Dood ku saabsaneeyd Tartankii Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa xalay xarunta Wasaaradda Warfaafunta lagu qabtay kulan dood ah oo looga hadlayay sidii uu u qabsoomay Ciyaarihii kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ka qeybgalay masuuliyiin katirsan dowladda iyo bulshada qeybaheeda kala,kuwaa oo is dhaafsaday doodo la xiriiray hormarada iyo caqabadihii jiray inta uu tartanku socday.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Cali Shiino ayaa dhankiisa sheegay in tartanka uu si nabad ah kusoo dhammaaday, taasoo uu sheegay in ay suurta galisay wadashaqeynta ka dhaxeysay xiriirka iyo wasaaradda ciyaaraha.

“Haddii aysan wadashaqeyn xiriirka iyo Wasaaradda tartanku nabad kuma soo dhamaadeen ayuu yiri”.Cali Shiine oo ah Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal badan ku bixisay sidii ay si nabad ah ugu qabsoomi lahayd Ciyaarta,waxii Caqabad jirana la saxi doono tartamada xiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale, oo ka qeybgalay dooda ayaa yiri “Wariyaasha ciyaaraha tabiya waa loo tababaraa, waxaan jecelnahay in aan tababar siino wariyaasha ciyaaraha”.

Sidoo kale waxaa dooda goobjoog ahaa qaar kamid ah guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir oo ka hadlay dhankooda caqabadihii jiray intii uu tartanka socday iyo xalkooda.