Bardaale oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka Warbaahinta Qaranka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 14- dhibcood oo ay guushii ku raacday Degmada Bardaale,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Dharkeynleey ay keensadeen 10 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmo ee Bardaale iyo Dharkeynleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Buur-hakaba iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.