Wasiir Fiqi: waa la dhamaystirayaa Dastuurka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi oo xalay xarunta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir uga qeyb galay Afur Wadareed ay iska kaashayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo badan ay ka mid yihiin amniga, baahinta maamulka iyo dastuurka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Kaaraan ay muteysatay barnaamijka Afur Wadareedka isaga bogaadiyay baraarugga shacabka degmada iyo guud ahaan Muqdisho ee ku aaddan howlaha hortabinnada u leh qaranka Soomaaliyeed, waxaa uuna xusay xuquuq badan oo ka maqan oo ay ka mid tahay maqaamka caasimadda.

Mudane Axmed Macallin Fiqi oo soo hadal qaaday Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in kuwii ballanqaaday dhameystirkiisa ay qaarkood maanta hortaagan yihiin isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay soo baxaan.

“Dastuurka kun diyaarad hadii la raaco waxba kama badalayso, dastuurka waxaa uu horyaallaa baarlamaanka iyo hey’adihii ku shaqada lahaa ee buuqa hala yareeyo” ayaa ka mid ahaa erayadiisa.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa uu shacabka deggan caasimadda Muqdisho kula dardaarmay inay u soo baxaan aftida dastuurka isaga oo yiri “Waxaan rabnaa in bananaanka la soo istaago, oo loo codeeyo”

Kulanka afurka ah, waxaa kale oo qeyb ka ahaa; Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Firin, Guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Madaale, Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh, qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin.