Tartamayaasha Degmada Dhahar oo u gudbay wareegga 3-aad

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 14- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Dhahar,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Baraawe ay keensadeen 12-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhahar iyo Barawe ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceeldheer oo ka wada tirsan Gobollada Galgaduud.

Dhinaca kale, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga 3-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, kaasi oo ay u soo gudbeen 8 degmo.