Xamaas oo ka hadashay qodobbo dhowr ah oo ay ku jireen dilka caruur uu dhalay Ismacil Haniyah

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu waxyeeleynayo wadahadallada xabbad-joojinta ka dib saddex wiil iyo afar uu awoowe u yahay hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ka geysatay waqooyiga Gaza.

 Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay dileen saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh, kaddib weerar cirka ah oo ka dhacay Gaza.

 Afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa  Ismaaciil Haniyeh ayaa sidoo kale maalimnimadii shalay ee bilowga ciidda lagu soo waramayaa in lagu dilay duqeyn ka dhacday xerada Shaati .

Haniyeh ayaa u sheegay Al Jazeera in dilalkaasi ay yihiin falal waxshinimo ah oo lagu beegsanaayo caruurta,isagoo tilmaamay in dhaqamada Israel aysan hor-istaagi doonin hadafkooda.

Madaxweynaha Mareykanka oo la kulmay dhaleeceyntii ugu adkeyd ee dagaalka Gaza ayaa Israel u sheegay in ay ku dhawaaqaan xabbad joojin,isagoo dhinaca kale howlgalada milatari ku tilmaamay  inay yihiin khalad.

 Dadka reer Gaza ee la daalaa-dhacaya dagaalka iyo gaajada ayaa kaqeybgalay xuska dabbaaldegga Ciidul-Fidriga ,iyadoo Israa’iil ay sii waddo weerarada cirka ee lagu xanibaayo cunnada la geeyo Gaza .