SALAADA IYO CAAFIMAADKA AADANAHA! (QEYBTA 1-AAD)

Waxa aan shaki ku jirin in diinta islaamku ay tahay mid wadata mucjisooyin iyo wax badan oo mudan cibra-qaadasho, waxaan jeclahay in aan halkan kaga hadlo qaar ka mid ah mucjisooyinka, taas oo ah Salaadda iyo xiriirka qotoda dheer ee kala dhexeeya caafimaadka.

Salaadu waxay kala saartaa nolosha qofka tukada, iyo midka aan tukan, ruuxa salaadda ooga naftiisa waxay dareentaa raaxo, nasiino, xasilooni iyo daganaan, taasoo laga dareemi karo jirkiisa, waayo intaas aan soo sheegnay waxay kaalin ku leeyihiin ruuxa caafimaadkiisa,

haddii qofku uu salaadda ku dadaalo wuxuu dareemayaa caafimaad dhan walba ah haddii ay noqon laheyd nafsiyan iyo jir ahaanba, qofka salaadda tukada waxaa ka yaraanaya walwalka iyo walbahaarka iyadoo dhanka kale ruuxa aan salaadda oogin uu ku badanyahay walawalka iyo walbahaarka taasoo dabcan saameyn ku leh caafimaadka ruuxa.

Ruuxa tukada wakhtiga loogu talagalay saladaha shanta ah, wuxuu helayaa faa’iido adduun iyo aakhiraba ah,taasoo ugu horreyso inuu ku jiro maganta Allah SW,

waxaana loo sahlayaa oo loo uruurinayaa amuurihiisa, waana siismo weyn oo xag Alle ka ahaatay mar haddii Alle SW magantiisa gasho arrimahaagana laguu fudeediyo, mana jirto cid maganta Alle kuu dhaafi karto ee lasoco,

sidoo kale, caafimaadka ayaa ka mid ah nimcooyinka waaweyn ee Alle SW uu bixiyo waxaana lagu helaa baryada Alle iyo salaadda oo la ilaaliyo.

Nabi muxamed (SCW), wuxuu tilmaamay qofka tukada oo ilaaliya shanta salaadod inuu la mid yahay qof maalinki shan jeer qabaysta, taas oo macneheedu yahay mayrid maskaxeed iyo mid jireedba, gaar ahan labada qaybood ee jirku ka kooban yahay “anatomical and physiological”.

Qaybta hore ee dhismaha jirka “anatomical”  waxa an kusoo ururin karnaa in waysadu tusale u tahay, taas oo malinka qiyaame nabi Muxamed (SCW) inooga waramay inay ka muuqan doonto umadiisa, isla markaana nuur ama iftiin ka bixi doono xubnihi qofka muslimka ahi uu marin jiray waysada.

Qaybta labaad oo ah tan khusaysa mawduucan ee shaqo ahaaneed“physiological” waxa ay qayb muhiima ka qaadata caafimadka qofka ooga salaada, isla markaana galisa fir-fircooni maskaxeed iyadoo ay ka qayb qaadanayso inta ugu badan dheecaamo “hormones” uu soo dayo jirka aadamuhu  wakhtiyo gaar ah,

haddi wakhtiga ugu haboon laga shaqaysin waayo walxahaa uu soo daynayo hab dhiska dheecanku “endocrine system” gaar ahaan qanjirada “glands” ku jira hab dhiska kan, oo uu ugu muhiimsanyahay qanjidhka loo yaqaano “pineal gland” ama qolada caafimadku ugu yeeraan isha saddexaad ee aadamaha “third eye” waxaana ku iman karta jirka kala dhinaansho shaqo ahaaneed.

La soco qeybta xigta

WD: Ibrahim Warsame