Boliiska oo Fariin nabadeed u diray labada koox ee galbta wada ciyaarayo iyo taageerayaashooda

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyaa ayaa fariin nabadeed u diray labada koox ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Taageerayaashooda in ay ilaaliyaan xasiloonida amniga

Qoraal kasoo baxay Boliiska ayaa lagu yiri sidan:-

“Farriin Nabadeed Muwaadin cayaaruhu waa isdhexgal Bulsho iyo aalad lagu muujiyo nabada iyo hormarka dalka ka jira. Hadaba, ka qeyb qaado sugida amniga ka hor cayaarta. Inta cayaartu socoto iyo cayaarta ka dib.”

Sidoo kale wuxuu Boolisku sheegay inay heegan ku jiraan, si loogu sugo amniga garoonka iyo badqabka ciyaartoyda labada kooxood.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Ciidamada kale ee amaanku waxey diyaar u yihiin sugida amniga iyo badqabka dadweynaha.” ayaa mar kale lagu yiri farriinta Booliska.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Qof walba masuuliyad ayaa ka saaran fulinta ujeedooyinkaas.

Mahadsanidiin