DAANYEERKA AMA KAROWGA OO KU SOO BADANAYA XAAFADAHA MUQDISHO

Marka ugu horreysa daanyeerka ama karowga waa xayawaan ka mid ah xayawaannada ku nool dunida oo dhan gaar ahaan soomaaliya.

Karowgaan ayaa ku kala nool miyiga iyo magaalada intaba, balse waxaa ayaamahan dambe loo dareemayaa sidii la filayay si ka tiro badan in uu usoo buux dhaafiyay magaalooyinka waa wayn.

Daanyeerka oo kala nooc ah kalana waa wayn ayaa daanyeerka kiisa weyn ee labka ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Muun Daanyeer sida bandanna waa liidarka ama hoggaamiyaha kooxda daanyeerra ah.

Xayawaankan waxaa loogu tala galay meelo u gaar ah oo lagu hayo (ZOO) walow iyagu aan lagu darin xayawaanaadka dadka cuna haddana ee lagu daro xayawaanka dadka la saaxiibka ah ee la nool haddana waxay badanaa la nool yihiin xayawaanka kale ee duurjoogta ah waxaana badanaa lagu arkaa meelaha lagu xanaaneeyo ama laga daawado ugaadha ee loo yaqaan Wild life Parka

Ujeeddada aan usoo qaadanay waxaa weeye Daanyeerka ama Karowga ayaa ah in maalmahan dambe ku soo badanayaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana haatan lagu arkaa dhammaan xaafadaha kala duwan ee muqdisho iyagoona cidna ka cabsaneynin soona buux dhaafiyay geedaha waa weyn ee haraca ah.

Haddaba waxaa dhibaatada keenay oo badanaa la arkaa in daanyeerta ay usoo degaan dhulka iyagoo qaadaya wax walba oo aad meel dhigato, dadka xaafadahuna waxay ka muujinayaan cabasho iyagoo kuu sheegaya in uusan waxba reebeynin tusaale ciddii guriga ku abuurta beer yar ama ubax qurux badan ama cinabka, seytuunka, liin macaanta wuu ka cunayaa galleydana haba sheegin lagama soo gaaro.

Mararka qaar digsiyada waxa ku jira ayuu kala baxaa mooskana maba eegi karo oo waa waxa uu ugu jecel yahay, intaas waxaa dheer in uu koox koox u socdo isagoo caruurtiisa xabadka ku wata ayuu baraakooyinka tacbaanka ah ku dul ordayaa marna bixdix marna midig.

Waxaa jira kuwo ku dhex jira daanyeertaas oo mararka qaar bursada ilmaha ama haweenka qaar iyagoo cabsi gelinaya.

Haddaba, waxaanba oran karaa daanyeerta hadda joogta xamar waxay ka farabadiyeen yaan yuurta ku nool magaalada waxaan noqonay sidii magaalooyinkii hindida oo daanyeertu meel walba ay taagan tahay.

Waxaad arkeysaa mararka qaar daanyeerta oo is bursanaya oo fiilooyinkii korontada iyo baaleyaasha ku kor ciyaaraya, waxaa wanaagsan in loo helo xal lagu maareeyo arrintooda.

Daanyeeradii hore waxaad moodaa kuwani inay ka aqli badan yihiin xagga dhagarta iyo gaadmada sida ariga carbeedku uga caqli badan yahay ariga cadka waayo ari carbeedku waxaa lagu tiriyaa inuu yahay reer magaal weliba mararka qaarkood ka ka caqli badan dadka qaarkiis walow isaga naftiisa uu tuug yahay uu hooyooyinka ka cuno buunshada iyo cajiinta.

Laakiin daanyeerta waxaa dareemeysaa in uu mararka qaar isticmaalayo xoog iyo boob cad isagoo hujuun kusoo qaada meelaha ay dheeftu taallo.

Sidaa daraadeed waa in loo helaa xal lagu maareeyo arrintaas.

WQ: Ibraahim A. Cali Fanax

 

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS: Somaliland waxay ka mid tahay Soomaliya mana geli karto heshiis Caalami ah

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo wareysi siiyey Idaacadda iyo Telefishinka Turkiga ee TRT ayaa ka hadlay damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso qayb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya,ugu horayn Ra”iisul wasaare xigeenka ayaa la weydiiyey in Somaliland xaq u leedahay inay dhul ka kireyso Itoobiya iyo in kale,ayaa sheegay inaysan xaq u lahayn inay galaan heshiisyo caalami ah, sababtoo ah waxay qayb ka yihiin Soomaaliya.

“Kowdii Jannaayo ee sanadkan ka hor, Soomaaliya waxay ku mashquulsaneyd hagaajinta dhaqaalaheeda, la dagaalanka Al-Shabaab, soo afjarida dayn cafinta oo muddo toban sano ah nagu qaadatay, iyadoo ku guuleysatey in aan bilowno dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dib u soo celineysa xiriirkeeda Xidhiidhka caalamiga ah, isla markaana qayb ka ah barnaamijka siyaasadeed ee madaxweynaheenna iyo xukuumadda hadda jirta ee uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay, siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxaa lagu wargeliyaa qof Soomaali ah oo nabad kula nool naftiisa iyo caalamka intiisa kale, ayuu yiri Mudane Saalax. .

