Madaxweyne Xasan Sheekh “Horay ayaan dalkaan Madaxweyne uga soo noqday kursigana iskuma dhajin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay mas’uuliyiin kala duwan ee Dowladda iyo kuwa maamul gobolleedyada in ay u istaagaan ka shaqeynta horumarka dalka, isagoo dhanka kale, carabka ku adkeeyay in uusan diyaar u ahayn muddo kororsi oo doorashada waqtigeeda ay ku qaban doonaan.
“Horay ayaan dalkaan Madaxweyne uga soo noqday kursigana iskuma dhajin haatana diyaar uma ihi muddo kororsi, xaqna uma lihi in aan iska joogo.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay inaan yareyno shakiga iyo cabsida ka muujineyno xaalada dalka, islamarkaana qof kasta uu ka shaqeeyo sidii loo adkeyn lahaa nabadda iyo horumarka la gaaray.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Khudbaddii jimcaha kaga hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshaha Dimuquraadiyeynta iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dagaalka Khawaarijta ma istaagayo ilaa laga xoreeyo guud ahaan dalka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimacaha kaga hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelintahirgelinta qorshaha Dimuquraadiyeynta iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

“Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta waa mudnaanta koowaad ee dowladda, wuuna socon doonaa ilaa laga xoreynayo dalka oo dhan, Khawaarijta waxa ay ka shaqeynayaan waa inay suurad xumeeyaan magaalada Muqdisho”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay hanaanka doorasho ee dalka ayaa sheegay in ujeedka dowladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan..

“Dalka waxaa ka dhici doona doorasho qof iyo cod ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa wax dooranaya, taasi waa mabda’a, Soomaaliya ma xukumi doono qof aan shacabka dooran”.

Mar uu Madaxweynaha ka hadlayay dhaqaalaha dalka ayuu sheegay in ku dhawaad ​​100% uu kordhay, taasina ay cadeyn u tahay mashaariicda ka socota guud ahaan gobolada dalka.

“Dalkeenu waxa uu maanta joogaa meel ka wanaagsan halkii uu shalay taagnaa, mar walba markii ka dambeysii waa uu sii sodcay, waxayna maanta maraysa in maalgeshi loo yimaado Soomaaliya”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhawaan dalka laga hirgelin doono mashaariic waaweyn; taasoo ku timid kalsoonida caalamku ku qabo haykalka maaliyadeed ee dawladda.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo booqday xarunta guud ee INTERPOL

Lyon: Wafdi uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta booqday xarunta guud ee INTERPOL oo ku taala magaalada Lyon ee Dalka France.

Xoghayaha guud ee INTERPOL Secretary General Jürgen Stock ayaa ku soo dhaweeyay xaruntaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo wafdigiisa.

Labada dhinac ayaa is afgarad ka gaaray Sare u qaadista Xirfadaha Baarista Dembiyada, Isticmaalka Keydadka Macluumaadka INTERPOL ee kala duwan iyo iskaashiga howlgalada Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Caalamka ee INTERPOL, waxaana Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu xoojinaaya xiriirka iyo taageerada wadankeena ee la dagaalanka Argagixisada, ka ganacsiga daroogada, tahriibinta Dadka iyo Hubka, Dembiyada abaabulan, burcad badeedka, Kalluumeysiga Sharci darada ah iyo fududeynta is-dhaafsiga xogaha dembiilayaasha caalamiga ah.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo ay laamaha amniga kaga arrinsanayeen weerarkii argagixisada Khawaarijta Al Shabab ay ku qaadeen Xeebta Liido, halkaas oo dhalinyaro aan waxba galabsan lagu laayey.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray shacabka, qoysaska iyo ehelkii dadkii ay Khawaarijta ku dileen weerarkii Xeebta Liido, isagoo ballanqaadey in DFS ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay war murtiyeedka ka soo baxay shirweynihii labaad ee culumada diinta oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in weerarkii lagu qaadey Xeebta Liido, laguna dilay dhalinyaro aan waxba galabsan uu ahaa mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi diray shacabka iyo qoysaskii dhalinyaradii lagu dilay weerarkii Xeebta Liido.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido isagoo sheegay in la qaaday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, waxaana uu ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana fogaadaan kala qeybsanaan.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda u qaabilsan Urur Goboleedka Bariga Africa.

9- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Xeerka Asxaabta iyo Ururrada Siyaasadda ee Dalka.

10- Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay shir degdeg oo looga warbixinayey weerarkii argagixiso ee ka dhacay Xeebta Liido.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamad ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii Khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido.

12- Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay dibadbax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan weerarkii Khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynaayay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

13- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaaku bogaadiyay isbitaallada magaalada Muqdisho sida hufan ee ay ugu adeegeen shacabkii ku dhaawacmey weerarkii argagixiso ee Xeebta Liido.

14- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag ayaa guddoomiyay kulan looga hadyay xoojinta amaanka magaalada Muqdisho.

15- Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii kooxda Khawaarijta arxanka-daran ay ku qaadeen Xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

16- Ciidamada Qalabka Sida ayaa gacanta ku soo dhigay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh oo Khawaarijta u qaabilsanaa ururinta lacagaha baadda ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

17- Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtey afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

18- WasiirkaWaxbarashada ee Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey sidii loogu gurman lahaa shacabka ku waxyeeloobay weerarkii argagixiso ee Xeebta Liido.

19- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa soo xiray kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

20- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lix bilood oo xarig ah ku xukuntey dhallinyaro barfaha bulshada ka wadey falal kicin bulsho iyo naceyb. Waxaana xukunkani uu fariin u diraya dhammaan dadka sida xun u isticmaala baraha bulshada.

21- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in kororka dhaqaalaha ee dalka uu sabab u tahay amniga dalka oo soo hagaagaya, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sugidda amniga dalka.

22- Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa u tacsiyeeyay dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada ee lagu qaaday Xeebta Liido.

23- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa magaalada Makka Al Mukarama uga qaybgalay shirka Wasiirada Awqaafta ee dalalka Islaamka.

24- Wafdi ka socda Urur Goboleedka Bariga Afrika qeybta u qaabilsan duulista rayidka magaalad ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista.

==============DHAMMAAD==============

 

   

Xildhibaan Cabdisamad oo dhagax-dhigay ceel biyood laga hirgaliyay Gal-gaduud

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dhagax-dhigey ceel biyood laga hirgaliyay tuulloyin hoostaga deegaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud.

Xildhibaanka oo ka hadlay xafladdaasi ayaa ka waramay baahida loo qabo biyaha iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo adeegyada aasaasiga ah ay u baahan yihiin shacabka.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa kula dardaarmay bulshada deegaannadaasi in ay si wadajir ah uga faa’ideystaan adeegga biyaha oo taabanaya nolosha dadka iyo xoolaha.

Xafladda dhagax-dhigga waxaa goob-joogayaal ka ahaa xldhibaan Cibaado Yuusuf Axmed,Wasiiru dowlaha Tamarta Galmudug Shariif Maxamuud Cali,Taliyaha Ciidanka Boliiska Galmudug Khaliif C/lle Maalin

Ciidanka Xoogga iyo kuwa ATMIS oo howlgallo ka fuliyay Degmada Baraawe

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ee fadhigoodu yahay magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanada ku teedsan magaalada Baraawe.

Ciidanka ayaa sidoo kale baaritaano ku sameeyay wadooyinka si looga hortago qatarta kooxaha argagaxisada oo wadooyinka ku aasa miino si ay dadka shacabka ah u waxyeeleeyaan.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah talaabooyinka looga gaashaamanayo halista argagaxisada oo xiliyada qaar dhibaateeya dadka safarka ah ee maraya wadooyinka.

Wasiir Khadiijo Al-makhzoumi”Dadka Soomaaliyeed waa inay xil iska saaraan ilaalinta deegaanka”

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS Qadiijo Maxamed Al-Makhzumi ayaa habeenimadii xalay Magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlaayey waxqabadka Wasaaradda ee labadii Sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka warbixisay saameynta ay deegaanka ku leeyihiin qashinka,xaalufinta deegaanka,qiica iyo bacaha iyo sida ugu habboon ee looga hortagi karo.

Wasiir Khadiijo Al-makhzoumi “Dadka jara Dhirta iyo kuwa Bacda dalkeena keenaya waxay la mid yihiin khawaarijta.”

Dadaallo xabbad-joojin ah oo socda iyo Isra’el oo duqeysay bariga Qaza

Hogaamiyayaasha Qatar, Masar iyo Maraykanka ayaa ku casuumay Israel iyo Xamaas inay 15ka Agoosto dib u bilaabaan wadahadalada xabad joojinta oo hakaday marar badan.

Bayaan ay soo saareen madaxda dalalkaasi ayaa lagu sheegay in la joogo waqtigii gargaar degdeg ah loo keeni lahaa dadka muddada dheer ku dhexjiray dagaalka Gaza iyo xal u helidda kuwa la heystayaasha ah ee ku jira gacanta Xamaas.

Israa’iil ayaa aqbashay martiqaadka ah inay ka qaybgasho wada-hadallada la soo jeediyay, halka Xamaas aysan weli ka jawaabin codsigaasi.

Codsiga dalalkaasi ayaa yimid xilli ugu yaraan 15 qof la dilay,isla markaana la dhaawacay 30 kale ,kadib markii  millatariga Israa’iil ay dhawr jeer weerarro ku qaadeen laba dugsi oo ay gabaad ka dhiganayeen barokacayaal Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa  bariga magaalada Qaza.

Weli waxaa sii kordhaya xiisadda gobolka,iyada oo laga cabsi qabo weerar loogu aargudayo dilka ismacil Haniyah.

Ugu yaraan 39699 qof ayaa la dilay ,91722 waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Luxembourg oo la magacaabay

Guddoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga saaxiibtinimada ee baarlamaannada Soomaaliya iyo Luxembourg.

Waxaana xubnana guddiga ay kala yihiin:

1-Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar

2-Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow

3-Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud

4-Senator Seynab Ismaaciil Maxamed

5-Xildhibaan Xiis Xasan Aadan

 

 

Cidamada Ilaalada Xeebaha Soomaaliya oo dhoola-tus soo bandhigay

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo Hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan (ATALANTA Operations) ayaa si wada jir ah u sameeyey layliga loo soo gaabiyo (VBSS) oo ku saabsan sida fatashaadda iyo fuulista Maraakiibta laga shakiyay ama kuwa ku lugta leh arrimaha Sharci darada ah ee ku xad gudba biyaha Soomaaliya,

Dhoola-tuskan ciidanka badda ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo maareen lahaa qaab xirfadeysan ee ay cidanka ilaalada Xeebaha ku fuuli karaan Maraakiibta.