Dowladda Soomaaliyeed oo Nus malyuun lacag ah ku taageeraysa dhibanayaasha weerarki Liido

Wasiirka Warfaafinta ee XFS Daud Aweys Jaamac ayaa sheegay in DFS ay ku deeqeyso nus malyuun dollar oo wax laga qabanayo daryeelka caafimaadka ee dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ay khawaariijta AS ku qaaday xeebta Liido.

Wasiir Daua’uud  Aweys Jaamac oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho maanta ayaa waxa uu sheegay in shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho ay ku go’aamiyeen in nus malyuun doolar lagu kabo si loogu kaabo daryeelka caafimaadka ee dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay masiibadii ka dhacday Xeebta Liido.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Golaha Wasiirada oo uu ugu horeeyo R/wasaare Xamze Cabdi Barre ay go’aamiyeen in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka qaadato gurmadka socda.

Daa’uud Aweys ayaa ka tacsiyadeeyay u ehellada, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii ku waxyeeloobay masiibada Xeebta Liido isagoo u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay gurmadka caafimaadka ee loo fidiyay dhaawacyada.

Wasiirka Aw-qaafta Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 9-aad ee Wasaaradaha Arrimaha Diinta

Makka Al-Mukarama- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Owqaafta XFS Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa Magaalada Makka Al-Mukarama ee dalka Sacuudiga uga qeyb galay Shirkii 9-aad ee Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimmaha Diinta ee dunida Islaamka .

Shirkan ayaa looga hadlay sida ay isku kaashan karaan Caalamka Islaamka ayna iskaga taageeri lahaayeen la dagaallanka Khawaarijta iyo fikirka gaalaysiinta dadka Islaamka ah.

”Boqortooyada Sacuudiga waan ugu mahad celinayaa ciddii soo qabanqaabisay shirkan aadka u qiimaha badan oo innoo soo aggaasintay, qodobbada kasoo baxayna waxaan rajaynayaa in ay noqdaan kuwo dhaqan gala”.

Wasiir Rooboow ayaa sheegay in fikirka xagjirka ah uu yahay midka ay takfiiriyiinta ka faa’iideystaan oo ay mujtamaca Islaamka dhiiggooda ku banneystaan, wuxuuna ku baaqay in si wada jir ah looga hortaga lagana dhiidhiyo, iaydoo isha lagu haynayo dhaqdhaqaaqyadooda.

” Si looga hortago fikirka xagjirka waxaa lagama maaarmaan ah in ay is kaashadaan dhammaan Wasaaradaha Awqaafta iyo arrimaha Islaamka, Indhahana ku yahaan dhaqdhaqaaqyada socda”.

Wasiirka Amniga XFS oo tababar usoo xiray cutubyo ka mid ah ciidanka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi  Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa tababar usoo xirey qaar ka mid ah ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ka ah ciidanka xasilinta caasimadda.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasilinta caasimadda ayaa waxa uu Wasiirku ku bogaadiyay dedaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.

Munaasabadda ciidanka tababarka loogu soo xirayey ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Maxamed Cabdullaahi Kaniif.

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya.

Hindisahan oo gacan tag ahaa ayaa waxaa ogolaatay 138-Xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diidday halka uu ka aamusay hal xildhibaan.

Guddoomiyaha goalaha Shacabka ee BFS mudane, Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoominayay kulanka maanta ayaa ugu dambayn ku dhowaaqay inuu ansax yahay xeerka ay maanta meel mariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xukuumadda FS oo Nus Milyan doollar ugu deeqday ehelada dadkii ku waxyeelloobay weerarkii ay Liido ka geysatay khawaarijta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa $ 500,000 ugu deeqay ehelada dadkii ku waxyeelloobay weerarkii ay dhowaan khawaarijtu ka geysatay Xeebta Liido, kadib kulan deg-deg ah oo ay xalay ku yeesheen Muqdisho.

Golaha ayaa ku dhawaaqay in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo ehelada dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Yaxye Sinwar waa Nin ceynkee ah ?

Yahya Ibrahim Hassan Sinwar ayaa dhawaan loo doortay Hoggaamiyaha dhinaca siyaasadda ee Ururka Xamas, kadib markii uu geeriyooday Hoggaamiyihii hore, Yaxya Sinwar oo ahaa madaxa dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ee marinka Qasa, ayaa saacad ka hor dhaqdhaqaaqa wuxuu sheegay in loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ama madaxa xafiiska siyaasadda, kaddib markii weerar toddobaadkii hore ka dhacay Tehran lagu dilay madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya. Yahya Sinwar, waxa uu dhashay 1962. Israa’iil ayaa xidhay dhawr jeer oo ay ku xukuntay afar xadhig oo xabsi daa’in ah ka hor inta aan lagu sii dayn heshiis maxaabiis beddelasho ah sannadkii 2011, markii uu ku soo laabtay Qasa , wuxuu loo magacaabay hoggaamiyaha garabka militari Qasaam ee Xamaas , waxaa u xigtay in loo doortay madaxa dhaqdhaqaaqa ee marinka Qasa 2017 iyo mar kale oo dib loo doortay 2021.
Israa’iil ayaa aaminsan inuu yahay ninkii dhisay hawlgalkii daadka Al-Aqsa ee dhacay 7 bishii Oktoobar 7, 2023, kaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid militeriba, isla markaana gilgilay sawirka sirdoonkeeda iyo hay’addeeda ammaan ee caalamka hortiisa.
Taariikhdiisa,dhalashada illaa maanta ;
Sinwar waxa uu ku dhashay October 7, 1962 xerada qaxootiga Khan Yuunis ee koonfurta Marinka Qasa qoyskiisu waxa ay ka soo barakaceen magaalada Majdal ee waqooyi bari uga beegan Qasa, kaddib markii ay Israa’iil qabsatay 1948-kii oo ay magaceeda badashay Ashkelon.
Waxbarashadiisa dugsiga sare waxa uu ku qaatay Khan Yunis, ka hor inta uusan ku biirin Jaamacadda Islaamiga ee Qasa oo uu ka qallin-jabiyay shahaadada koowaad ee qeybta barashada Carabiga. Waxa uu ku soo koray duruufo adag, waxaana saamayn ku yeeshay caruurnimadiisii ​​weeraradii iyo dhibaataynta soo noqnoqda ee dadka degan xerada ay ku hayeen gumaysiga Israa’iil. November 21, 2011, wuxuu guursaday Samar Muhammad Abu Zamar, oo ah haweeney reer Qasa ah oo shahaadada mastarka ee aasaasiga ah ee diinta ka qaadatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qaaa.
Dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed; Yahya Al-Sinwar waxa uu lahaa waxqabad muuqda illaa ardaynimadiisii intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa jaamacadeed, isaga oo xubin firfircoon ka ahaa ururka Islaamiga ah, oo ah garabka ardayda ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee Falastiin.
Waxa uu ku soo shaqeeyay; Xoghayaha Guud ee Guddiga Farsamada ka dibna Guddiga Isboortiga ee Golaha Ardayda ee Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa, ka dibna Guddoomiye ku xigeenka Golaha iyo ka dibna Guddoomiyaha Golaha.
Shaqada uu soo qabtay inta uu ardayga ahaa waxay ka caawisay inuu helo khibrad iyo xirfad u qalma inuu door hoggaamineed ka qaato dhaqdhaqaaqa Xamaas ka dib markii la aasaasay 1987kii. Aasaasihii Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin ayaa Sinwar u xilsaaray inuu hoggaamiyo hay’ad ammaan oo loo bixiyay Ururka Jihaadka iyo Wacdiga (Majd). Hadafka ururkani waxa uu ahaa in uu ogaado oo uu baacsado wakiillada iyo basaasiinta gumaysiga Israa’iil, marka laga soo tago daba-galka saraakiisha sirdoonka iyo nabad-sugidda Israa’iil, ururkani waxa uu markiiba horseed u noqday horumarinta nidaamka amniga gudaha ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Nolashiisa xabsiga; Waxaa la xiray markii ugu horeysay 1982-kii, isagoo 20 sanno jir, waxaana lagu xiray xabsiga muddo 4 bilood ah , isagoo aan la soo taagin wax maxkamad ah. 1985kii, mar kale ayaa la xidhay waxaana lagu xukumay 8 bilood.
