Madaxweynaha JFS oo Sagootiyey dhaawacyadii Hotel SYL oo loo qaaday Dalka Turkiye

Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sagootiiyay 19 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii kooxda Khawaarjta ka geysatay Hotel SYL ee magaalada Muqidisho.

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in dhaawacyadan loo qaaday dalka Turkiga halkaasna daaweyn iyo daryeel caafimaad loogu sameyn doono.