MADAXWEYNE XASAN SH.“CID AWOOD U LEH IN AY BIXISO CAD KA MID AH DALKA SOOMAALIYA MA JIRTO” (WARBIXIN)

Heshiiskii is-afgarad ay dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama jiraan aan laheyn saldhig sharciyadeed, maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afriga iyo Xeerka lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.

Warka ka soo baxay Addis-ababa ayaa lagu sheegay in lagu siinaayo qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku yaalla Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, sidaasi awgeed ayaa waxaa magaalada Muqisho ka dhacay kulamo aan caadi aheyn.

Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu yeeray Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ku cad dastuurka dalka, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehlinayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeennada Labada Aqal ee BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay kulanka Labada Aqal  ayaa sheegay in ajandaha kulanka uu yahay moowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay ilaalinta midnimadeed dhuleed iyo ka dooddida masiirka dalka, Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay wixii Addis Abbaba ka dhacay ay ka soo horjeedo qaanuunka caalamiga ah, xeerarka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xeerka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay ilaaliso midnimada Soomaaliya aysan marnaba ku soo xadgudbin xuduuda iyo qaanuunka u yaala dalalka aduunka, Urur Gboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, isagoona sheegay in taako ka mid dhulka Soomaaliya aan la bixin karin.

“Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirto. Awooweyaasheen baa diiday, Aabeyaasheen baa diiday, hooyooyinkeen baa diiday, annagaana intaan nooleyn diidnay. Sina suurta gal kuma ahan inta yarta ah ee Soomaaliyada aan maanta haysanno oo aan waliba hoosta ka qabno inbadan aa naga maqan oo anan ahayn in ay naga maqnaato, haddana aan ku ballanay in aan intaan horumarsanno, nabadeyno, dadka ku nool iyo deegaannadeen aan qurxisanno aan ku balannay, maanta in cad ka mid ah uu baxo ma ogala dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan”, sidaasina waxaa yiri M૚weyne Xasan Sh. Maxamuud oo ay ka muuqatay cirada uu ka qaaday arrintaasi.

Ra’iisul-Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo kulan aan caadi ahyen isugu yeeray Golaha Wasiirada ayaa isna sidaani yiri:- “Taako ka mid ah Dhulkeenna, Baddeenna iyo Hawadeenna laguma soo xad-gudbi karo, waana difaaceynaa, “

Dhanka kale hadal-jeedinta Madaxweynaha ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood ka yeeshay, heshiis ku sheega dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Xildhibaannada labada Aqal ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin, iyadoona Baarlamaanka uu soo saaray Xeer ku saabsan burinta is afgarad beenaadka dhawaan lagu gaaray Addis Abbaba, kaas oo ay si wadajir u saxiixeen Soomaaliland iyo Maamulka Abiy Ahmed, waxayne cadeeyeen in lama taabtaan tahay biyaha iyo dhulka Soomaaliya, lana ilaaliyo nidaamka dunida u degsan iyo kan Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo kan Soomaaliya. Baarlamaanka labadiis Aqal ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeerka uu soo saaray Baarlamaanka JFS.

Qaar ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ayaa cambaareeyay damaca Itoobiya, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo aad u xanaaqsanaa oo kulankaasi ka hadlay ayaa  yiri:-“Badda Soomaaliya ma ahan neef Ari ah oo qof suuq geysan karo”. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay weligeed ku taameysay in ay hesho dhul kale oo ay Soomaaliya leedahay, gaar ahaan badaheenna, wuxuuna cod dheer ku sheegay in aysan badda Soomaaliya ahayn neef xoolo ah oo uu qof suuqa geysanayo balse baddeennu intaasi ay ka culus tahay.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo isna ka hadlay heshiis ku sheegga dhex maray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa sheegay Muuse dadka reer Soomaaliland uu ku wado haadaan, jarna ka ridayo , isla markaana uu baabi’inayo wixii ay soddonka sano ku tabcayeen, “ Soomaaliyeey Muuse waa kaa”, ayuu sii raaciyay.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka soo jeeda gobolada Waqooyi Xil, Biixi Iimaan Cige ayaa si weyn u soo dhoweeyay qaraarkii ay soo saartay Xukuummadda iyo xeerka labada gole ee BJFS, kaasi oo wax kama jiraan ka dhigay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Muuse Biixi, wuxuuna intaa ku daray in aysan Soomaaliya aqbalayn in ciddi ka mid ah dhulkeeda in la qaato, wuxuuna faray bulshada Soomaaliyeed in si weyn looga dhiidhiyo loona midoobo difaaca dalka.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ahna u qaabilsanaha Madaxweyanaha JFS ee dhinaca wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aad u caraysan kana xun waxa ay sameysay Itoobiya iyo maamul goboleedka Somaliland ayaa waxa uu ka yiri arrintaasi.

“Waxa ay dowladda Itoobiya ku dhaqaaqday waa fal ka soo horjeeda kana baxsan dhammaan xeerarka iyo shuruucda Aduunka. Xadgudubna ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waana mid lagu fashilinayo wadahada iyo midnimadii dalka ee guusheedu soo dhawaatay. Dowladda Soomaaliyeedna go,aano cad cad ayey si deg deg oga soo saari doonta. Shacabka Soomaaliyeedna waxaa laga doonayaa in ay dowladooda garab istaagan, una midoobaan difaaca dalkooda iyo dadkooda”.

Xildhibaan Caana-nuuga ayaa isna sidaani yiri:- “Maanta ma jirto Mucaarad iyo Muxaafad Aan midowno Difaaca Badeena.

Caalamka ayaa durba bilaabay inay ka hadlaan arrintaasi ayaa Ururka Midowga Yurub oo ka hadlay Xadgudubka dowladda Itoobiya ayaa  garab istaag u muujiyay Dowladda Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay  Midowga Yurub ayaa lagu yiri: “Waxaa lagu wargalinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurka u yaalla Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay, Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa durba la wadaagay arrinani cusub qaar ka mid ah Wadamada aannu walaalaha nahay, Ururada Caalamiga ah iyo kuwa ay aan saaxiibada nahay ayuu khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo kan gobolka, iyagoo isla soo qaaday sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka soo jireenka ee labada dal.

Madaxweynuhu waxaa kaloo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, iyagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadajrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah. Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

“Damac kasta oo ajnabigu innagu weeraro waxaa ka dhalan doona midnimo Soomaaliyeed oo hor leh”, sidaasina waxaa yiri Mowaadin Soomaaliyeed oo cabiraya fikirkiisa, “ Ilaaheeyba Bad ma siinine sidee Muusoow ku siisay”, erayadaasina waxaa tiri Muwaadinad Soomaaliyeed ku nool magaalada Hargeysa.

Mabda’ ahaan madaxda Soomaaliya wey isku raaceen in wixii Addis-Ababa kadhacay laga horyimaado sharcidarana uu ahaa heshiiskaas, lagana tilaabo qaado. Waxaa hadda la sugayaa shaacinta warkaasi iyo waxa xigi doona ficil ahaan.