Ceeldheer oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer ayaa xalay u gudbay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka,kadib markii ay ka badiyeen  tartamayaashii Degmada Howlwadaag.

Tartankaan ayaa ku soo idlaaday 14-10 oo ay guusha ku raacday Degmada Ceeldheer,kadib kulan adag oo xiiso lahaa uu dhexmaray labadaasi kooxood.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka tartanka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Caawa kulanka 4-aad waxaa ku baratami doona degmooyinka Kaxda iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir.