Amb Jibriil: oo ka qayb galay Xaflada maalinta dhaqanka Dugsiga caalamiga ah ee Nairobi

Safiirka Safaarada Soomaliya ee dalka Kenya Jabri Ibrahim Abdulle ayaa ka qeyb galay Xaflada maalinta dhaqanka Dugsiga caalamiga ah ee Nairobi (NIS).

Xafladan dabaaldegga iyo munaasabad dhaqameedka ah ee goobta lagusoo bandhigay ayaa xiiso geliyay kasoo qeybgalayaasha kuwaas oo la dhacay hiddaha iyo dhaqanka ay soo bandhigeen ardayda Soomaaliyeed.

Amb Jabril Ibrahim Abdulle ayaa bogaadiyay Ardayda Soomaaliyeed ee muujiyay qiimaha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida’’Tani ayaa muujineysa sida ay iskugu xilsaareen in la muujiyo,Hidaha iyo dhaqankeeyna suuban,kuwaas oo aan kasoo gaarnay waalidkeeyn’’