Wasaaradda Caafimaadka oo gaadiid Caafimaad ku wareejisey Isbitaalka Madaxtooyada

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr, Maryama Mohamed Hussein ayaa  labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah (Ambulance) islamarkaana loogu talagaley fududeynta adeegga Caafimaadka ku wareejisay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna kusimaha Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa sheegtay in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan fududeynta adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Madaxtooyada Qaranka.

Sidookale Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Villa Soomaaliya Dr. Hussein Mohamud Hussein ayaa ka mahadceliyey Gaadiidka lagu wareejiyey, waxa uuna tilmaamey inay qeybwayn ka qaadan doonaan hawlaha iyo adeegyada caafimaad ee Madaxtooyada Qaranka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.