Soomaaliya iyo Sweden oo iska kaashanaya hannaanka hantidhowrka Qaran ee labada dal

Hantidhowraha Guud ee JFS Abukaate; Axmed Ciise Guutaale ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Khuburo iyo madax ka socota Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta muhiimka u ah XHGS.

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd in la sii dardargeliyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada Xafiis ee taabo-gelinta iyo isdhaafsiga Waaya-aragnimada iyo xirfadda gaarka ah ee Baarista Waxqabadka (Performance Audit).

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay hannaanka iskaashi ee u dhexeeya XHGS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden.