Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane, Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Nairobi danjiraha dalka Aljeeriya isla markaana qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, Mahi Boumediene.

Labada Safiir ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu dardar-gelin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka codsaday Danjire, Mahi Boumediene in ay Soomaaliya ku taageerto codkeeda marka lagu loollamayo fagaarayaasha caalamiga ah, tartannadaasi oo uu ugu horreeyo doorashada xubnaha Golaha Ammaanka.

Soomaaliya ayaa kamida dalalka ku tartamaya kuraaska xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka, iyadoo garab istaag ka dalbatay dowlado ay ka mid tahay Aljeeriya.

Soomaaliya iyo Aljeeriya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, kaas oo salka  ku haya iskaashi iyo xiriir walaaltinimo.