Qodobbo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasoo socday muddo saddex cisho ah, waxaana diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud.

Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban Shan qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo maamulka gobolka Banaadir.

Qodobada lagu heshiiyay

1) ๐–๐š๐๐š๐š๐ ๐ ๐š ๐Š๐š๐›๐ค๐š ๐Œ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š (๐๐ฎ๐๐ ๐ž๐ญ ๐’๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ): Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024 si waafaqsan tilmaamaha heshiiska. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.

2) ๐๐š๐š๐›๐ค๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‹๐š๐ฆ๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐ง๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š (๐‹๐€๐‚): Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Madasha waxa ay isku raacday soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/heyโ€™ad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayo iyo lambar lagu hubinayo.

3)๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ž๐ž๐ช๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฅ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ข๐๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž: Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta sida saxda ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada.

4)๐๐จ๐ซ๐ฆ๐จ ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐ข๐ข ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐š๐๐ข๐ข ๐Œ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฌ๐ญ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ฐ๐จ๐จ๐๐š๐ก๐š: Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Masโ€™uuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore goโ€™aamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023. Falanqeyn dheer kaddib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kasta gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024.

5) ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐‘๐‚๐‘๐…-๐ˆ๐ˆ๐ˆ:

Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC. Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan.

La-taliyaha Amniga Qaranka โ€œHowlgalka cusub waxa uu taageero muddo kooban siinaya CQSโ€

La-taliyaha Amniga Qaranka mudane Xuseen Macalin ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhamaadka sanadkan isla markaana uu howlgalka cusub uu noqon doono mid waqti cayiman leh oo dowladdu goโ€™aamineyso.

Mudane Xuseen Macalin oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmamay in haatan ay dalka ka baxeen sagaal kun askari oo qeyb ka ahayd howlgalka ATMIS, inta dhimana dhamaadka bisha December ay dalka ka bixi doonaan.

โ€œWaqti dheer ayay ciidamada dalalka Midowga Afrika ka howlgalayeen dalka tan iyo 2007dii, Mission kii koowaad waxa uu ahaa AMISOM, waxaana uu ku ekaa 2022kii, waxaana ku xigay ATMIS oo hadda gabagaboobaya December 31โ€ ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Mudane Xuseen ayaa xussy in howgal ka cusub uu yahay mid waqti kooban ah, isla markaana muhiimaddiisu tahay sida ay dowladdu uga farxalan laheyd Khawaarijta, qorshahaas oo 12-ka bishan loo gudbin doono golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si loo ansixiyo howgalkan.

La-taliyaha Amniga Qaranka โ€œHowlgalka Cusub ee AUSSOM waxa uu ku yimid codsi ay DFS gudbisay kadib bixintaanka ATMIS, Waxaana howlgalkaan uu taagero muddo kooban sinayaa Ciidanka Qaranka, tirada ciidanka howlgalkaana waa mid kooban.โ€

Mar uu ka hadlayay waxa uu kaga duwanyahay howlgalkii hore ayuu yiri โ€œWuxuu uga duwanyahay howlgakan kii hore, waxaa ka wada howgallaya labada ciidan si wadajir ah. Xirfadda iyo agabka ay heystaan lagu sii tababaro ciidanka Xoogga, si kala wareegga u fudaado marka aan ka maaranoโ€.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa tilmaamay in howlgalkan cidda ka qeyb-galeysa ay u madax banaantahay dowladda Soomaaliya, isaga o intaa ku daray in marka heshiiskan cusub la soo ansixiyo, ay heshiisyo gaar gaar ah la gali doonto dowladaha howlgalkan ka qeyb-qaadan doono.

โ€œDowladaha Masar iyo Jabuuti oo fadhiyay shirka Midowga Afrika ee lagu ansixiyay howlgalkan cusub ayaa sheegay inay daneynayaan inay howlgalkan qeyb wayn ka qaataan, waxaana jira kuwa badan oo iyana daneynaya waxaana goโ€™aan laga gaari doonaa marka Golaha Ammaanka ansixiyo heshiiskaโ€.ayuu mudane Xuseen Macalin hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Wasiir Fiqi oo ka qeyb galay shir looga hadlay xasuuqa ay Isra’el ku heyso shacabka Falastiin

Jeddah: Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay shirka aan caadiga ahayn ee Guddiga Fulinta ee heer wasiirro arrimo dibadeed ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo ka dhacay magaalada Jeddah.

Shirkan ayaa looga hadlay dambiyada joogtada ah ee ay Israaโ€™iil ku hayso shacabka Falastiin iyo xadgudubka ay ku hayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan lagu cambaareynayo xadgudubyada ay geysteen maamulka Israaโ€™iil, waxaana lagu baaqay in dowladaha xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka ay tallaabo mideysan ka qaadaan.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo Shir-guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Labadan sharci ayaa hagi doona hanaanka doorasho ee dalka, waxayna shacabka Soomaaliyeed u suurtagelinayaan inay doortaan madaxda matali doonta qaranka.

Afhayeenka XFS Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka hadlay muhiimada ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin xeerarka maanta goluhu ansixiyey ayaa yiri:

โ€œXeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka oo dhan ka dhaca, muwaadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalkaโ€.

Afheyeenka ayaa intaa ku daray in xeerarka maanta la ansixiy ay dalka ka gudbin doonaan hanaankii hore ee doorashooyinka ee dadbanaa oo mudada dheer lagu soo caana maaliyay dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo magaalada Ankara kaga qeyb galay munaasabad qado sharaf ah

Ankara: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad qado sharaf ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mudane Hakan Fidan u sameeyay safiirrada dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa safiirro iyo wakiilo ka socday dalalka Carabta, waxaana la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira danaha guud iyo iskaashiga Turkiga iyo dalalka Carabta.

Kulamadan ayaa lagu tiriyaa inay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo isfahamka ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Carabta ee dhinacyada kala duwan, si ay gacan uga geystaan โ€‹โ€‹horumarinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Liibaan oo sheegay in Khawaarijta looga daba tagi doono ilaa degaannada Jowlo

Ceeldheer: Ciidamada deegaanka ee ku sugan koonfurta gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyay in ay aad ugu niyad san yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee ka socda bartamaha dalka.

Liibaan Maxamed (Neeleey) oo ka mid ah macawisleyda Galgaduud oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay ku guuleysteen howlgal ay saaka ka sameeyeen deegaanka Buur Calooleey.

Liibaan ayaa sheegay in Khawaarijta looga daba tagi doono ilaa degaanada Jowlo, Galhareeri iyo Ceel-buur, duur iyo deegaan meelkasta oo ay galaan.

โ€œHalgankii socday, guulo waaweyn ayaa laga gaaray waxaana lagu xureeyay deegaano badan oo ka tirsan miyiga gobolka Galguduud, waxaana diyaar u nahay inaan xoreyno dhammaan deegaannada gobolka.โ€

Ciidamada dowladda oo ay wehlinayaan kuwa deegaanka ayaa weli sii wada howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta looga xoreynayo dhul hor leh oo ku yaalla deegaannada gobolka Galgaduud.

Wasiirka Caafimaadka oo booqashooyin ku tagay qeybaha kala duwan ee Caafimaadka magaalada Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden oo howlo Shaqo u joogey Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed ayaa kulan la qaatey Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed oo uu ugu horreeyo Wasiirka Caafimaadka KGS Mudane Maxamed Cismaan Xaaji iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur-galbeed.

Wasiirka ayaa warbixino ka dhageystey madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Koonfur-galbeed si loo sii amba qaado hayaanka horumarinta Caafimaadka dalka sidoo kalena xal waara looga gaaro caqabadaha ku hor gudban Caafimaadka taasoo qeyb ka ah dedaalada socda ee uu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ku baadi goobayo Caafimaadka loo dhanyahay ee guud ahaan dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa sidoo kale booqashooyin kala duwan ku tagey Xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed, Isbitaalka guud ee magaalada, Keydka Daawada kii hore iyo mid hadda dhismihiisubmarayo heer gebagaba ah, Warshadda Oxygen-ta ee dhawaan la soo gaarsiiyey magaalada Baydhabo, Xarumaha lagu keydiyo Tallaalka KGS, sidoo kale Wasiirka ayaa booqdey Isbitaalka degmada ee ay maamusho Heโ€™adda SOS, iyo Xarunta howlgalada deg degga ah ee Caafimaadka (PHEOC) oo dhismaheedu soo dhamaadey mar dhow.

Wasiirka waxa uu Warbixino ka kala duwan ka dhageystey Maamulka iyo shaqaalaha xarumaha kor ku xusan ee uu booqashooyinka ku bixiyey si loo helo caqabadaha xalka u baahan ee jira, waxa uuna barbixinadooda ka dib ku amaaney shaqada quruxda badan ee ay u hayaan bulsho waynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Koonfur-galbeed Soomaaliya, waxa uuna xusey in Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay markasta sidii loo sii harumarin lahaa nidaamka Caafimaadka tuulo min degmo ilaa Gobol guud ahaan dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Wasiir Fiqi oo la kulmay xoghayaha guud ee OIC

Jiddah: Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS musane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Sucuudiga kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee ururka dowladaha Islaamka mudane Xuseen Ibraahim Daaha, waxaana ay ka wada hadleen caqaalaadka labada dhinac iyo danaha wadaagga ah ee ka dhexeeya.

Wasiir Fiqi ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay la shaqeynta ururada caalamiga ah oo OIC ka mid tahay, si sare loogu qaado doorka Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga dowladaha Islaamka danjire Daaha ayaa bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee ay qaaday dowladda Soomaaliya, sida la dagaalanka xagjirka, horumarinta hayโ€™adaha dowliga ah iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Fiqi ayaa Jeddah uga qaybgalay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda dalalka OIC, kaas oo looga hadlay qadyadda reer Falastiin.

ย ย 

Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha

Shirka horumarinta maaliyadda dalka ee u dhexeeyay wasiirada maaliyadda heer federal iyo heer dowlad-goboleed oo uu wejliyo gobolka Banaadir ayaa maanta looga dooday sidii loo mideyn lahaa lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha oo muhiim u ah casriyeynta hannaanka dakhliga gudaha.

Dood dheer iyo aragti isdhaafi kadib, masuuliyiinta labada heer ee dowladda federaalka iyo dowlad-gooleedyadau waxay isla meel-dhigeen hirgalinta nidaamka mideysan ee lambarka aqoonsiga cashuur bixiyaha oo ay ku jiraan ganacsiyada, shaqsiyaadka iyo heyโ€™adaha macaashdoonka ah.

Hirgalinta hishiiska nidaankan waxaa wadajir u saxiixay Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo mamulka gobolka Banaadir.

ย ย ย ย 

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo guddoomiyey shir ku saabsan u diyaargarowga shirka COP 29

Raโ€™iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee COP 29, kaas oo bisha Nofeembar lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP 29 barnaamijyo cadcad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cadcad oo la taaban karo, isaga oo ku boorriyay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faaโ€™iidaysato fursadaha uu shirka COP 29 soo bandhigi doono.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo heyโ€™adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in shirka COP 29 uu yahay fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faaโ€™iidaysato, si xal loogu helo dhibaatooyinka ay dalkeenna ku yeelatay saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka.

ย ย ย ย ย