SOO KABASHO DHAQAALE EE DALKEENA

Adduunyada waa harka labadiisa galin dhaqaaluhuna waxaa ku yimaada isbaddallo soo kabashada dhaqaalahana waxa uu u baahan yahay waxqabat badan iyo dadaal si taasi looga mira dhaliyana waxa ay u baahan tahay Ka dhabeynta horumarka ganacsiga si aan ula jaan qaadno bulshada caalamka ee Ka dhaxeeya tartamada dhanka dhaqaalaha si aan u gaarno wadamada ugu dhaqaalaha badan adduunka.

Hadaba, haddii aan u imaado soo kabashada dhaqaale ee uu dalkeena ku jira waxa aad Ka dheehan kartaa Caasimada dalka oo maanta bilic ahaan qurux, dhismayaasha, hormarada ganacsi, soo kabashada kaabayaasha dhaqaale taasina waxa ay keentay in ganacstada caalamka ay ku soo hirtaan soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho  intabadan lagu qayaasaa tiro ahaan 18milyon balse tirakoob sax oo lahaayo majirto balse waa qiyaas ahaan  bulshadaas baxaada leh hormaro kala duwan ayey ka sameeyey dhanka dhaqaalaha dalka.

Dalka Soomaaliya oo ah dalka baaxadaas leh ayey bulshadii Soomaaliyeed waxa ay  yihiin dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan, Beerashada  iyo Xoolaha nool marka loo eego dadka ku nool geeska africa.

Dalkeena marba marka kasii danbeyso waxaa kobcaayo dhaqaalaha taasi oo aad ka dheehan kartid isbadalka xoogga leh ee ku yimid dalka tobankiisano ee u danbeeyey.

Kobacaas kala duwan ee dhaqaalaheen ayaa ku yimid dadaal badan oo ay bulshada Soomaaliyeed ay sameeyeen sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay lasoo kulmeen dhibaatooyin waa weyn oo aysan u adkeesan karin bulshooyinka caalamka kale.

Hadaba dhibaatooyinka ayaa ahaa in dalka uu ku jiray dowladd la aan oo ay dowladdii burburtay dagaalo kala duwan dalka ka dhacay oo kumanaan bulsho aan waxbo galabsan ku dhinteen qaarna dhaawac meen iyo qaarka kalena ay dagaalada ku reebtay dhibaatooyin ma hadho ah balse bulshada Soomaaliyeed waxaas oo dhib ah waa ay u soo adkeysteen waana ay guuleysteen.

Dabcan marka aad eekto Soomaaliya waxaa kuu muuqanaayo hormarada kala duwan ee dalka ka jiro iyo dhaqaalaha xawliga ah ee sii kobcaayo uu dalkeena sameenaayo taasina waxaa laga dheehan karaa caasimada dalka oo isbadalo xoogleh ay ku socdaan.

Sidoo kale dhaqaalaha Soomalida kuma eko Soomaaliya oo kaliya balse xuduudka ayuu katilaabay waxa aad arkeysaa ganacsatada Soomalida ah ee dhaqaalaha xoogga leh ee ku haysta wadamada kala duwan sida kenya waa dal aan daris nahay hadan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maal galin xoog leh ku sameeyey suuqa islii oo ay soomaalida ay ku badan tahay dhaqalihiina waa u kobcay.

Sidoo kale waxaa jira wadama kale sida South Africa, Turkiga Ruwanda Jabuuti iyo wadama kale oo dhaqaalaha Soomaaliya yaalo marba marka kasii danbeysana uu sii kobcaayo.

Dancan dadka Soomaaliyeed waa dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan oo dhaqaala sameen kara balse waxa ay u baahan yihiin dowladd xoogleh oo difaaci karta nolasha bulshada Soomaaliyeed iyo maalkooda sidoo kalena dowladdu ay ku xirta wadamada ganacsi wadaaga ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed waxqti kasta waxa ay sameen karaan dhaqaalo xoog leh oo kobciya dalkeena haddii ay helaan xasilooni amni, dowladd difaacda Hadda kobacaas waa uu sii laba jibaarmi haddii uu helo inta aan kor ku soo xusnay.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

DALAGGA DALKEENA DEEQ NOOGU FILAN

Soomaaliya waxa ay leedahay dhul-beereed xadigiisa lagu qiyaasay 8.9 malyan oo hektar, taas oo dalkeena ka dhigaysa in uu leeyahay carro-san oo ku wanaagsan tabaca beerashada, webiyada ku dhexyaalla aagaga ay munaasabka ku yihiin iyo hannaanka beerista dalaga ee casriga ah, intaas oo la isu geeyay ayaa keeni kara in dalkeenu uu quudka gaarsiiyo dalal badan oo aan isku helin nasiibkaas iyo deeqda ilaah.

 

Waqtigii ugu badnaa ee Soomaaliya dhulka ugu badan laga beero waxa ay ahayd sannadihii todobaatanaadii iyo horraantii sideetamaadkii sida ay sheegaan aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaan beeranay ku dhawaad 1 malyan oo hektar, taas oo wax-soo-saarka dalka ka dhigtay mid xooggan oo dalka iyo dibadaba kala gaaray, mooska ayaana ahaa dalaga ugu badan ee aan dibada u dhoofin jirnay waqtiyadaas.

 

Dunida maanta waxaa jira culuum casri ah oo lagu horumariyay beerashada, waxaana dalal badan oo aan lahayn dhul-beereed wanaagsan u suuragashay in ay cilmigaas ka faa’idaystaan oo tacabka beerahana ay wax badan kusoo saartaan, waxayna kutimd in wadamada dunida ay waqtigaan ku dadaalayaan in ay quudkooda isku-filnaansho ka gaaraan, haddii dunida cunno-yari ama colaado kusoo kordhaan si loo badbaadiyo dadka iyo duunyadaba.

 

Isbadalka cimilada iyo colaadaha caalamiga ayaa ah arrimaha ugu badan ee kordhiyay cunno-yarida dunida iyo cabsida laga qabo in quudka uu gabaabsi ku yimaado, taas ayaana si xoog leh usoo ifbaxday kadib markii uu bilawday dagaalkii Ruushka iyo Yukreen oo dunida laga dareemay kororka maciishada quudka iyo yaraanta cunnooyinka qaar oo aad looga soo dhoofsan jiray labadaas dal sida qamadiga iwm.

 

Qarnigan cilmi-baarista iyo tijaabooyinka culuumta ayaa dalal badan u saamaxday in ay tacabka dalaga ka gaaraan halka ugu sarraysa iyo isku-filnaansho quud, Soomaaliya waxa aan haysanaa dhul ay suurtaga ku yihiin soo-saarista nuuc kasta oo dalag ah, haddii aan kusii darno cilmiga cusub ee ilbaxnimada horseeday waxa aan noqon karnaa dal isku-filan oo dakhli xoog leh ka hela markaan dunida u iib gayno qaybaha kala duwan ee dalaga.

 

Maadaama ay maalinba maainta ka damabaysa sii kordhayso cabsida laga qabo cunno-yaraanta dunida kusoo fool leh, annagana aan haysano dhul carro-san ah oo aad ugu wanaagsan tabaca beeraha maxaa nala gudboon? Waxaa maxay fursadaha jira? Sideen ugu faa’idaysan karnaa culuumta casriga cusub ee lagu horumariyo beeraha? Kororka wax-soo-saarka dalaga maxaan ka faa’iidi karnaa?

 

Soomaaliya dawlad iyo shacab waxaa nala gudboon in ay xoogga saarno wax-soo-saarka dalka oo aan isku haysano cimiladii iyo dhulkii ku habboonaa dalaga, si aan mar dambe macaawino cuno ah dibada nalooga keenin ugu macaashno gacanteena iyo garashadeena, dunida waxaa hoggaanka u haaya manta dalalka quudkooda ayaga soo-saarta ee aan baahi u qabin in ay wax soo dhoofsadaan.

 

Baraaruga bulshada oo aad u kordhay iyo maalgashiga maxaliga ah oo waayadaan dalka kusoo batay ayaa furay irdaha fursadaha gaar ahaan dhiirigelinta tacabka, iyadoo dhawaan magaalada Muqdisha lagu qabtay dhawr shir oo lagu soo bandhigay wax-soo-saarka dalka iyo fursadaha maalgashi ee jira, taas oo banaanka keentay shirkado.

 

iskaashatooyin iyo shakhsiyaad in muddo ah ku hawlanaa horumarinta beeraha iyo kheyraadka kale ee Eebe nagu manaystay, waxaana shirarkaan dhammaantood ay inta badan bangiyada Soomaaliyeed ka ballan qaadeen in ay maalgalinta xooggan ku samayn doonaan wax-soo-saarka beeraha iyo in ay fududeeyaan shuruudaha muraabaxada.

