SHEEKADII ABAAL DHAAN

Beri baa waxaa jiray inan soo korsatay xayawaan loo yaqaan dhurwaay waxayna u soo korisay si wanagsan.

Waraabihii ama dhurwaagii ugu danbeyntii waa uu weynaaday waxayna biloowday in markii ay rabto inay suuqa aado ama ay aaddo goobaha Jimicsiga waxay dhurwaaga ku dhaafan jirtay wiilkeeda yar.

Haddaba, Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxay aadday suuqa iyadoo u aaday inay ka soo dukaameysato, sidii caadada ahayd wey baxday iyadoo aaminsan inuu waraabuhu u ilaalinayo cunnagga yar waayo waxay ku qanacsaneyd rabbaayadda ay siisay waraabaha

Ugu dambeyntii, waxay sidaa howshu iska ahaataba, markey guriga ku soo laabatay iyadoo sidata adeeggii ay suuqa ka soo iibsatay ayaa waxay soo gaartay gurigeeda maxaase dhacay.

Markii ay sidaa albaabka u furtayba waxay isha qacda hore ku dhufatay dhiig isqabsaday guriga, way naxday isla markiiba waxaa niyaddeeda ku soo dhacay wiilkeeda iyadoo yaabban sidey wax u jiraan

Qacda labaad waxay aragtay dharkii ugu jiray wiilkeeda ee ay uga tagtay markay suuqa aadeysay oo jeex jeexan isla markaana leh dhiig fara badan waxayna ogaatay inuusan wiilkeeda nooleyn.

Ugu dambeyntiina waxay aragtay waraabihii oo cunaya kistii ugu dambeysay hilibka wiilkeeda lana hoos galay sariiraheeda mid ka mid ah.

Waxay billowday inay halkaasi ku baroorato waxay Iyana goosatay in ay disho waraabaha cunay wiilkeeda

Waxay soo qaadatay seef dheer oo guriga u surneyd waxayna waraabihii ka jartay qoorta ka dibna cad cad u goo gooysay si ay ugu ceel baxda haddaba qaladka yaa iska leh ma waraabaha mise qofka aaminay?.

Haddaba, sheekada sidaasi waxay ula ekaatay haweentii suuqa ka timid oo maskaxdeeda markaasi si kale wax u tustay balse runta waxay ogaatay markii wiilkeeda yaraa uu si kedis ah uga soo baxay meel aan sidaas uga fogeyn isagoo qaawan oo aad u cabsanaya, kadiban isla markiiba waxay aragtay waraabaheeda oo isagana caafimaad qaba sidoo kale dhiigga ay aragtayna uu ahaa abeeso aad u weyn oo dooneysay inay cunto wiilkeeda waraabahana uu dilay.

Way yaabtay sida ay wax u aragtay iyo sida ay wax noqdeen, taasina haweentii waxay la noqotay yaabka yaabkiisa.

Taasina way dhacdaa oo mararka qaar oo aad aragto waxa kugu horreeya oo qaldan isla markaana maskaxdaadu u qaadato wax kale lagana yaabee in mararkaa qaarkoodna aad qaaddo tilaabo aan fiicneyn.

Markii uu yimid wiilka aabbihiis ayay uga sheekeysay maanta waxa dhacay oo iyada qabsaday halkaas ayuu odaygii gurigana ku yaabay.

haddaba sheekadani waxay na tuseysaa in hubsiinadu ay tahay wax loo baahan yahay in marka ay kulakulmaan wax aad la yaabto in aadan isla markaa aadan tallaabo qaadin ee loo baahan yahay degenaasho iyo hubsiino in aad sameyso marka aad aragto inay wax aad aragtay ama maqashay inay xaqiiqo yihiin markaas ka bacdi aad sameyso wax aad hubto.

WQ: Hidaayo Cabdulle