Waxa uu sidoo kale sheegay in arrinta ku saabsan Is-afgaradka ay tahay khatar lama filaan ah oo ka imaanaysa Itoobiya, taasina ay walaac weyn ku tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, saameyn weynna ku yeelan doonto shacabka ku nool Geeska Afrika.

“Waqtigan wuxuu ku dhowaa waqtigii xoogga la saari lahaa wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, cunno yarida, horumarinta dhaqaalaha, isdhexgalka dhaqaalaha, wanaagga bulshooyinkeena, waa wax lala yaabo in xilligan hal waddan uu isku dayo inuu galo dhulka la isku daray. Dalka soo gala iyaga oo ku andacoonaya in ay u baahan yihiin in ay helaan badda, xaqiiqdii Itoobiya waxa ay ka heli kartaa bad ama dekado ku yaalla Jabuuti, Soomaaliya, Kenya iyo Ereteriya, wax dekad ah oo la heli karo ma yara, Laakiin tani waa mid aad u badheedh ah oo xad-gudub ku ah xuquuqda madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna saamayn weyn ku yeelan kartaa, mandaqada Geeska Afrika,” ayuu yidhi DPM Saalax.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in arrintan ay dhalin karto isku dhacyo sababtoo ah ‘dhaqanka mas’uuliyad darrada ah’ ee madaxda Itoobiya.

Sidoo kale, Saalax oo wax laga weydiiyay dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagaxisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegay in asalkooda laga soo billaabi karo markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya, balse wixii xilligaas ka dambeeyay ay dowladdu dadaal u gashay dagaallada kooxda xagjirka ah looga ciribtirayo Soomaaliya.

‘Soomaaliya hal Albaab ayay leedahay’ (WARBIXIN}

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa u soo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku yeelanayso xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika. Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoojiyey qaraarkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku laaleen is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, kaas oo khilaafsan heshiisyada labada dal, mabaad’ida aas-aasiga ah ee Midowga Afrika, xeerarka heer IGAD iyo heer caalamba.

Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhagaystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna, waxayna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa meel uga soo wada jeestay xadgudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee JFS, waxaana uu ahaa Shir Madaxeedkii 42-aad ee  Ururka Goboleedka IGAD oo shalay ka qabsoomay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa Laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxayna isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxda ayaa soo jeediyey in Heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo uu soo maro dowladda Federaalka Soomaaliya.

Urur goboleedka IGAD ee uu shirka uga socday magaalada Kampala ee wadanka Ugandha ayaa gabagabadii laga soo saaray War-saxaafaded, waxaana lagu yiri:-

1.“Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2.IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

3.Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah”.

“Soomaaliya hal albaab ayay leedahay waana Dawladda Federaalka ah, midnimada, wadajirka iyo Madaxbanaanideeduna waa lama taabtaan”, waa sida ay qireen Madaxda IGAD.

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka ay yeesheen  hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin, shirkaasi ayaa ka qabsoomay wadanka Ugandha. “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka”, sidaana waxaa yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah ee uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas, waxaana lagu wadaa in Labada Madaxweyne ay ka arrinsan doonan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Haddaba si loo daafaco Badda dheer ee ku teedsan Soomaaliya oo ay soo damacday Itoobiya ayaa waxaa socda sidii dib loo howlgali lahaa ciidanka Badda, si ay u ilaaliyaan xeebaha Soomaaliya ayay Khubarada arrimaha badaha ee Qaramada Midoobay ay dhowaan kulan la yeeshay dhiggooda Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya. “Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay la shaqeyso Kooxda Shaqada ee Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah si kor loogu qaado howl-gudashada iyo sugidda biyaha Soomaaliya iyo aagga dhaqaale ee gaarka ah”, sidaasi waxaa lagu qoray bogga ay ku leedahay baraha bulshada.

“Ka dib dadaalka Madaxda Qaranka, Soomaaliya waxay taageero buuxda ka heysataa dhammaan Ururada Caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Wadamada Islaamka ah. Sidaas oo kale waxaa si aan leexleexasho lahayn taageero noogu muujiyay dalalka dunida ee saamaynta badan kuwaas oo ay hugaaminayaan kuwa leh Codka Diidmada Qayaxan (Veto), sidaasina waxaa bartiisa bulshada ku qoray Wasiir-ku xigeenka Warfaafinta mudane Cbadiraxmaa Yuusuf Cadaala, wuxuna ku micneeyay in si dhamaystiran looga guulaystay in Adduunku fahmay duulaanka Dagaal oogaha Geeska Afrika Abiy Axmed, kaasi oo wajahaya go’doon Diblamaasiyadeed, meel cidlo ahna uga haray Dunida oo dhan.

“Shalay warka ka soo baxay Jaamacadda Carabta wuxuu ahaa Mid lagu qoray luuqad iftiiminaysa ama adag waxa uu filan karo Horjooge Abiy, intaasi kuma ekaan ee Dalalka Carbeed Mid Mid ayay Wasaaradahooda arrimaha dibaddu u soo saarayaan Bayaanaad muujinaya taageeradooda waxaana ugu dambeeyay, Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Masar oo dhawaan ku celiyay aragtidooda ka dib kulankoodii.Waxaa ka horeeyay kii Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanku uu ficilka Abiy ku tilmaamay mid halis galinaya deganaashaha Adduunka oo taageeraya Argagixisada isla markaana aan sinna loo aqbali Karin” mudane cadaala ayaa si adag u yiri.

Gudaha Dalka waxaa fariin isku mid ah diray dhammaan Heerarka kala duwan ee Hay’adaha Dawladda, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada iyo Shacabka Soomaliyeed oo ay ugu horeeyaan shacabka Gobolada waqooyi. Gudaha Dalka Ethiopia waxaa ka socda dood ballaaran oo inta badan Qawmiyadaha Ethiopia ay ku diidan yihiin falka qar iska tuurnimada ah ee Abiy, iyaga oo u arka in uu fashilka Gudaha ku qarinayo Duullaan aan guuli ka muuqan oo uu ku aado Soomaaliya. “Dadkeenna waxaa nala gudboon in aan ka shaqayno labo arrimood oo kala ah, in aan sii xoojino midnimadeenna iskama  caabino dicaayadaha raqiiska ah ee Abiy isla markaana diyaar u ahaano marxaladda xigta”. “Ninkii Haftay ee Hungurigu qaaday maxaa u haray oo la dhihi lahaa”, waa Muuse Biixiye.

By:- C/lahi Ruush

Duqa Muqdisho oo sheegay in barashada farsama gacanta ay ka mid tahay wax yaabaha uu dal ku horumaro

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in barashada farsama gacanta ay ka mid tahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee uu dal ku horumaro, islamarkaana uu Maamulka Gobolka dhiiragelin doonno howlaha farsamada gacanta.

Guddoomiye Madaale ayaa hadalkan jeediyay xilli uu maanta dhagax dhigayay dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta oo laga hirgelin doonno Degmada Wadajir, kaas oo ay si bilaash ah wax uga baran doonan dadka Danta-yar.

Munaasabadda dhagax dhigga Dugsigaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Safiir Ku xigeenka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Armaan Ardoga, Maamulka Degmada Wadajir iyo xubna ka socday hey’adda SAFA oo fulinta mashruucan qeyb ka ah.

   

QOYSASKA SOOMAALIYEED MAXAA BURBURIYA?

Guurku waa sunno sida uu noo sheegay Rasuulkeenna NNKH, qofkana wuxuu guursan karayaa markuu qaangaaro rag iyo dumar ba, iyadoo wanaagga guurka aanan la soo koobi kareyn ayaa hadda waxaa taas daba taagan furiin kaasoo ka dhex dhaca reeraha.

Haddaba maxaa keena furiinka soo baday xilliyadaan dambe?

Akhrista magaciisa aanan dooneyn in lasoo bandhigo ayaan weydiiyey su’aashaasi wuxuuna ku sababeeyey in ay hormuud u yihiin dhalinta maanta joogo, oo aanan garaneyn qiimaha guurka iyo masuuliyadda Eebbe saaray laba qofood ee nolosha ku midoobaya, wuxuu yiri ninka ragga ah isaga ayaa reerka ka masuul ah oo maalinta inanta lagu xiro waxaa laga doonayaa in uu noqdo qof masuul ah oo reerkiisa dhaqi karo, masafuurka reerkana isaga ayaa laga rabaa wixii Alle u dhiibay in uu reerkiisa la yimaado.

Dhanka kale gabadha qudheeda masuuliyad ayaa koreysa oo waxaa laga rabaa dhankeeda tii dhmarnimo in ay kasoo baxdo oo ay reerkeeda si wanaagsan u dhaqato, kana dambeyso seyigeeda.

Soomaalida qurba joogta ama dal joogta waxaa aad ugu soo batay furiinka oo waxaad arkeysaa inan 15jir ah oo garoob ah ama 20 jir laba jeer lasoo furay oo carmal ah, berisamaadkii aad bay u yareyd in aad aragto inan garoob ah balse hadda wax caadi ah ayey noqotay, taana waxaa keenay in maantaba lays jeclaado beri lays guursado beri dambe na laysasoo furo. Oo aanan guurka loo meel dayan, oraah Soomaaliyeed baa tiraahda  “geedkii fudeed lagu fuulo/koro fudeed baa looga soo deggaa” taasoo inta badan oo cuskado guurka deg-degga ah oo aanan loo meeldayan.

Iyadoo ragga ay masuul ka yihiin reerkooda haddana badanaa markii wax la derso waxaa furiinka keeno oo sabab u noqdo habeenka, oo markii labada lamaane is qabtaan ba la soo boodo i fur iyo kuma rabi, dhanka kale waxaa jiro rag iyaga lagu tilmaamo kheyru-masuul oo aanan reerkooda u wanaagsanayn haba ugu badnaadaan ragga isticmaalo maandooriyaha, kuwasoo xayraaniin ah deedna reerkooda aanan ku wanaagsanayn u masaruufan, intii yareyd we Rabbi u khadarayna khaad kala baxo oo iyadoo sarkhaansan reerkooda qeyla iyo laad kala duldhaco.

Waxaa kaloo jirto in ay reeraha kala geeyaan wax la yiraado hinaaso oo ah wax noolaha lanool, dumarkaba ha ugu badnaadaane iyadoo tusaala loo soo qaadanayo ayeeyo Xaawa Rabbi haka raali noqdee, maseyrkaasi ayaa hablaha guryahooda ka burburiya, sidoo kale kan dumarka ragga ayaa ka daran sida ay abwaannada iyo culimada ay sheegeen, hinaasuhu waa wax belaayo ah badanaa qoysaska uu soo dhex galo ma ladaan nolol wanaagsan oo aakhirkii burbur baa u dambeyo.

 

Burburka qoyska waxay dhibta ugu badan soo gaadhaa carruurta oo iyaga waxay ku tahay qalbi jab, mararka qaar waxaa dhacdo in carruurta laftirkooda laysu qabto oo la yiraahdo aniga isii maya aniga ayaa qaadanayo taasoo carruurta ku ah maroor dilaac.

Haddaba xalka muxuu yahay: xalka wuxuu ku jiraa in lays qadariyo oo laysku dulqaado, si uusan reerka u burburin, caruurtana mustaqbal la’aan loo dhigin waa in laga fakaro aayaha ubadka iyo koritaankooda.

WQ; Cabdiweli Daljir

 

 

8 CUNTO OO TIMAHA NAFAQEEYA, QURUXNA U YEELA.

Cuntooyinka ay ka mid yihiin bariiska boorashka oo uu aad ugu badan yahay faytamiinnada ay ka mid yihiin B iyo B7, waxay timaha ka caawiyaan inay noqdaan qaar aad u ifaya oo aan dhayal ku go’in, waayo boorashka qaydhin waxa ku badan maadada la yidhaa Silica oo timaha ka ilaalisa inay go’aan iyo waliba Zinc oo ka mid ah macdanaha timaha u wanaagsan oo ka hortaga daadashada iyo caafimaad-darrada timaha soo wajahda. Hadaba qurbo magazine ayaa halkaan idin kugu soo bandhigaya cunto timaha nafaqeeya.

  1. Lawska:

Lawsku waxa aad ugu badan booratiinka iyo macdanta Zinc, waxaanu timaha ka dhigaa kuwo xidaddoodu adag yihiin oo aan dhayal ku go’in, adagna.

Lawsaska ka baxa dalka Brazil waxa aad ugu badan macdanta la yidhaa Selenium oo timaha qotadooda adkaysa, kana hortagta inay dataan. Cunista lawska oo la joogteeyaa waxay masuul ka noqota in qofku helo timo aad u qurux badan.

  1. Ukunta:

Ukuntu waxa ku badan booratiinka, waxaanayna ka mid tahay waxyaabaha timaha daata lagaga hortago, sababtoo ah waxay dedejiysaa korriinka timaha, iyadoo ay ugu wacan tahay maadada la yidhaa Biotin.

Sidoo kale, ukuntu waxay ka mid tahay ilaha laga helo faytamiin B12, kaasoo la’aantii qofka ay ku dhacdo dhiig la’aan iyo timaha oo data.

  1. Khudaarta midhaha leh:

khutaarta

Khudaarta midhaha leh sida cambaha, liinta iyo saytuunka ayaa la ogaaday in ay aad ugu fiican yihiin timaha, waayo waxa ka buuxa macdanaha ay ka mid yihiin Biotin, Oemga-3 iyo Zink, waxaanay horseedaan in qofka timahiisu noqdaan qaar caafimaad qaba oo nafaqadu ku badan tahay. Sidoo kale, midhaha khudaarta ah waxa aad ugu badan barootiinka.

 

  1. Saliidda kalluunka laga sameeyo:saliida kalluunka

Haddii aad doonayso timo jirridoodu adag tahay, aadna u ifaya, waxaad cuntada ku darsataa amma isticmaashaa saliidda kalluunka laga miiro, gaar ahaan noocyada la yidhaa Salmon, Trout iyo Sardines. Waxa kaloo saliidda kalluunka ku jira Omega-3 Fattey Acid, taasoo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, qofkana ka dhigta mid aad jidhkiisu u dhalaalayo.

Macdanta Ironta ayaa sidoo kale saliiddan ku jirta, waxaanay ka hortagtaa in timuhu qofka daaataan. Waxa kale oo ku jira saliidda kalluunka barootiin aad muhiim ugu ah korriinka iyo dhumucda timaha dadka.

  1. Avocado:avocado-recipes

Avocado-du waxay ka mid tahay cuntooyinka ay aad u badanyihiin faaidooyinkooda caafimaad. Faaidooyinka avocado-da waxaa ka mid ah inay ka hor tagto in timuhu daataan isla markaana ay kobciso koritaankooda. Avocado-du waxay hodan ku tahay fiitamiinada B iyo E kuwaasoo ilaaliya sidoo kalana xoojiya timaha.

  1. Kalluunka:kalluunka

Noocyada kala duwan ee kalluunka badda laga helo waxay aad ugu fiican yihiin nafaqada timaha, waxana ku jira macdanaha ay ka mid yihiin Selenium, Iron iyo barootiin. Sidoo kale, kalluunku waa il ka mid ah ilaha laga helo faytamiin B12, kaasoo ah nafaqo weyn u ah korriinka timaha oo aanay badanaa dadku si fudud u heli karin.

  1. Caanaha ciirta 

Caanaha ciirta amma kuwa kale ee la fadhiisiyey waxa aad ugu badan macdanta Calcium, waana mid ka mid ah waxyaabaha timaha sida fiican u koriya.

Waxa kaloo ciirta ka buuxa barootiinka, waxaanay labanlaabtaa qarada timaha, waxaanay qofka si fiican caanahan u isticmaala timahiisu noqdaan qaar jilicsan oo aad u qurux badan.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

SIDEE SI BUUXDA UGA HORTAGI KARNAA FAKARKA XAGJIRKA AH?

Qarnigaan aynu ku jirno ee 21ka adduunka waxaa ku soo batay afkaaro kula duwan oo xagjir ah haba ugu badnaadaan kuwa diimaha gabaadka u ah. Waa maxay xagjir? muxuuse hadafkiisa yahay?

Xagjir waa ummad ama qof ku ad-adag wax uu aaminay oo laga dhaadhici ama deegaanka uu kusoo barbaaray ka jiro, waana aragti ah in qofka kasoo horjeedo oo aanan kugu ra’ayi ahayd aad nolosha ku caburiso ama geeri u dirto,

Adduunkana waxaa looga yaqaanaa argagaxiso, waa dadyoow diin ama koox ahaan isu raacay oo doonayo in araahdooda meesha ay ka arimiyaan laga qaato. Hadafkoodu wuxuu yahay in ay sida ay doonaan dadka ka yeeshaan oo ay xukumaan iyagoo rabo in ay ku sii ballaartaan dunida inteeda kale.

Soomaaliya oo ah dal  ay soo mareen dagaalo sokeeyo waxaa kusoo duulay qoom ka been abuurtay diinteena wanaagsan, iyagoo ummadda ugu awood sheeganayo waxaan diin ahayn oo baalmarsan diinteena wanaagga badan.

Dalalka ayey go’toon geliyaan oo ay u diidaan in goboladda qaar laysaga kala goosho, carruurta ay u diideen in ay waxbartaan, hooyooyin ayey nolasha ku dhibeen, odayaasha dhaqanka iyo waxgaratada ayey beegsi iyo dil ku sameeyeen.

Deegaannadda qaar waxa ay ka geysteen xasuuq iyo xadgudub ka baxsan bini’aadinimada oo waxa ay dadka ku sameynayaan caalamka ayaa ka yaabay, magaalooyinka waaweyn ee dalka waxa ay ka geysteen dilala qorsheysan, dhac hanti dadweyne iyo qaraxyo waaweyn oo illaa imika aanan laga soo kaban waxyeeladooda.

Horarkaan dalkeenna iyo dadkeena u soo shaqo tagay in ay dib u dhac iyo hagardaamo ka geysteen waa in aan halmeel ugu soo wada jeesano, marba haddaay shacabka iyo dowladooda is garabsaan guuli way imaan.

Side ayaa ummadda looga wacyigelin karaa fakerka xagjirka ama loo xakamayn karaa jiilkeeenna? Xagjirnimada oo ah wax aad u xun kaasoo aakhirkiina dalkeenna gaarsiiyeen meel liida, heer ay Khawaariij badan dalkeenna gabaad kasoo doontaan, taasoo sababtay in ay shacabka kala dhantaalaan oo ay baqdin geliyaan, waxaa Alle mahadii ah in baraarug bulsho kadib maanta cadowga meel walba looga taag rooonaado oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaan ay guullo badan ka soo hoyeen khawaarijta lagana saaray meelo badan oo muhiim.

Meelaha muhiimka ah ee ummadda laga wacyigelin karo waxaa ka midda masaajidada, dugsiyada qur’aanka, iskuulada, jaamacadaha, goobaha dadweynaha isugu yimaadan oo nasiinada ah, iyo golaha murtida iyo madadaalada.

Haddii warbaahinta gaarka loo leeyahay ay dadka u baraarujin lahayd sida tan qaranka khawaarijta afkaarahooda aad ayay u yaraan lahayd, sidoo kala goobaha waxbaashada haddii maadooyin wacgelinta ka hortaga fakarka xagjirka laga bixin lahaa dadka ay khaldayaan waa ay yaraan lahayd.

Si weliba oo loo xaakamayn karo oo loola dagaalami karo kooxda argagaxisada ee Khawaariijta ah yaanan loo kala harin.

WQ: DALJIR

 

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTII 65-AAD)

Aw-Mukhtaar kama hoos qaadin caradii haysay baa caqligiisa indha-tirtay erayadiisii eedeynta iyo canaanta ahaa buu ku sii tiiqsaday, ilaa uu Xaaji Muuminna markiisa sara kacay.

Kulaylkii walaalkii ka soo burqanayey baa dulqaadkiisii buux-dhaafshay markaasuu isna dhankii qaylo iyo eedeyn kala kacay.

Xaalkii middi middi ku-taag buu isu rogay dabkii bensiin hor leh baa ku daatay holacii waa sii fiday dhul fayoobaa buu qabsaday waxay gaartay in la isugu hanjabo, “Noo kala sooc sarihii iyo dukaammadii naga dhaxeeyey, ee adoogay laga dhaxlay.”

Maalintaasi qoyskaas waxay u ahayd maalin baas 13kii Mowliidow lagu eed! Kala fogaa ciiddii lagu qorsheeyey iyo cawaaqib xumada ay la timid! Xaafadi maalinta gelinkeedii hore farxadda iyo damaashaadka isugu gurmanaysay, waa taas gelinkii dambe gabida hoos u wada rogatay!

Aaway dadkii saaka farxadda la soo kallahaye qosolka iyo raynraynta ku wada quraacday! Waa kuwaas wada qulbay, qalbigu madoobaaday, qofba jaho u jeestay, qaar dhafoorrada haystaan, qaarna farta dhexda ka qaniinayaan!

Qof kaleba ha joogee, Jiija waxay la noqotay in qabri ku dumay qayaame ka weyn oo ku dhici lahaa in uu jiro lama ahayn qulub iyo caloolyow bay carrabka dhexda ka qaniintay qosol been ahna dadka eegmada ku dhibaya,

ilkaha u caddaysay, si aan loo oran, “Nin-raadis bay la caraysan tahay!” Waa ciqaabka ugu weyn ee ay ku jirto calool xumada haysoo ayan muujin karin baa cudur hor leh ku noqotay.

Tabar iyo talo midna ma hayso aayaheedu gacanta uguma jiro dhaqan gaboobay bay addoonsi ugu jirtaa oohinta haysa inay sii dayso xataa xor uma aha iyadoo uurka ka ooyaysa ayay ku khasban tahay in ay qosol been ah ilkaha caddayso!

Aweyska ay u ooyayso qudhiisu maalintaas kama uur-ku-taallo yara waase ka adkaysi iyo itaal roon yahay amarka dhacay isagaba dhaawac halis ah

ayuu u gaystay hase yeeshee, sida Jiija lama ahayn darbi aan la dhaafi Karin calaf aan laga doodi Karin ma oggolayn in uu is-dhiibo, mana garanayn wax uu sameeyo filan-waagii bay la noqotay in maskaxdiisa fuqba meel u jabay, fikradihii ku soo dhici lahaana faniinba meel u duulay!Intuu xaafaddii ka qaxay buu qar xeebta ku yaal hoos fariistay.

Dhagax soo fiiqan buu ku dhacadiidsaday faruurtuu dhexda ka qaniinay. Fikradihiisii kala firdhaday buu biyaha badda ka dul haab-haabtay hadba meel bay wax iska tusaan wax waliba ku soo dhace.

Go’aanna gaari kari waa waxay uga badan tahay in uu Jiija la dhuunto, kaddib meel kasta ha kala dhacdee.

Dhibaatooyin sidii uu uga gudbi lahaa la adag tahayna way u muuqdaan fatuurad cad oo kala jiidan ayaa soo hor fariisatay sar gaaban oo guduudan, korkana jiingad gambis ah ka hagoogan.

Nin xoog weyn oo fatuuradda dhex fadhiyay ayaa intuu saddex jeer saliidda cagta ku cadaadiyey, matoorka kaga cabaadiyey waa baaq ay isla yaqaanniin isaga iyo qof gudaha ku jirtay.

Waa siduu rabaye codkii baa gudaha u gudbay waxaa maqashay Beyddan Shabeel oo hor fadhiday, shaqo iyo sheeko wixii ay u baahdaanna ka haqab tiraysay, laba nin oo qolka labadiisa gees laba joodari iyo dhawr barkimood ku kala dangiiga, laba gabdhood oo dhawaan qaan-gaarayna midba

tiisa afarta addin dhexdooda ku haysto, sidii hooyo iyo ilmaheed, afkana qaad ugu gurayso, marka uusan isagu ammuuro kale ku hawlin! muusikada baxaysa, marqaanka lagu dhex jiro iyo buuqa la isku maaweelinayo, ma ahayn mid wax laga maqli karo, xitaa haddii daaradda bambooyin ka qarxaan.

