Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xisaab xirka Sanad Maaliyadeedka 2022

Xilldhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan wada jir ah kaas oo ay shir guddoomisay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha iyo Guddoomiye ku xigeennada Aqalka Sare.

Kulanka maanta ayaa ahaa ajandihiisa ka doodista xisaab xirka sanad maaliyeedka 2022-ka, taas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, iyadoo xildhibaannada labada Aqal ay dood ka yeesheen.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeen maanta meel mariyey xisaab xirka sanad maaliyeedka 2022-ka, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoomisay ayaa sheegtay 177 Xildhibaan ay ogal ugu codeysay, waxaana diiday hal mudan halka uu ka aamusay hal Xildhibaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan xarunta ECES (European Centre for Electoral Support).

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan xarunta ECES (European Centre for Electoral Support).

Mas’uuliyiintan oo ay ka mid ahaayeen; Fabio Bargiacchi oo ah aasaasaha iyo madaxa xarunta, kuxigeenkiisa Filiberto Ceriani Segrebondi iyo Julia Onnasch ayaa ugu horreyn Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Fiqi u sharaxay howlaha doorashada la xiriira ee ay xaruntooda ka qabatay dalal badan oo dunida ah, iyaga intaa raaciyay in ay daneynayaan doorashada Soomaaliya ee xisbiyada badan, oo leh heerarka kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa dulmar guud ku sameeyay qorshaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka goleyaasha deegaanka, doorashada heer dowlad goboleed iyo midda heer federaal iyo howlaha ay wadaan hey’adaha kala duwan ee federaalka ah ee lagu gaari lahaa.

Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen hey’adda IIDA ayaa lagu falanqeeyay doorashada iyo arrimaha la xiriira.

Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al- Sisi, ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Qaahira,kadib qabtay shir jaraa’id oo ay kaga wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladaha gobolka.

Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay rabitaanka xooggan ee Soomaaliya ee ku aaddan inay Masar kala shaqeyso sidii ammaanka loo xoojin lahaa, gaar ahaan xilligan oo ay jiro damac gurracan oo Soomaaliya kaga imaanaya Itoobiya, isagoo intaas ku daray in Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinac kasta uusan  aheyn mid khatar ku ah waddan kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri isagoo ka hadlaya heshiiska Itoobiya iyo Maamulka gobolada Waqooyi Somaliland, “Ma ogolaanayno in dhulalkeenna uu qabsado dal kale oo ay ku jirto Itoobiya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi waxa uu sheegay in Masar aysan ogolaan doonin wax dhibaato ah oo soo wajaha Soomaaliya iyo amnigeeda, isagoo intaa raaciyay in dalkiisa uu diidan yahay in la faragaliyo arrimaha Soomaaliya.

“ ma ogolaan doono in loo hanjabo walaalaheen Soomaaliya, markastana waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno walaalaheen’ayuu yiri madaxweynaha Masar.

Warbaahinta Carabta iyo Caalamka ayaa iftiimiyay kulankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Sisi ee ku saabsanaa diidmada faragelinta arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca Masaarida Akhbar Al-Youm portay, waxa ay boggeeda ku daabacday shirkii miro dhalka ahaa ee dhex maray madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Masar, iyadoo ciwaankeedu ahaa: “Madaxweyne Sisi: Soomaaliya waa waddan Carbeed… Ma yeeli doono. cid kasta in ay khatar geliso ama ay amnigeeda wax u dhinto”.

Russia Today ayaa ciwaan uga dhigay “Al-Sisi: Masar ma ogolaan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda”.

Russia Today, oo soo xiganaysa hadalka Madaxweyne Sisi, ayaa yidhi: “Masar way diiday in la farageliyo arrimaha Soomaaliya.

Channel-ka Al-Hurra ayaa boggiisa Internet-ka ku daabacay kulanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifataax El-Sisi oo ciwaankiisu ahaa: “Bayaankii Masar ugu adkaa”…Fariinta Al-Sisi ee Itoobiya ka dib heshiiskii “Somaliland”.

Madaxweynaha Masar ayaa intaa ku daray: “Fariinta aan u dirayo Itoobiya waa… in ay isku daydo in ay ku boodo dhul ay isku daydo in ay maamusho, ma jirto cid ku heshiin doonta arrintaas”, isaga oo intaa ku daray in iskaashiga dhinaca horumarka uu yahay istaraatiijiyad wanaagsan.

Telefishanka France 24 ayaa cinwaankiisa ku qoray: “Sisi waxa uu ku nuuxnuuxsaday diidmada Masar ee ku xadgudubka madax-bannaanida Soomaaliya iyada oo uu jiro muran dhuleed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Itoobiya.”

Dowladda Soomaaliya oo beesha Caalamka uga mahadcelisay garab istaaga ay u muujiyeen

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa taageerada dalalka caalamka ay ku taageereen qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed .

Waxay si gaar ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u xuseysaa dadaaladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka mid ahaayeen Shir Madaxeedkii aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD, Shir Madaxeedka Waddamada Dhexdhexaadka ah, kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika iyo socdaalkii miradhalka ahaa ee Madaxweynaha uu ku tegay Qaahira, kulanna kula yeeshay Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley kulanka uu la yeeshay Madaxweyne El Sisi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin  xulufo iyo wallaalo soo jireen ah oo mar kasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifaya iyo horumar waara , si gaar ahna diiradda loo saarayo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Masar oo Isna ka hadlayay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadley saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo wallaalo ah, kana wada tirsan Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika .

Tallaabada gurracan ee ay qaaddey Ethiopia ee ay ku faragelinayso qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka taageerada howlgallada Mr. Atul Khare oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay Q.M. siiso Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, siyaasadda iyo xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday sidii Q.M. u xoojin lahayd qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidanka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga dhammaadka sanadkan 2024.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ka guddoomay shahaado sharaf uu ku mutaystay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalka, ayaa uga mahadceliyey Q.M. taageeradooda ku aaddan madaxbannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya.

  

 

Wasiir Cali Balcad oo sheegay heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya & Masar in loo badali doona ficil

Qaahira:- Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay booqashooyinka, kulamada iyo daddaalada diblomaasiyadeed ee madaxda Qaranku waddo tan iyo 1-dii bishaan oo uu soo if baxay damaca gurracan ee Ethiopia.

Wasiirk Balcad ayaa sheegay in dowladda ay billawaday dagaal diblomaasiyadeed ee looga hor tagayo damaca gurracan ee Itoobiya ee Badda Soomaaliya, kaas uu ku sheegay in uu ahaa dagaal aan la’isku qaadan qori.

Waxa uu intaa ku darayn heshiiskan uu ka khatar badan yahay Al-Shabaab uuna yahay xadgudub si bareer ah loogu soo xadgudbay qaranimada iyo Madaxbannaanida ummaadda Soomaalieed.

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad “Al-Shabaab waxa ay wax u dhimeen amniga iyo qaab nololeedkeena, laakiin waxaba uma dhimin qaranimadeena iyo Midnimadeena, balsa heshiiskaan waxa uu waxa u dhimay qarannimada iyo wajirkeenna.”

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa  tilmaamay in dalka shirkii dalka Uganda ka qabsoomay ee isugu yimadeen madaxda dalalka dhexdhexaadka ah oo looga hadlay xadgudubka Itoobiya ay Soomaaliya.

Dhanka kale Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay, isaga oo xusay heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar in loo badali doona ficil

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee madaxtooyada Dowlada Goboleeska Hirshabeelle oo muddo tababar uga socday Caasimada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidankaan daraawiishta ah ay u diyaarsan yihiin adkeynta amniga caasimada, Madaxtooyada sidoo kalana ay ka qeyb qaadan doonaan wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo kooxda khawaarijta ah

  

Ciidanka Xoogga dalka biyo dhaamin u sameeyay qoysas khawaarijtu kasoo barakicisay degaanka Caad ee gobolka Mudug

Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka  gaar ahaan ururka 163’-aad  ee guutada 16’aad ayaa biyo dhaamin ah u sameyey dadkii ay khawaariijtu ka barakacisay degaanka Caad Ee koonfurta gobolka Mudug.

Dadka ku dhaqan degaanka Caad ayaa la dhibanaa duruufa dhanka nolosha ah ay kamid tahy biyo la’aan caafimad la’aan iyo hooy la’aan,shacabka degaanka ayaa aad ugu mahadceliyey garab istaaga ay u Muujiyeen ciidanka kumaandooska danab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa ku jira dagaal ka dhan ah khawaarijta,iyagoona gacnta kale ku caawinayo shacabkooda oo ay khawaarijta dhibatèeysay,mana ahan markii ugu horreeysay ee ciidanka xoogga ay biyo dhaamin u sameeyaan shacabka Soomaaliyeed.

 

 

  

Soomaalida Gobolka Minnesota oo ku dhawaaqay in ay qabanayaan dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya

Somaalida ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Marekanka ayaa ku dhawaaqay in ay qabanayaan dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda iyo Dhulka Soomaaliyeed.

Jaaliyadda Soomaaliya ee Gobolka Minnesota oo kulan isugu yimid ayaa sheegay in maalinta Jimca ah ay qaban doonaan dibadbax ballaaran oo ay ku muujin doonaan sida uga soo horjedaan damaca gurracay Itoobiya ee Badda Soomaliya.

Qaar kamid ah Soomaalida Minnesota oo la hadlay Warbaahintaa ayaa sheegay in.ay marna aqabli doonon in taako kamid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya Itoobiya ku soo xadgudubto,dowladana iyo ku garab taaganyihiin go’aanka adag ee ka qaadatay damaca liito ee Itoobiya.

“Waxaan u taaganahnay midnimada iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo sidii aan u muujin lahayn isku duubni soomaali meel walbo oo ay joogto” sidaa waxa jiri mid kamid Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota

Tan iyo horaantii bishaan markii Addis Abba heshiis beenaad ay kuwada saxiideen Ra’iisul wasaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Muusa Biixi waxa isa soo taray sida soomaali meel walba oo ay joogta u muujiyeen in aan lagu soo xadgudbi karin.qarannimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed,

Boliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay nin gowracay wiil uu adeer u yahay

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay sameyeen gacanta kusoo dhigay nin ku Eedaysan in uu gowracay wiil uu adeer u yahay, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Boliiska ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay Wiil  uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab”

Wiilka ayaa da ahaan jiray 8 sanno, Eedeysanaha falka geystay ayaana hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan,iyadoo la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh.