KHEYRAADKA DALKEENNA

Dalkeenna waxaa uu hodan ku yahay waxsoo-saarka dalagyadda noocyihiisa kala duwan, haddii boqolkiiba ba boqol laga faa,ideysto beerashadiisa waxaa uu ku filan yahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Kheyraadka dalkeena Soomaaliya wuxuu u kala baxaa Bad iyo Barri, kuwaa oo dihan ah, una baahan in laga faa,ideysto. Haddaba qormadaan waxaan kaga hadli doonaa Digirta Soomaaliya waxtarkeeda iyo siyaabaha loo beerto.

Digirtu waxaay ka mid tahay geedaha ugu taariikhda dheer ee dadku beeran jireen tan iyo ilbaxnimooyinkii kahor, wakhti imika laga joogo 10,000-sanno, sida caadiga ah maanta digirta waa miraha baahanyahay cunistooda, digirtu waa midho la beero wakhtiyada cimilada diiran/kuleyl yar, waxa ayna inta badan ka baxdaa dhulka caradda madow, sida loo beertana waa nooca ugu fudud, marka hore beerta ayaa la carro gediyaa, kadibna miraha ayaa lagu aasaa godod loo diyaari oo loogu talagalay, iyagoo saddex mir lagu riddo halkii god dibadeedna waa la waraabiyaa.

Afar cisho ayey ku soo dhalataa, kadibna waa ay baxdaa iyadoo marto heerar kala duwan,  waxa ay digirta ku qaangaadhaa oo ay ku bislaataa 55 ilaa 60 cisho oo u dhigganto 2billood.

Marka ay bislaan rabto iniinta gidirta waxay beddeshaa midabkeeda oo u ekaada huruud isla markaana way adkaataa, qolofteeda ama dahaarkeeda waxa uu noqdaa mid khafiif ah, Soomaalida ayaa ku dhex beerato miraha digirta halka ay galleyda ku beerantahay.

Faa’iidada Digirta

Digirta ayaa leh waxtar badan oo dadka faa’ido u ah waana

khuud macaan oo ka mid ah wax yaabaha caafimaadka u wanaagsan.

Digirta oo ah midho oo isticmaalo dabka marka la kariyo Soomaalida qaarkood ayaa taqaano “Canbuulo” mararka qaar baa lagu darsadaa massaga, galley iyo bariis, waxaa lagu sheegay faa’iidoyin aad u badan oo caafimaadka iyo horumarka jirka bini aadimka qeyb weyn ka qaadata.

Digirta waxaa ku jirta Vitamins iyo Minerals kuwaasoo ah laba shey oo ka mid ah kuwa awooda iyo shaqeeyo qeybaha jirka, waxa ay gaar ahaan digirtu qani ku tahay Vitamine B, kaasoo dhiiga cas iyo hagaajintiisa qeyb weyn ku leh.

Digirtu waxay sidoo kale buuxin kartaa booska khudaarta iyo miraha,waxay la dagaalantaa xanuuno ay ka mid yihiin kansarka, dhiig karka iyo wadna xanuunka.

Qiimaynta tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday inay digirtu kala tacaasho unugyada jirka in cudurka kansarku ku samaysmo iyada oo unugyadan loo diidayo inay tarmaan, waxa kale oo ay hoos u dhigtaa koritaanka baraha iyo finanka waaweyn ee maqaarka dibedda uga soo baxa.

Cili-baarayaal ka tirsan Harvard School of Public Health ayaa baaritaan ay sameeyeen ka dib ku sheegay in dumarka ugu yaraan todobaadkii laba jeer isticmaala digirta ayaa 24% uga badbaadi karaan inay jeeshaan kansarka naasaha ku dhaca. Darsin daraasado ah oo hore loo sameeyey ayaa digirta ku xiriiriyey inay hoos u dhigto halista cudurka wadnaha, macaanka nooca 2aad, dhiig-karka iyo cudurka kanskarka ee ku dhaca naasaha iyo jirka intiia kale.

Digirta ayaa u kala baxdo dhowr nooc waxaana ka mid ah mid cas iyo mid cagaaran.

 

WQ: CABDIWELI DALJIR