SOOMAALI SOOMAALIYA BAA LEH

SAREEDO HADDEY KU WAARTO, HADDII SILIC IYO DHIB GAARO SAMAANTEED IYO XUMAANTEED SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH      

Marka la leeyahay Soomaaliya soomaali baa leh ilaa maalintii soomaalidu soo bilaabeen halganka 1943-kii bishii May 15keedii waxaa jiray halgamayaal u taagan magaca soomaalida iyo kuwo hore ugu geeriyooday oo ay ku jiraan Axmed Guray iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan .

Kuma koobneyn kuwaas oo keliya ee waxay hoggaan u ahaayeen ummadda soomaaliyeed ee xorriyadda jecel waxayna soo gaarsiiyeenin la helo calan soomaaliyeed .

Intii ay ku jireen halganka waxaa dhabarjebin iyo xagal daacin ku waday kuwo sheegta

magaca soomaalida oo u shaqeeya gumeystaha kiisa cadiyo kiisa madowba.

Waxaa kale oo jiray kuwo kale oo Iyana doonayey in dalka keenaan diimo kala duwan si ay u kala tuuraan caqiidada mideysan ee soomaaliyeed waxayna meelaha qaar ka dhiseen kaniisado ti ugu ballaareydna ay ku taalay Muqdisho .

Arrintaasi ma suurtaglin waxaana ka hortagay shacabka soomaaliyeed  iyadoo soomaalidu u soo mareen arrintaas halgan dheer iyo dhibaato.

Iyadoo la ogyahay dhibta badan ee loo maray halganka xorriyadda ayey hadana maanta jiraan kuwo ka horjeeda midnimada iyo dowlad awood leh oo ka hanoqaada gayiga soomaaliyeed .

Dalka iyo dadkaba waxay halgan ugu jiraan ka soo kabashada burburkii dagaaladii sokeeye hadana waxaa jira gobolo ku gorgortamaya in aan la gaarin heshiis iyo midnimo soomaaliyeed ,

Waxaad ogaataa boqol calan haddii la sameeyo soomaalidu waa soomaali waana mid qura waana barkuma taal in uu baaba’o magaceeda .

Soomaaliya Soomaali baa leh , damaca goonni u goosadka iyo baabi’inta midnimada ma shaqeynayaan waana wax aan ka suurtagal aheyn ummadda isku diinta iyo isku asalka ah ee soomaalida.

Soomaalida kuma kala go’I karto magacyo dad ay rabitaankooda ku saleeyeen iyo calamo , qof walbana waxaa deeqa calanka buluugga ah.

W/Q: Abwaan Gabayre