Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Dhagax dhigay Xarunta Taliska Ciidanka Dhulka

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen Dayah Cabdi Cabdulle ayaa Maanta Dhagax dhigay Xarunta Taliska Ciidanka Dhulka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ka hadlay Munaasabada Dhagax dhiga ayaa sheegay in dhaxgax dhiga xarunta ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida baahiyaha ciidnka.

Wasiirka Gaashandhigga XFS  Mudane,Cabduqaadir Maxamed Nuur  ayaa Tilmaamay in Dhismaha xarunta Taliska ciidanka dhulka uu u leeyahay muhiimad gaar ah, isagoona xusay in Si isxilqaan ah loo dhisayo Xaruntaan.