Duqa Muqdisho oo sheegay in waxii hada ka danbeeya la hubin doonno tayada dhismooyinka Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Dib-u-howlgelinta Sheybaarka Hubinta Tayada Dhismaha Dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo ay ka howlgali doonaan qubaro u dhashay dalka Turkiya, si loo tayeeyo dhismooyinka Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in waxii hada ka danbeeya la hubin doonno tayada dhisma wadaagga iyo qalabka dhismaha, asigoona sidoo kale sheegay in la hubin doonno aqoonta Injineerada, si loogu bad-baado dhibaatooyinka ka dhasha bur-burka ku yimaada guryaha Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BFS, Madaxda Hey’adda TIKA, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Abdel Fattah El- Sisi ayaa kulan miradhal leh ku yeeshay qasriga Madaxtooyada magaalada Qaahira.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan idin kaga soo sheegeynaa

Golaha Aqalka Sare BJS oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda, waxaana codka kalsoonida siiyay 27 Sanatar, waxaa diiday labao Sanatar wax ka aamusana ma jirin.

Kulanka maanta ee sharciga Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda lagu ansixiyay waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labadaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaano katirsan gobolka Baay

Ciidanka xoogga Dalka, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey Deegaano ka tirsan Goof-gaduud Buurey Ee Gobalka Baay, waxaana howlgalka hoggaaminayey Taliyaha Ururka 47-aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka somaaliyeed X/le Ahmed Maxamednuur (Ahmed Dhagey) waxaana laga Fuliyey Degaanada kala ah  Misgaale warta Kormar, Duurow, mintaanka, Qurunlow Asharaaf, Gololow, Goof Golol iyo Degaanka Hareera Jiifa Ee Dhaca Bariga iyo Koonfur Galbeed Ee Xiga Degaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw Ee Gobalka baay

Goobahaasi oo khawaarijta ay u aheyd maktab ka diwaangalinta jabhada maleshiyada iyo goobo ay lacago baad ah uga  qaadaan dadka shacabka ah Ee Isticmaala Wadooyinka Baay iyo Bokool.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa maalmahaan howlgallo ka dhan kawarijta kawaday degaanno katirstan gobolka Baay, halkaa oo khasaara xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta XFS : Warfaafinta iyo warbaahinta Soomaaliya muhiimad ayay u leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka

Xuska maalinta Warfaafinta iyo Warrbaahinta Soomaaliya waa fursad muhiim ah oo lagu aqoonsanayo muhiimadda ay afka iyo warbaahinta Soomaaliyeed ku leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka.

Maalintan waxay kale oo ay ina xusuusineysaa daabacaadda wargeyskii ugu horreeyay ee Af-Soomaali ah oo haatan laga joogo muddo ka badan nus qarni. Tallaabadaas waxay wax weyn ka tartey horumarka warbaahinta Soomaalida, taas oo suurtagelisay faafinta macluumaadka iyo afkaarta afka Soomaaliga.

Horumarinta iyo ilaalinta afka Soomaaliga si tayo sare leh ayaa Iyana muhiim u ah ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya iyo in la hubiyo in dadkeedu ay heli karaan macluumaadka oo ay si hufan u cabbiraan fikirkooda.

Waxa kale oo muhiim ah in hawl-wadeennada warbaahinta Soomaaliyeed, aqoonyahannada, iyo qoraayaasha ay labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo tayeynta afka Soomaaliga ah si looga hortago in la dhalan rogo ama adeegsigiisa uu yaraado.

Anaga oo xusayna maalinta warfaafinta Soomaaliya, isla markaana xoogga saarayna muhiimadda iyo qiimaha Afka Soomaaliga iyo warbaahinta, waxaan ka qeyb qaadan karnaa sii wadida kobaca iyo firfircoonida dhaqanka hodanka ah ee bulshada Soomaaliyeed.

HAMBALYO MAALINTA QARAN EE WARFAAFINTA SOOMAALIYA

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac

Madaxweynaha JFS oo Ururka Jaamacadda Carabta uga mahadceliyay mowqifka ay ku taageereen madaxbannaanida Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Masar kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa ka mahadceliyay go’aanka guddoonka iyo dalalka Ururka Jaamacadda ay kaga hor yimaadeen damaca gurracan ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kuna taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweyna Xasan Sheekh iyo xoghayaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa dhanka kale iska xog wareystay amniga iyo istaraatijiyada badda Cas ee marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandeb iyo xaaladda geeska Afrika, iyaga oo dul istaagay cawaaqib xumada ka dhalaneysa tallabooyinka qar iska tuurka ah ee maamulka Addis Ababa ay ku faragaliyeen midnimda dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay hoggaanka ururka Jaamacadda Carabta mowqifka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku diideen damaca xukuumadda ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ka dhanka ah baddeenna iyo dhulkeenna.

Xoghayaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa muujiyay dadaalka iyo garab istaaga Jaamacadda Carabta ee lagu xoojinayo midnimada iyo gobanimada Soomaaliya,  axaana uu sheegay inaanan la aqbali karin xadgudubka dhanka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saldhig u ah xasilloonida gobolka.

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Marwo. Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee Golaha Shacabka BJFS, waxaana sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS)

2) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka.

3) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

5) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed

6) Qeybinta Heshiiska Ku-Biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Mudanayaasha Golaha kahor Akhriyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka iyo Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed. Si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Xildhibaannada ayaa mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka weydiyey Wasiir dawlaha Wasaaradda Beeraha. Intaas kadib wasiir dowlaha ayaa faafaahin ka bixiyey su’aalahii la weydiyey .

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Hindise-Sharciyeedyada maray akhrinta 1-aad Guddiga Beeraha, Hormarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda.

           

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Qaahira kula kulmay Imaamka Al-Azhar ee Sheekh Axmed El-Tayeb

Qaahira- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed  El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka  dhan ah Khawaarijta Alshabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar.

Madaxweynaha oo ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada  ayaa aqbalay casuumadda, waxa uuna si adag u cambaareeyey Faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta.

  

WELIGAA HA KU CEL CELIN KELMADDA ANIGA

Dunida waxay ku dhisan tahay iskaashi iyo gacmo wadajira ..ma jiro qof keligii istaagi kara ..wax walba wax baa tiiriya oo Kaaba .

Mindida afkeeda waxaa Kaaba daabkeeda oo ay wax ku goysaa sidaa ayaana noloshu u tahay mid is dhammeystireysa oo ma jira qof keligii wax noqday.

 

Qof ayaad la kulmeysaa markaa ayuu manta dhan ku leeyahay ..aniga..anigaa circa u booday ..anigaa diyaarddan sameeyey … anigaa mashruucan wada oo kor u qaaday ..anigaa ..anigaa..oo aan dhammaanyn.

Noocan hadalka ah waxaa la yiraahdaa ANAANIYA waana nooc saykoloji ahaan ka mid ka mid ah cuqdadaha dadka ku dhaca oo qofku isu qaato in wax walba oo wanaagsan , fiican ama horumar ah uu isagu ka dambeeyey ama uu sameeyey .

Waa nooc ka mid ah foobiyada weliba qeynaheeda ugu halisan oo kutubka cilmi nafsigu wax badan ka qoraan.

Arrintan waxaan ku arkay dhaqamada Soomaalida dhexdooda oo ay ku badan tahay waxaana tusaale kaaga filan ku leh ..waan ugu wanaagsan nahay dadka Afrikaanka ah, ugu geesisan nahay uguna qurux badan nahay.

Taas waxay dadka qaar ku qeexi karaan faanka iyo buunbuuninta oo aan jecel nahay laakiin ogow haddii aad tiraahdo wax walba waan ugu fiicaan nahay ..ma ka tillaabsaneysaa oo ma dhhafaysaa halka aad joogto.

Maya ..ayaa ah xaqiiqda ku hortalla waayo adiga ayaaba is caleemo saaray oo ma jirto cid ku caleemo saartay oo lu tiri adaa ugu fiican.

Ugu ma fiicnid ..kwaa kaa fiican kuwana waa kaa xun yihiin laakiin fiican kgu qufulan kuuma horseedi karto halkaaga in aad ka gudubto.

Aniga ..waxa la yiraahdo waxay ku galineysaa qab..kaas oo ku diraya wax walba oo horumar ah oo aad tiigsan laheyd.

Istaag meel dhexe waayo arrin walba meesha dhexdhexaadka ah ayaa ugu kehyr badan markaasna waxaad noqoneysaa qof meel dadka dhex u ah iska jooga ooh ore u socon kara .

Markaa iska hir in laguugu barto dhihidda aniga…aniga ..anigaa .

WQ: Maxamed Shiil

 

MAXAY TAHAY MUHIIMADDA AY LEEDAHAY QAADISTA CUNAQABATEYNTA HUBKA EE SOOMAALIYA?

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkii hore u codeeyey in la qaado cinaqabateyntii hubka ee saarneyd dowkadda Soomaalia iyo ciidamada ammaanka taas oo soo gabagabeyneysa in ka badan 30 sano oo ay xannibaad saarneyd in hub la keeno Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa qaatay labo qaraar oo qabyo ahaa oo Jimcihii hore la horkeenay Golaha oo ay Ingiriisku soo gudbiyeen , mid ka mid ah qaraaradaa la soo gudbiyey wuxuu ku baaqayey in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya iyo mid kale oo ahaa in mar kale cunaqabateyn hub lagu soo rogo Alshabaab oo tan iyo 2006dii dagaalo ku hayey dalka .

Tallaabadan ayaa loola dan lahaa xoojinta awoodda dowladda Soomaala ay kual dagaalamayso Al Shabaab iyo soo celinta degenaanshaha iyo ammaanka dalka Soomaaliya oo ay halakeeyeem dagaallo tan iyo markii ay dhacday Xukuumadda Jen. Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991dii.

Golaha ayaa walaac ka muujiyey in aanay kirin meelo badbaado leh oo rasaasta lagu keydiyo dalka Soomaaliya gudihiisa, wuxuuna dalalka Soomaaliya la saaxiibka ah u soo jeediyey in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay  u heli laheyd loogu dhisi lahaa , dib loog dayactiri ahaa looguna isticmaali lahaa keydka rasaasta meelo amni ah.

Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Ammaanka isagoo sheegay in arrintani gacan ka geysaneyso in la casriyeeyo ciidanka Qaranka ayna ciidanka u suurtagalineyso inuu helo hubka uu u baahan yahay .

Waxaa kale oo uu u mahadceliyey waxa uu ku tilmaamay dalalka saaxiibka ah ee gacanta ka geystay in la qaado cunaqabateynta , wuxuuna sheegay in dowaddiisu ay xaqiijin doonto in hubka aanu ku dhicin gacmo qaldan.

War qoraal ah oo ay dowldda Soomaaliya soo saartay ayaa lau sheegay in qaadista cumaqabateynta hubka ay marqaati u tahay dadaalka aan yareyn ee beessha caalamku u gashay in Somaaliya nabad iyo xasiloni waarta laga dhaliyo.

Inkastoo ay jiri karaan caqabado la xiriira maamulka iyo xisaabtanka hannaanka loo haynayo hubka hadana Goluhu waxay sheegeen in loo baahan yahay in la hagaajiyo dowlad wanaagga, xuquuqda aadanaha iyo dadaalada dib u heshiisiinta .

Soomaaliya ayaa ku tiirsaneyd gacansiin ay ka hesho ciidamada Midowga Afrika iyo quwadaha reer Galbeedka sida Mareykanka iyo Turkiga si loo sugo Ammaanka loogana hortago qatarta Al Shabaab.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaaday dagaallo bishii May  ee sanadkii hore iyagoo degaano badan dib uga qavsaday Al shabaah waxaana qaadista cunaqabateynta hubka loo arkaa calaamad weyn oo kalsooni ah mara marka eego dib u soo celinta nabadda iyo amaanka

WQ: Moxamed Shiil Xasan