Hase yeeshee, Beyddan Shabeel horay bay labadeeda dhegood ugu carbisay in ay midina ku jeesato martida u fadhida, midda kalena martida cusub ee soo degeysa dhaqdhaqaaqooda dibedda kala socoto looma baahna in ay is-arkaan labada martiyood, ama is-ogaadaanba! Yartii u adeegaysay oo bannaanka ka shanqaraysa ayay amar siisay, “Naa fiiri baabuurkaas!”

In yar kaddib bay Faaduma-Yarey warbixintii u keentay. Iyada iyo guntiinadeedaba waxaa ka muuqda diiftii iyo daalkii ay ku rideen hawlaha adag ee is-daba joogga ah ee ay Bayddan martideeda ku farax gelinayso, si gacmahoodu jeebabka ugu dhiirradaan, “Naa dhakhso qolkaas soo gogol! Keer soo nadiifi! Shaah kale soo kari! Khum-khum soo shid! Kooka-Koolla iyo sigaar soo gad! Biyo soo aroor! Suuliga biyo gee! Macawiisaha iyo dhiinsoolayaasha dhaq, waa kuwii caawa lagu fariisan lahaayee!” Amarradaas fulintooda ayaa gabbalku ugu dhacaa, waaguna ugu baryaa.

Kala fogaa fahma-darrada Faadumo-Yareey ka muuqata iyo sida ay u shaqaynayso waa agoon 13 jir ah ee aabbaheed beer yar degmada Afgooye ku lahaa markuu dhintayna iyada iyo afar walaalaheed ah oo ka sii yaryar, Xamar u soo dalaabeen. Dilka, af- xumada iyo shaqada naxariis la’aanta ah waxay ugu dul-qaadataa si ay kuwii ka yaryaraa rooti ugu geyso.

Badanaa inta jeer ay habeen-barkii ula gudday hambada shaaha iyo cashada ay ka kacaan martida marqaansan ee Bayddan markii soo daadi la yiraahday dambiil ku aruursataa, si ay walaalaheed noloshooda ugu badbaadiso! Intay si miskiinnimo ah irridka isu soo taagtay bay tiri, “Waa ninkii buurraa oo baabuurka dheer wadan jirey.”

SHEEKO GAABAN OO DHEX MARTAY NIN IYO XAASKIISA

Nin ayaa guursaday Gabar, wuxuu ula noolaa si deggan oo fiican, wuxuu ahaa nin aamusan oo aan hadal badneyn. Biilka iyo nadaafada si fiican ayuu uga soo bixi Jiray, aadna wuu u Jeclaa xaaskiisa, iyaduna sidoo kale.

Wax walbaa oo ay u baahan tahay xaaskiisa wuu u keeni jiray. Laakin Sheeko, ciyaar iyo Kaftan, midna lama uusan lahayn. Waxa ay weydiisato wuu siinaayay oo wuu u keenaayay, nin baahida xaaskiisa ka gaabiya ma uusan ahayn.

10 Sano ka dib ayay gabadhii fikirtay, waxa ayna sameysay, maalin maalmaha ka ah ah isagoo shaqadiisa u socda, ayaa waxa ay siisay cajalad aan waxba ku duubneyn misana faaruq ah.

Waxa ay ku tiri marka aad sii socoto sii dhageyso cajalada kadibna canjaladii buu ku Riday Rikoorkii, misan codba maba lahan, cajaladdii ilaa ay ka dhamaato ayeey u shidneyd.

Markuu ka daalay cajaladdii ayuu xaaskiisa u wacay, wuxuuna ku yiri: – Cajaladaan waxba kuma Jiraan xabiibti oo weey maran tahay.

Kolkaas ayeey ku tiri: – In yar sug, weey bilaabmi doontaaye. Wuu sugay oo wuu rogrogay weli wey hadli la’dahay oo wax ah cod ah malahan.

Haddana wuu la hadlay mar labaad, waxeyna ku tiri sidii oo kale in yar sug weey soo hadleysaa.

Intaa kadib wuxuu gaaray shaqadiisa, welina cajaladii cod lagama haayo oo sidii ayeey u aamusan tahay. Xaaskiisii ​​ayuu mar saddexaad la xiriiray wuxuuna ku yiri: –

Waxaad i siisay cajalad maran oo aan waxba ku jirin. Waxeyse ku tiri marka aad soo baxeysid galabta ku day oo shid markaasi.

Haddaba, si walba wuu sameeyey oo waxba iskama beddelin, mar afraad ayuu la hadlay xaaskiisa, wuxuuna u sheegay in eysan waxba ku jirin oo ayna shaqeeneynin.

