Baarlamaanka Carabta oo taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Qaahira: Baarlamaanka Carabta ayaa war-murtiyeed ka soo saaray xiisada ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyagoo si cad u taageeray amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Warmurtiyeedka uu soo saaray Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadan:

1aad: Wuxuu si buuxda u diiday isku dayga lagu xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in si buuxda loogu hoggaansamo qawaaniinta iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo inaan la faragelinin. arrimahooda gudaha si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida gobolka.

2aad: Waxa uu adkaynaya ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo in Gobollada Waqooyi (Somaliland) ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya sida waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

3aad: Baarlamaanku waxa uu cambaareynayaa heshiis-beenaadkii ay wada saxeexdeen dawladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland, maadaama uu heshiiskan xad-gudub ku yahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

4aad: Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in falalka noocaan ah ay halis ku yihiin amniga iyo xasiloonida gobolka, ayna saameyn taban ku yeelanayaan xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo isu socodka gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

5aad: Baarlamaanka Carabtu waxa uu si buuxda u taageerayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna soo dhaweynayaa go’aankii Golaha Ammaanka ee ku saabsanaa qaadista cunaqabateynta hubka ee saaranaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo 1992-kii.

6-aad: Wuxuu soo dhaweynayaa go’aankii dowladda Soomaaliya looga cafiyay deymaha dibadda oo gaaraya 4.5 bilyan oo doolar, kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay maamulka maaliyadda dalka.

7-aad: Wuxuu ugu baaqayaa dalalka Carabta, beesha caalamka, hay’adaha gargaarka iyo deeq bixiyayaasha inay garab istaagaan Soomaaliya oo ay u fidiyaan nooc kasta oo taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bani’aadanimo ah.

8-aad: Wuxuu Baarlamaanku ku nuuxnuuxsaday inuu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, isla markaana guud ahaan gayiga Soomaaliya u gaaro horumar iyo barwaaqo waarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaahira kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan xildhibaannada labada aqal ee dalkeenna ku matala Baarlamaanka Carabta ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isaga oo uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

   

Shir muhiim oo ay yeesheen taliyeyaasha Ciidamadda ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta ka shiray amniga guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka kooxaha Khawaarijta.

Kulanka si guud waxaa looga hadlay difaaca dalka iyo in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo dhibaata ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Shirkaan muhiimka ah ayaa ka dhacay Taliska Boliiska Soomaaliya, waxaa lagu lafa-guray sidii looga wada shaqeyn lahaa Difaaca dalka iyo guud ahaan amniga Caasimadda.

Wasiirka Gaadiidka ee XFS oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Sacuudiga ayaa kulan la yeelatay dhiggeedda dalkaas

Riyadh- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowso Cismaan Cigaal oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Boqortooyadda Sacuudiga kaddib martiqaad ay ka heshay dhiggeeda Sacuudiga, Mudane Saleh Al-Jasser ayaa kulan ay maanta yeesheen ka wada-hadlay sidii labada dal ay iskaashi uga yeelan lahaayeen, dhinacyada Gaadiidka dhulka iyo hawada, isdhaafsiga khibrada iyo tababbarada.

“Waxaan maalmahan booqasho shaqo ku joogaa dalka Boqortooyadda Sacuudiga, kaddib martiqaad aan la helnay dhiggeyga, Mudane Saleh Al-Jasser oo wada-hadal aan ku yeelanay Riyadh, diiradda aan ku saarnay sidii labada dal ay iskaashi uga yeelan lahaayeen, dhinacyada Gaadiidka dhulka iyo hawada, isdhaafsiga khibrada iyo tababbarada.” ayey tiri wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka samaysay dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada taaso u horseeday waddamada caalamka inay ballaariyaan iskaashiga ay dhinacyada kala yeelanayaan Soomaaliya.

     

Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo digniin culus u diray Itoobiya

Qaahira- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa maanta si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id oo daarnaa xiisda ka aloosan gobolka Geeska Afirka, gaar ahaan damaca gurracan ee Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa sheegay in heshiis-beenaadkii Somaliland iyo Itoobiya ay wada galeen ay Masar ka qaadatay mowqif cad, isla markaana war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ay ku diiday heshiiskaas.

Al-Sisi Madaxweyanah Masar oo ka hadlay arintaas ayaa yiri, “Sidaas darteed waxa aan cadeyneynaa in Masar ay diidan tahay in la farageliyo arrimaha Soomaaliya ama meel looga dhaco madaxbanaanideeda.”

Al-Sisi oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa sii raacsiiyey “Farriinta aan u dirayo Itoobiya si ay tas-hiilaad uga hesho walaalaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ereteriya, waa in ay u martaa waddo sharci ah, kana faa’iidaysto dekedaha dalalkaas. Laakiin in la isku dayo in dhul xoog lala wareego, cidna ma ogola.”

Sidoo kale Madaxweynaha Masar ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dal Carbeed, isla markaana ay xaq u leedahay in si wadajir ah lagu difaaco sida uu dhigayo Axdiga Jaamacadda Carabta, khatar kasta oo ku soo wajahan, isaga oo si cad u sheegay in Masar aanay oggolaan doonin cid kasta oo dhibaato u geysata Soomaaliya ama wax u dhinto ammaankeeda.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” sida uu yiri Madaxweyne Al-Sisi.

Dhanka kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay muddadii la soo dhaafay, “Waxaan idinku hambalyeynayaa guulaha aad ka gaarteen muddadii aad dalka hoggaaminaysay, saddex arrimood oo ay ugu horreyso xurreynta dalka iyo la-dagaalanka argagixisada oo saamayn weyn ku lahaa xasillooni-darrada ka jirtay dalka muddo labaatan ilaa soddon sannadood.”

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa intaa ku daray in guusha labaad ay tahay in Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa, waxaana guusha seddexaad uu ku sheegay in ay tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saarneyd tan iyo 1991-kii.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in hoggaanka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, uu horseeday in Soomaaliya ay ku tillaabsato horumar, isaga oo carabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu yahay mid taariikhi ah.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in qodobadii ay ka wadahadleen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ciidamada iyo amniga.

Malaayiin Itoobiyan ah oo ku barakacay dagaalka xukuumadda Abiy Axmed ay ka waddo gudaha waddanka

Addis Ababa- Malaayiin Ethiopian ah ayaa ku barakacay Dagaalka Xukuumadda Addis Ababa ay ka waddo gudaha waddankeeda iyo Abaaraha, iyadoo lagu eedeeyey maamulka Abiy in diyaaradihiisa Drones-ka ay dad Shacab ah ku dileen Gobolka Amxaarada.

goobjoogayaashu waxaa ay sheegayaan in gobolka ay ka jirto xaalad argagax ah iyo cabsi.

Ethiopia ayaa wajahaysa xaalad Bani aadanimo oo daran dad gaaraya 3.45 million ayaana ku barakacay 12 gobol oo dalkaas ka tirsan sida ay ku warantay Hay’adda {IOM } sababta ugu weyn ee sababtay barakaca iyo xaaladaha liita ee dadkaani ay wajahayaan {64%} waa dagaalada dalkaas ay ka waddo Xukuumadda Abiy Axmed (17%) abaaraha ayaa sababay.

Dagaalka sokeeye ee ka socda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia ayaa kor u kacay markii diyaaradaha dagaalka Xukuumadda Ethiopia ay beegsatay goobaha shacab.

November 2023, diyaarad drone ah ayaa duqeyn ay ka fulisay Magaalada Wegel Tena oo 570km Woqooyi kaga began Caasimadda Addis Ababa ku dishay 5 ruux oo shacab ah sida ay ay xaqiijiyeen goobjoogayaal  uu wareystay tv-ga Al Jazeera, Drone-ta ayaa sidoo kale duqeysay gawaari Ambalaas ah halkaas oo ay ku dishay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

Dagaalada  Ethiopia ka socda ayaa sidoo kale saameeyey gobolada kale ee dalka sida Oromia iyo Tigreega oo dagaalo qaraar ay ku dhex mareen kooxo hubeysan oo deegaanka ah iyo Ciidanka dowladda kuwaas oo qasaare xooggan uu ka dhashay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Masar oo wadajir uga hadlay xaaladda Gobolka

Qaahira- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan Gobolka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay sida dowladda Soomaaliya ay ula kaashanayso xulafada, bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay, waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin Labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno”.

Ugu danbeyntii, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xoojinta iskaashiga labada dal ee soo jireenka ah, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar guulaha muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dagaalka argagixisada iyo gaaridda guulihii taariikhiga ee dalkeennu ka gaaray qaadista Cuna-qabatayntii hubka, deyn cafinta iyo ku biiristii suuqa dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

        

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeer shaqo ku tagay wasaaradda Haweenka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka, si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee ay qaranka u xilsaaran tahay wasaaraddaasi, ka dib geeridii (AUN) Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay ay muhiim u tahay wasaradaha xukuumadda DanQaran, maaddaama ay wasaaraddu u xilsaaran  ka shaqaynta qaybaha ugu muhiimsan ee bulshadda oo ah haweenka Soomaaliyeed iyo xuquuqda aadanaha.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed bulshada ugu jiraan kaalin muhiim ah oo ay ugu horreyso barbaarinta ubadkeena, isagoo intaa ku daray inay kaalin xoog leh ka soo qaateen halgannadii kala duwanaa ee dalka xiligii gumaystaha, burburkii ka dib iyo hadda oo aynu halgankii ugu adkaa kula jirno haraadiga kooxda Khawaariijta iyo difaac dalka.

                 

dmiral Faarax Qare” Soomaaliya waa Dowlad Badeed, saddex jiho bad ayaa naga xigta, ee aan u diyaargarowno dagaalka Itoobiya”,

Admiral Faarax Qare ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeybo ka mid ah baddeena, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay tahay Dowlad Badeed, cadowgeedana uu noqon doono mid dhinaca Badda kaga yimaada, isagoo dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargarowbaan difaaca dalka.

” Itoobiya si cad ayay u sheegtay Dhulaa rabaa ayay tiri oo dego, horta awal inaan meel dhigano xaqaaq’ida ka jira dalkeenna, awal Soomaaliya waa Dowlad badeed horta, saddex jiho bad ayaa naga xigta, cadow kasta oo noo yimaado inuu bad ka imaan doono ama nin bad rabo inuu cadow noo noqon doono,”.

Sidoo kale, Admiral Faarax Qare ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Lughaye oo ah halka cadowga Itoobiya uu damaca uu kaga jiro ay ku taalo dhex bartanka Bar-bara iyo Loowya-cadde, islamarkaana muddo dheer soo taxnaa daan-daansiga cadowga Itoobiya loona baahan yahay in loo midoobo sidii la isaga dhicin lahaa.

”  Juqraafi ahaan marka aad fiiriso meesha uu cadowga bartilmaameedsaday ee Lughayo, Lughayo waxay dhex bartan u tahay Bar-bara iyo Xudduuda Loowya-cadde, tallaabtan, tallaabta xigta waa in dhulka lagaa qaato, Soomaali nimco ayaa taalo ee ballaayo ayaa la shidayaa,” ayuu yiri Faarax Qare.

Is-afgaradka dhexmaray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ah mid laga xumaado mana ahan oo kaliya mid qatar ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidoo kale, waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka, sida uu shirka IGAD ka sheegay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dalalka caalamka ayaa ka dhiidhiyay damaca gurracan ee Itoobiya, iyagoo ku baaqay  in la xushmeeyo lana dhowro madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo Dalka Uganda kaga qeyb galay shir-madaxeedka Ururka dalalka ku bahoobay G — 77 iyo China.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir-madaxeedka Ururka dalalka ku bahoobay G — 77 iyo China.

Shir-madaxeedka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dalalka ku bahoobay ururkan G — 77 ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, horumarka waara, isbeddelka cimilada iyo ciribtirka faqriga.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan ku bahoobay dalladan, isagoo xusay in Soomaaliya ay samaysay horumarro waawayn ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagaxisada.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo gobonnimada dalalka ku midaysan dalladan, isagoo xusay in xad-gudubka Itoobiya kusoo fara-gelisay arrimaha Soomaaliya uu yahay mid halis ku ah ammaanka gobolka, isla markaana aan la aqbali karin.