Taliyaha Ciidanka Xoogga oo dhiirraglin ugu tagay Ciidamada ku sugan Daaru-Nimca

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqday kummanaan Ciidanka dowladda ah oo ku sugan Daarul-nimca,Ciidanka ku sugan halkaa, ayaa ah guutada 19aad ee Gumac ee illaalo Qaran.

Taliyaha ayaa ku amray ciidan ilaalo Qaran inay ka sifeeyaan,Galvad deegaanadda ku xeeran Khawaarijta ku dhuumaalaysanayso

Taliye Hurdaaye “Amarka Taliyaha ciidanka xoogga na siiyay waa inaan gacanta ku dhigno Galcad iyo deegaano kale oo muhiim ah.”

Taliyaha hurdaaye ” Shacabka ku sugan degaanadaas waa inay naga caawiyaan Xogta khawaarijta kusoo dhuumaalaysanayso,Saan ugu dulqaadno dhibaata cadawga, In badan ayay nagu caawiyeen inaan soo qaqabano khawaarijta”.

Dhallinyaradda ay qaldeen Cadowgaas khawaarijta ah waxaan ugu baaqayaa inay isi soo dhibaan,Oo aan nahay dadkii soo dhaweyn lahaa,Gacan ammaan ah way galayaan haddii alle khawaarijta kasoo saaro.

Ciidanada Soomaaliyeed, ayaa ku howlan siddii ay haraadiga Khawaarijta Al-shabaab ugu sifeen lahaayeen,Meelaha ay ku jiraan oo ay ku dhibaateeyaan Shacab masaakiinta ah.