 

Hadaba si aan ugu faa’idaysano culuumta casriga ee lagu horumariyo wax-soo-saarka beeraha, waxaan u baahan nahay in aan sare u qaadno ardayda baranaysa kuliyada beeraha, kuwaas oo kaalin wayn ka qaadan kara in aan beerano dhulka baaxada leh ee beerashada naga sugaya.

 

Waxaana muuqata in ay aad noogu yaryihiin aqoonyahan ku taqasusay cilmiga beeraha, iyadoo daraasad ay samaysan hay’adda Iftin Foundation lagu sheegay sadexdii sano ee lasoo dhaafay ay jaamacadaha ku yaalla guud ahaan dalka ka qalinjabiyeen kuliyada beeraha in ka yar 1500 oo arday, taas oo ah tiro aad u yar marka loo fiiriyo sida aan ugu baahan nahay.

 

Waxaa dunida maanta horumarka dal walba uu ka bilawdaa marka wadanka uu isku-filnaansho ka gaaro quudkiisa oo uusan dibada ugu baahan in uu cunto kasoo dhoofsado, markaas ayaana lagu tallaabsan karaa wixii kale ee horumar ah, Soomaaliya aad ayey muhiim noogu tahay inaan xoogayna iyo xirfadaynta isugu gayno wax-soo-saarka beeraha taas oo haddii aan ku dadaal galino kaalmaha hore aan adduunka ka noqon karno.

 

WQ: Abuubakar Yaasiin

 

 

NISA oo hawlgal ku dishay Toddoba dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka Haya’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamiga ah ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay Toddoba dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa:-

1. Cabdiraxmaan Dheere oo hadda khawaarijta u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe.

2. Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada Khawaarijta ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe.

3. Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka.

Dhagar qabayaasha kale ee howlgalka lagu laayay ayaa ahaa maleeshiyaad ay wateen horjoogayaashaan

Madaxweynaha JFS oo gaaray Masar

Qaahira:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan casho sharaf ah la qaatay maamulka dugsiga gabdhaha Agoonta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Maamulka, Macalimiinta iyo Ardeyda Dugsiga Gabdhaha Agoonta ee Boondheere ee uu gacanta ku haayo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan oo ahaa is-xog wareysi iyo kala war-qaadasho, ayaa sidoo kale lagu dhiira-gelinaayay Gabdhaha gaaray heerka Jaamacadeed ee xarunta Agoonta Gabdhaha Boondheere, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta G/Banaadir, Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Ururka Haweenka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Maamulaha Dugsiga Gabdhaha Agoonta Boondheere Maamo Nuurto Maxamed Caddow. Waxaa uuna kafaalad qaaday Nolosha iyo Waxbarashada gabadha ugu da’da yar xaruntaasi oo walidkeed ay ku geeriyoodeen Qaraxii Zoobe.

                 

Xasan Sheekh”Cawaaqib xumada ka dhalan karta heshiiska is-afgaradka ah waxa ay fursad siinaysa argagixisad”

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka ay yeesheen  hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. ”

   

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo ku baaqay in loo midoobo soo afjaridda kooxaha nabad-diidka

Hadii aannan Khawaarijta ka adkaan oo laga tirtirin dalka majirto hormar aan gaari karno, waana in aan u midownaa soo afjaridda kooxaha Al-Shabaab ,sidaasi waxaa yiri yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.

Taliyaha  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro khawaarijta ay ku sababeem wadashaqeynta bulshada iyo ciidanka dowladda oo wadajir ah.

Taliye Sulub Axmed ayaa xusay in howlgalada lagu sugayo amniga ee caasimadda iyo gobolada kale ee dalka ay marayaan meel fiican,sidaa daraadedna loo baahan yahay in lala yimaado dadaal intaa ka badan oo lagu xoreynayo dalka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa soo jeediyay in loo howlgalo dhameystirka kooxaha khawaarijta,isla markaana la qabto ama la soo sheego cid kasta oo wiiqeysa amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Duqeyn weli ku socota Gaza iyo Isra’el oo diidan dowlad ay yeelato Falastiin

Ciidamada Israa’iil ay weeraro iyo duqeymo ka fuliyeen goobo ku dhow cisbitaalka Khan Younis’s Nasser ,halkaasi oo ay ka carareen kumanaan ruux,sida,sida uu ku waramay dhakhtar ka shaqeeya halkaasi.

Muddo todobaad ah waxaa go’an isgaarsiinta, taas oo adkeynaysa in Marinka Gaza laga helo xog sababo la xiriira weerarada iyo suqeymaha  israa’iil oo weli halkaasi ka sii socda.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaq ku saabsan dhismaha dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta oo ay soo jeediyen Mareykanka.

Ninkaasi  ayaa Mareykanka u sheegay in uu ka soo horjeedo dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin marka ay soo afjaraan colaadda Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in weli ay taageero buuxa u hayaan Israel,inkastoo ra’iisul wasaaraha Israa’iil uu diiday mowqifka Mareykanka ee dhismaha dowlad Falastiin ah.

Ugu yaraan 24,620 qof ayaa la dilay, 61,830 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7dii.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Urur Goboleedka IGAD oo Shir Madaxeedkii 42-aad ku qabtey magaalada Kampala ayaa si adag u taageeray qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Somalia, isla markaana wax kama jiraan ka soo qaadey heshiiska sharci darrada ah oo ay Ethiopia la gashey maamulka Hargeysa ee waqooyiga Somalia.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns, oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhanka amniga ee labada dal.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Khawaarijta iyo Dowladda Ethiopia aya labaduba yihiin cadow duulaan ku ah madaxbanaanida, iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dalkooda difaacan doonaan.

4- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug ku qabtey kulamo ku saabsan dhameystirka hawlgalada milateri ee Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjireyaasha dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

7- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in tallaabooyinka ay Ethiopia waddo ay khatar ku yihiin amniga gobolka iyo caalamka intaba.

8- Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Ethiopia ku faragelineyso qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

9- Wasiirka Ariimaha Dibedda ee Masar ayaa sheegay in Ethiopia ay noqotay isha hagardaamada iyo colaad hurinta ee gobolka.

10-    Waddamada Qatar iyo UAE ayaa taageeray dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, kadib heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia ay la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

11-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska sharci darrada ah ee Ethiopia la saxiixatey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

12-    Qaar kamida odayaasha dhaqanka ee deegaanka Sheekh Awaare ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya.

13-Ururka Suxufiyiinta Caalamka IFJ ayaa cambaareeyay falalka guracan ee lagu bartilmaameedsaday suxufiyiinta ka hawlgala deegaanada Somaliland, kadib markii dhowr weriye lagu xiray Hargeysa.

14-    Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene) ayaa kulan la qaatay maalgashato ka socday dalka Qatar oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

15-    Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Danjiraha India marwo Namgya C. Khampa ayaa ka wada hadley iskaashi buuxa oo laga yeesho horumarinta caafimaadka labada dal,iyo in Soomaaliya loo tababaro xirfadleyaasha caafimaadka.

16-    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho tababbar uga furay 30 kamid ah shaqaalaha waaxda farsamada guud ee warbaahinta Qaranka.

17-    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay saraakiisha Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray amniga dalka.

18-    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

19-    Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso faragelineyso qaranimada Soomaaliya.

20-    Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa la horgeeyey eedaysanayaal loo haysto musuqmaasuq, kuwaas oo ka kala tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka Dhexe.

21-    Yuusuf Xasan oo khawaarijta ka tirsanaa 15 sanno ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Baydhabo.

22-    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa koonfurta gobolka Mudug kawada hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta.

 

Farriin ku socota kooxaha khawaarijta

“Waxaa dhacay Gabalkii khawaariijta, bal daawo sida dhalinyaraddu ay uga soo baxsanayaan khawaariijta, isukuna soo dhiibayaan Dowlada soomaliya iyagoona ka’faaideysanaayo cafiska madaxweynaha.

Hadii aad dooneyso inaad isaga soo baxdo khawaariijta ama ay ku jiraan xubno kamida qoyskaaga, fadlan lasoo xariir lambaradda gaa-gaaban ee doowladda oo ah 9555 AMA 9666.

Qaar kamid ah dhallinyarada ka soo baxay kooxaha khawaarijta Al-Shabaab ee isu soo dhiibay dowladda ayaa haatan wax ku barta xarunta dhaqancelinta,kuwaas oo helay amni,waxbarasho iyo daryeel gaar ah.