Tartamayaasha Ceeldheer oo tiigsaday Kaalinta 3-aad ee tartanka Ramadaanka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Ceeldheer,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Xaradheere ay keensadeen 6-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Ceeldheer iyo Xaradheere ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa kulanka kama dambeysta ah ku baratami doona degmooyinka Xamarweyne iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool,iyadoo ciddii badisa ay ku guuleysan doonto tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeybgaleen 32 degmo oo ka kala tirsan Gobollada dalkeenna..