ICRC: Xaalad quus ah ayaa ka taagan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya

Geneva- Hay’adda laanqayrta cas ee Caalamiga ah ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la bixiyo dadaal dheeri ah si loo caawiyo dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay colaadda ka jirta dalka Itoobiya, si ay cagahooda ugu istaagaan mar kale.

“Waa in dadka ku waayay xubno ka mid ah qoysaskooda la siiyaa  jawaabo waafiya oo lagu qanci karo”.

Sidaas waxaa tiri, Sarah Epprecht-Noetzli oo ah  Agaasimaha Ilaalinta iyo  adeegyada muhiimka ah ee hay’adda ICRC, intii ay ku guda jirtay  booqashadeeda gobolka  Tigray ee ay colaaduhu aafeeyeen.

Sarah ayaa sheegtay in ay booqatay deegaanno ka tirsan gobolka Tigray oo ay aad u saaameeyeen iska hor imaadyadii hubeysnaa ee ka dhacay gobolka, waxayna tiri “ xaaladda ka tagaan halkaan (Tigray) waa qalbi jab, gabi ahaanba wax rajo ah  kama muuqato”

Sarah ayaa intaas raacisay in ICRC ay qaadeyso tallaabbo kasta iyo wixi karaankeeda ah si loo caawiyo dadka dhibaateysan ee rayidka ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Qeyla dhaanta ay hay’adaha samafalka ka muujinyaan xaaladda dalka Itoobiya ayaa maalin ba maalinta ka dambeysa kasii dareysa, iyada oo dhanka kale maamulka Abiy Axmed uu ciqaab wadareed ku xukumay dadka rayidka ah iyo kuwa nugul.

Warbixinnada hay’adaha caalamiga ee dhanka xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale muujinaya  xad gudubyo ay ciidamada dowladda Itoobiya kula kaceen dadka rayidka, waxana qaar ka mid ah magaalooyinka Yurub laga dhigay mudaaharaadyo looga soo horjeedo Abiy Axmed iyo maamulkiisa.