Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir oo la hor keenay Saraakiil loo haysto musuq maasuq

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay Dacwad loo haysto saraakiil loo haysto Eedaymo Musuq maasuq, Saraakiishan ayaa hore Maxkamadda Gobolka Banaadir uga soo saartay xukun ah in lagu waayay eedaymihii loo soo jeediyey xoriyadoodana dib ugu celisay balse Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa ka qaatay Racfaan.

Eedaysanayaashan ayaa ka tirsanaa wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshadda iyadoo laba ka mid ahi u kala dambeeyaan xilka Agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada,halka Sarkaalka saddexaad yahay sarkaal ka tirsan shaqaalaha wasaaradda.

Dowladda ayaa dagaal adag ku qaaday la dagaalanka musuq maasuqa iyo dabar goyntiisa iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ay si daahfuran uga socdeen Maxkamaddaha dalka Saraakiil loo haysto Musuq Maasuq.