MAGAALADA MUQDISHO OO SUPER MARKETYADA AY KU SOO BADANAYAAN

Magaalada muqdisho waa caasimada dalka waxaana ku nool bulsho aad u tira badan tiradoodana lagu qiyaaso Afar milyan oo dad ah ayaa waxa ay sameeneysaa horumaro dhanka Ganacsiyada iyada oo lagu soo kordhiyey ganacsiyo aanan horay loogay aqoon dalka tan iyo burburkii dalka.

Ganacsiyadan casriga ah ee ku cusub dalka ayaaba maalin maalinta Ka danbeyso dalka ku soo badanayaan bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa dhiiranaan Ka qaatay furashada ganacsiyadan cusub ayaga oo hormaro ku sameenaayo ganacsigooda iyo midka noloshoodaba.

Super market waa ganacsi dalka ku cusub ganacsatada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ganacsigaas abuurtaan ayna hormaro baaxad leh  sameeyaan ganacsigooda taasina waxaa laga dheehan karaa hormarada Ka jira caasimada iyo bilicda caasimada oo kobceysa.

Super market waa dukaan weyn waana dukaano ku cusub dalka marka super market waa dukaan ay ku dhameystiran yihiin dhamaan alaabaha Bini aadamka ay u baahan yihiin iyaga oo halmar super market Ka adeeganaayo alaabkastana ay goobta diyaar ku tahay Bulshada u sahashay in ay halmeel Ka adeegtaan.

Hadaba super market bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku nool caasimada faa’ido ma u leeyahay super marketigaan cusub ee caasimada ku soo badanaayo.

Haa faa’ido waa ay u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada dalka iyo gobolada dalka oo idil.

Kow bulshada Soomaaliyeed super market faa’idada uu u leeyahay ayaa ah in ganacsigii halmeel la iskugu keenay oo aysan jirin in aad dukaamo badan isku marto balse taasi badalkeeda hal meel Ka adeego adiga oo aan daalin.

Labo super marketyada waxa ay kaloo leeyahay delivery (dalabaad)dalabaad oo gurigaaga laguugu keenaayo taasina waxa ay kuu sahleysaa adoon suuqa isku dhibin in aad si dhib yar u dalbatid si dhib yar oo fadhigaada laguugu keeno dalabaadka aad dalbatay.

Sadax super market sidoo kale faa’idada uu leeyahay waxaa kamid ah in maalimaha qaar ay sameeyaan qiimaha dhimis aad u hooseeya taasi oo u sahleeysa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada in qiimo jaban ay maalmahaas Ka faa’ideeystaan.

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka waxa ay u baahan yihiin garab istaag sababtoo ah waa bulsho u dhabar adeegta dhibaatooyinka sida maalin laha ula kulma  hormarana Ka sameeya ganacsiyooda cusub ay dalka ku soo kordhiyeen dowladda waxaa looga baahan yahay garab istaag iyo in bulshada Soomaaliyeed ay ku dhiiri galiso hormarada ay sameenayaan ganacsiyadooda.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan