KABASHADA BIYAHA WAA SHILIN (SHEEKO GAABAN)

Beri baa nin ganacsade ah waxa uu xaaskiisii ku yiri waxa rabaa in aan aado safar dheer oo aan dhawaan baxayo sidaa darteed sahay ii diyaari oo waxa aan door bidayaa hilib solan oo la qalajiyey iyo ubo biyo ah sidii ayey naagtii yeeshay.

Subaxii dambe ayuu ganacsadihii u ambaxay safarkiisii markii uu dhoor maalmood sii socday ayaa waxaa ka dhammaatay biyihii halkaas oo uu ku sigtay haraad (oon) in uu u dhinto, nasiib wanaagse waxa uu wadada ka helay nin reer miyi ah oo isna u sii socday magaaladii uu ninka ganacsatada ah ku sii jeeday halkii ayay isugu sii lug darsadeen.

Ka dib wuxuuse ninkii ganacsatada ahaa weydiistay ninkii reer miyiga ahaa in uu biyaha uu sito wax ka siiyo, wuxuuse ugu jawaabay kabashada biyaha waa shilin, markaasuu ninkii ganacsatada ahaa ku yiri oo miyey luntay raxmadii aadamiga ka dhexeysay? Waa sidaas ayuu ninkii reer miyiga ahaa, Ninkii ganacsatada ahaa haddii ay kabashadii biyaha shillin tahay ubada aad sidato waa imiso kabasho? Wuxuu ugu jawaabay ninkii reer miyi ahaa waa 10 kabasho, haddaba ma iiga iibinaysaa 10 shillin ayuu yiri ninkii ganacsatada ahaa.

Haa waan kaa iibinayan ayuu ugu jawaabay, sidii ayuuna yeelay ninkii ganacsatada ahaa ula wareegay ubadii biyaha ahayd, intuu labo goor cantuugay oo uu dhuunta ku qoystay ayuu ku yiri ninkii reer miyiga ahaa waxaan wataa hilib ee maku siiyaa?

Markaas ayuu ku yiri reer miyigii immisa ayaad wasladdii iga siinaysaa? Waxa uu ugu jawaabay waa lacag la’aan (bilaash) halkii ayuuna dhowr wasladood ku siiyay ninkii reer miyiga ahaa markii uu hilibkii cunay ayay haraad dartiid naftu ka bixi gaartay, markaasuu ninkii ganacsatada ahaa ku yiri labo kabasho oo biyo ah labo shillin iga sii ninkii ganacsatada ahaa baase ugu jawaabay kabashada biyaha ah shillin ma siinayo, ee imisaad siinaysaa ayuu weydiiyey ninkii reer miyiga ahaa?

Kabashada biyaha waa shan shillin ayuu yiri ninkii ganacsatada ahaa, ninkii reer miyiga ahaa oo yaab dartiis afka kala haya ayaa yiri; walaalow miyay luntay naxariistii dadka u dhexeysay? Ninkii ganacsatada ahaa ayaa ku yiri; waxyahow badowga ahi waa adiga kan lumiyey naxariistii dadka u dhaxaysay halkii ayuuna kaga dhaqaaqay!!!. KABASHADII BIYAHA WAA SHILLIN.

WQ: Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maa