Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo diginin u dirtay maraakiibta iyo shirkadaha ka Kalluumeysta Soomaaliya

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka Kalluumeysta biyaha Soomaaliya.

Digniintaan ayaa ku qotonta u hoggaansanaanta sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qodobka 31aad ee qeexaya hababka Kalluumeysi ee la ogol yahay.

Iyadoo la xiganayo qodobkan ayaa Wasaaraddu si adag u sheegtay in aan la ogoleyn dhammaan nuucyada ama hababka Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, haddii ay dhacaanna ay sababi karaan in tallaabooyin adag oo ka dhan ah cidda lagu helo la qaadi doono.

Waxaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada ay digniintan ku socoto in ay qaataan mas’uuliyaddooda si loo ilaaliyo kheyraadka badaheenna islamarknaa si wax ku oolnimo leh looga faa’iideysto.