal iyo xaaraam oo kaliya, balse ay muhiim tahay in xoogga la saaro qaybo saldhig u ah diinta oo uu fiq’higu ka tagay sida Iimaanka (caqiidada) iyo Akhlaaqda. Oo waxaad ka daalcan kartaa labadaan sheekh kutubtooda doodaha ay ka galeen arintan.

Culimadii Suufiyada, ee iyagna ku hawlanaa laylinta nafta iyo cibaadada joogtada ah, dayacayna noloshii kale ee aduunka iyo culimadii ka horyimid fahanka sidan ah, ee dadka u cadeeyay in suufayada teeda wanaagsan ay tahay tii nabi Muxamad SCW iyo saxaabadiisii laga dhaxlay, ee aduun iyo aakhiro labadaba loo shaqeeysanayay.

Culimadii u fahmay Quraanka in sida muuqata loogu dhaqmo iyo culimadii diiday fahanka xaraf raaca ah, ee dadka u sheegay in diintu leedahay ujeedoonyin (Maqaasid) guud oo waa weyn, iyada oo laga duulayana diinta lagu fahmo iyo in aayadaha quraanka ee isku moowduuca ka hadlaya laysu geeyo si micnaha iyo ujeedada dhabta ah loo helo.

Haddaba fahan Islaam oo ka jawaabo dhibaatooyinka haaysto muslimiinta gaar ahaan Soomaalida waxaa lagu gaari karaa in dib loo eego maabaadiida Islaamka, raadraacna lagu sameeyo sidii Islaamku xal ugu noqday dadyawgii hore, sida bulshadii ku dhaqneyd Madiina ee Aws iyo Khazraj, lana ifiyo hab- dhaqankii(Siiradii) Nabiga SCW uu ku gaaray guusha.

Culimada Islaamka waxey isla-ogolaadeen in Islaamku leeyahay afar mabaadi oo waaweyn waxa kalena ay hoos imanayaan:-

  1. Ilaalinta Diinta: In la dhawro qofka diintiisa, sidoo kale xurriyadda uu u leeyahay inuu qaato diinta uu doonayo, iyada oo laga duulayo fahanka ah “Diinta khasab ma’aha xaq iyo baadilna wey kala cadaadeen”iii Taariikhda Islaamkana waxaad ka heleeysaa tusoolooyin badan oo muujinaya in Muslimiinta ay ahaayeen u gargaarayaasha xurriyadaha.
  2. Ilaalinta Nafta: In la ilaaliyo nafta qofka, lana xushmeeyo waa mabda’a Islaam, Ilaah waxuu inoo sheegay inuu sharfay aadanaha. Waxay taariikhda Islaamka sheegtay in Culimada badankood ay diideen inay mubaayaco la galaan boqortooyinkii Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta, waxayna sabab uga dhigeen boqorradaa oo baneeystay dhiigga dadka. Somaaliya waxaad arkaysaa in naftu tahay waxa ugu raqiisan, waxaana laga yaabaa kii dadka ku laaynayay jidka inuu masjidka uga horeeyo dadka kale, maxaa yeelay fahankiisa ka fog ujeedada diinta ayaa u waramay in qofka haddii uu tukado waxa kale oo dhan iska fududaanayaan oo uu janno ku danbeyn doono, Laakiin waxuu qoraanka kariimka ah inoo sheegayaa in qofkii dila walaalkiis si ulakac ah uu ku waarayo jahanamo.
  3. Ilaalinta Caqliga: in laga ilaaliyo caqliga maandooriyaasha iyo waxkasta oo ka qaadayo masuuliyadda Ilaah saaray, sidoo kale laga ilaaliyo in la caburiyo oo laga hor istaago inuu fakiro isla markaana si xurriyad ah u cabiro waxa uu doonayo. Islaamkana waxa uu qofka ugu baaqayaa inuu fakiro xitaa markii uu doonayo inuu garto jiritaanka Ilaah iyo hagaagsanaanta diinta Islaamka.
  4. Ilaalinta hantida ama hanaanka dhaqaalaha, sababtoo ah dhaqaalaha waa laf-dhabarka nolosha. Hantida la ilaalinayo waxa ay noqonaysaa tan goonida ah iyo midda guud oo si caddaalada ah loo deeqsiiyo dadka ay ka dhaxeyso. Sidoo kale in loo fududeeyo dadka sidii ay risqi xalaal ah u shaqeeysan lahaayeen.

WD: Ibrahim Warsame

 

 

Dowladaha Soomaaliya & Sucuudiga oo ka wada hadlay horumarinta Garoomada iyo Jidadka

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan iyo wafdi ay hogaaminaysa ayaa magaalada Riyadh ee xarunta Boqortooyadda Sacuudiga kulan kula qaateen madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, Sultan Bin Abdirahman Al-Marshad.

Kulanka Wasiirka iyo Madaxa ayaa diiradda waxaa lagu saaray horumarinta iskaashiga labo geesoodka ah, iyaga oo  soo bandhigay mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa ka fuliyo dalalka soo koraya, iyo saameynta ay mashaariicdani ku leeyihiin kobaca iyo barwaaqada nolosha bulshada ka faa’iideysata.

Wasiirka ayaa la wadaagtay dhankeeda, sida ay Soomaaliya ugu diyaarsantahay maalgashi toos ah, gaar ahaan horumarinta dhinacyada garoommada diyaaradaha, waddooyinka iyo mashaariicda hortabinnta u leh dalka.

Qomiyadda Amxaarada oo ka hor timid damaca qalafsan ee Abiy Axmed

Shacabka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abiya Axmed ee ku wajahan dhulka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah shacabka Amxaarada dalka Itoobiya oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Buxi ayaa ku tilmaameen inuu ahaa mid qar iskatuurka islamarkaana aan laga fiirsan.

Waxay sheegayn Shacabka Amxaarada in shacabka Soomaaliyeed ay ku garabtaagan yihiin in ay ilaashadaan midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qomiyadda Amxaarada oo soo saaray bayaan kooban ayey Dowladooda ugu baaqeyn inay lama taabtaan tahay Ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgalyada iyo hormarka labada dal.

Ugu dembayntii Qowmiyadda Amxaarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo madxda dowladiisa u soo jeediyey in ay ka fogaandaan wax waliba oo dhawaaci kara, darisnimada sida faragalinta dal madaxbanaan.

Hadalkaan ka soo yeeray Qomiyadda Amxaarada ayaa ku soo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeenin, iyada oo 70% maamulka Amxaarada uu gacanta ugu jira Qomiyadda kuwaas oo iska diiday hoggaamin xumadiisa ee uu ku hayo dadkiisa.

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Hawlgalka qorsheysan oo ay iskakaashadeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka Xoogga oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareekanka ayaa ka dhacay deegaan 45km waqooyi berri ka began magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Howlgalkaan ayaa lagu dilay illaa afar xubnood oo  mid ahaa koox ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab oo isku abaabulayay goobta la bartilmaameedsaday, mana jiro wax qasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka kooxaha khawaarijta oo Qatar iyo duulaanka ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.

May be an image of 3 people and dais