Mareykanka oo Israel ku cadaadiyay in la furo waddooyin cusub oo la mariyo gargaarka Gaza

Israa’iil ayaa sheegtay in ay oggolaatay in la furo laba waddo oo dhanka Gaza ah si loo oggolaado gargaar dheeraad ah oo la geeyo deeaanada ay joogaan dadka rayidka ah,gaar ahaan kuwa barakacayaasha.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegantay saacado ka dib markii Joe Biden uu khadka taleefanka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil,taas oo ah  markii ugu horreysay tan iyo markii la dilay toddobo shaqaale oo kuwa gargaarka ah.

Albaabka Erez ee waqooyiga Gaza ayaa si ku meel gaar ah dib loo furi doonaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu dagaalka bilowday, iyadoo sidoo kale la furi doonaa dekedda Ashdod si loo helo gargaarka bini’aadanimo.

Dhanka kale,gargaar dheeraad ah oo ka yimaada Jordan ayaa loo oggolaan doonaa in laga soo galiyo Isgoyska Kerem Shalom.

Mr Biden ayaa sidoo kale Netenyaahu ku adkeeyay in kooxdiisa wada-xaajoodka arrimaha Gaza ay soo gunaanadaan ama soo gabagabeeyaan heshiiska lala galayo Falastiiniyiinta,gaar ahaan koxxda Xamaas.