Gurigii ayuu soo gaaray isagoo xanaaqsan, wuxuuna ku yiri: – Ma aniga ayaad igu ciyaareysaa? Kolkaas ayeey ku tiri:

Aaway cajaladii? Wuu u dhiibay. waxa ayna ku tiri in yar iska naso, kadibna waxa ay soo qaaday rikoorkii, weyna ku riday cajaladii.

Waxa ay ku tiri kaalay dhagayso, wuu u yimid, wuxuu sugay dhowr daqiiqad weli waa sidii. Wuxuu ku yiri: Sow ma Arkeysid in ay aamusan tahay cajaladu?

Waxay ku tiri in yar sug oo sabar, wuxuu sugay oo weli cod malahan, sidii ayeey markasta waxa ay leedahay in yar sug oo sabar. Markii dambe ayuu ku yiri: –

Maanta oo dhan ayaad i leedahay sug in yar oo sabar. Waxay ku tiri: – in yar sug oo sabar, wuxuu yiri ma sabri karaayo intaasi ka badan ee inaga daa quraafaadkaaga.

Ka dib inta ay demisay cajaladdii ayeey waxa ay ku tiri: – Sowjkeygiyoow ma awoodid in aad u sabarto cajalad nus saacadood socaneyso, aniguna waxaan ku sabraayay 10 sano adiga oo aamusan.

Ninkii wuu fahmay ujeeddada xaaskiisu ka lahayd cajaladaan, ka dibna wuu fekeray, wuuna hagaajiyay naftiisii, xiriirkii xaaskiisana wax buu ka beddelay, xaalkeediina wuu is bedelay fikradaas yar ee ay samaysay oo kaliya.

 

NINKII DADKA DAAWEYN JIRAY.

Beri baa waxay saboolnimo dhibtay nin, si wala hadduu yeelay noloshiisa caadiga ahyd wuu maareyn waayey, markii dambe si xun intuu u fekeray ayuu wuxuu isku dayey inuu is dilo, Buur dheer dhaladeed intuu fuulay ayuu iska soo tuuray.

Hase yeeshee nasiib wanaag waxba ma gaarin, dhowr jeer ayuu ku noqday mar kasta isagoo bad qabay ayuu dhulka ku soo dhacaa oo waxba ma gaaraan, Markii dambe guri buu inta isku soo xiray ayuu xarig qoorta iska suray oo uu isku dal-dalay, Hase yeeshee mar kasta xarigii ayaa la soo go’a oo waxba ma noqdo.

Waa nin aan tiisii geline maalintii dambe ayaa wuxuu ku tashaday inuu isku tuuro bad. Isagoo baddii agtaagan ayaa waxaa u yimid malag Ilaahey u soo diray markaasuu wuxuu yiri “nin yahaow maxaad rabtaa inaad sameyso”.

Wuxuu yiri “waxaan doonayaa inaan badda isku tuuro si aan u dhinto aan adduunkan dhaafo”. Wuxuu ku yiri Malagii “oo maxaa taa kugu kalifay”, wuxuu yiri ninkii “faqri baa I daashaday oo noloshaydii baan maareyn kari waayey” Malagii baa wuxuu ku yiri markaa “anigaa waxaad ku shaqaysato ku barayee ku shaqayso”.

Laga bilaabo maanta waxaad daweynaysaa dadka oo dhaqtar baad tahay, qofka jiran ee aad daweynayso haddii aan lugaha ka fadhiyo ku akhri wax oo dawey wuu raysanayaaye, haddiise aanmadaxa ka fadhiyo ka isku daalinin wuu dhimanayaaye” qof kasta oo jirana ku dheh aniga ayaa idiin daweynaya”.

Nin saboolka ahaan jiray sidii ayuu muddo baan ku shaqaysan jiray, oo qofka marka loogu yeero ee la yiraahdo kaalay quraan ku akhri waxaa istusi jiray Malkul Mowdkii, hadduu lugaha ka fadhiyo xoolo badan buu ka qaadan jiray wuuna daweyn jiray, hadduu madaxa ka fadhiyana wuu isaga tagi jiray. Maalintii dambe ayuu isagii xanuunsaday show waqtigiisiibaa dhamaaday, wuxuuna arkay isagoo sariirtiisii ku jiifa malagii o madaxa ka fadhiya.

markaasuu dadkii intuu u yeeray wuxuu ku yiri “I wareejiya oo madaxayga dhinacaa kale mariya” hase yeeshee markii madaxiisii la soo wareejiyey maliigiina wuu la soo wareegay oo weli madaxa ayuu ka fadhiyaa, si walba dhinac walba haddii loo jeediyey madaxa ayuun buu ka fadhiyasaa.

Waxaanay dadkii arkeyn ee isagu kelidii uu arkayo ayuun baa u muuqda, Siduu u lahaa ilmihiisii waryaada iwareejiya maxaad ii kortaagan tihiin ayey naftii ka baxday.

WQ: Abwaan C/qaadir Xuseen Maax