January 20, 1988, mar kale ayaa la xidhay, waxaana lagu soo oogay dacwad la xidhiidha afduubka iyo dilka laba askari oo Israa’iili ah, iyo dilka 4 falastiiniyiin ah oo lagu tuhunsanaa inay la shaqaynayeen Israa’iil, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.
Muddadii uu xidhnaa, waxa uu la wareegay hoggaanka sare ee maxaabiista Xamaas ee xabsiga, waxana uu ka qayb qaatay maaraynta iska-hor-imaadyada xabsiga iyo xilliyo is daba joog ah oo ay cunnada ka soomeen maxaabiista Falastiiniyiinta sannadihii 1992, 1996, 2000, iyo 2004 .
Waxaa loo kala wareejiyay xabsiyo dhowr ah; Waxaa ka mid ah Al-Majdal, Hadarim, Al-Sabaa, iyo Nafha ,waxaa jirtay muddo 4 sanno ah oo kaligii meel cidlo ah uu ku xirnaa , waqtigaa oo uu aad u xannuusaday illaa uu dhiig matagay. Labo jeer ayuu isku dayay in uu ka baxsado xabsiga uu ku jiray, markii koowaad waxaa uu ku xirnaa xabsiga Al-Majdal ee Caslaqan, kan labaadna isaga oo ku jira xabsiga Ramla, balse labada iskuday waa ay fashilmeen xilligaa.
Xabsiga Al-Majdal waxa uu ku guulaystay in uu gidaarka qolkiisa ka dalooliyo silig iyo miinshaar yar oo bir ah, laakin darba ayaa dumay ka hor inta uusan ka bixin, taa oo fashilisay iskudaygiisa uu ku doonayay inuu baxsado. Isku daygii labaad ee wuxuu sameeyay intaa uu ku xirnaa xabsiga Ramla, markaa oo ay u suurtagashay in uu birta daaqadda jabiyo, isla markaana uu diyaariyo xadhig dheer, balse waa uu kashifmay iskudayga ,markaa kaddib Israa’iil ayaa go’aansatay inay meel cidlo ah ku xirto.
Waxa la soo deristay dhibaatooyin caafimaad oo soo wajahday intii uu xidhnaa, ka dib markii uu la soo deristay madax-xanuun joogto ah oo k dhashay heer-kulul oo aad u sarreeyay, kadib, waxa lagu sameeyay baadhitaano caafimaad oo muujiyay in maskaxdiida ay fadhiyaan xirjiro dhiig ah, waxaana lagu sameeyay qalliin dhanka maskaxda ah oo qaatay 7 saacadood. Mudadii uu xabsiga ku jiray waxaa laga diiday in qoys ay booqdaan,Aabbihiisna labo jeer oo kaliya ayuu booqday muddo 13 sanno ah oo ka mid ah inta uu xirnaa.
Buuggaagtii uu beddelay muddada uu xabsiga ku jiray;
Yahya Sinwar waxa uu 23-kii sanno ee uu xabsiga ku jiray ku maalgeliyay maskaxdiisa akhriska, wax-barashada iyo qorista, muddadaas oo uu bartay luqadda Cibraaniga ee YH ay ku hadlaan, isagoo waqtigaa wax ka bartay hab fikirka iyo fahamka maskaxeed ee YH , waxa uu qoray buugaag , kuwa kalana wuxuu u beddelay Carabi ,waxayna isugu jireen kuwa ka hadlaya ; siyaasadda, amniga iyo suugaanta , sababtoo ah wuxuu doonayay inay Falastiiniyiinta wax ka badan ka bartaan YH , kuwa ugu caan ee uu Carabiga u beddelay waxaa ka mid ah ; Shin Bet From the Frames ee ay qortay Carmi Gilon, kaas oo ah buug ku saabsan hannaanka amniga gudaha ee Israa’iil, buugga Xisbiyada Israa’iil ee 1992, oo qeexaya xisbiyada siyaasadeed ee Israa’iil, barnaamijyadooda iyo isbeddellada muddadaas.
Marka laga sii daayay xabsiga iyo dhaqaaqiisa ciidan iyo siyaasadeed.
Yahya Sinwar ayaa la sii daayay 2011-kii, wuxuuna ka mid ahaa in ka badan kun maxbuus oo la sii daayay si loogu beddelo askari Israa’iili ah Gilad Shalit. Heshiiska ayaa la soo gabagabeeyey ka dib in ka badan 5 sanno oo Shalit uu ku qaatay Qasa oo uu maxbuus ku ahaa , Israa’iil kuma aysan guuleysan intii ay ku jirtay duulaankeedii Qasa ee dhamaadkii 2008 si ay usoo furato.
Kaddib markii uu xabsiga ka baxay, Sinwar waxa loo doortay xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas intii lagu jiray doorashadii gudaha ee dhaqdhaqaaqa sannadkii 2012. Waxa kale oo uu la wareegay mas’uuliyadda garabka milatari ee Guutooyinka Qasaam, waxaana uu qabtay hawsha isku dubaridka ee u dhaxaysa xafiiska siyaasadda iyo hoggaanka guutooyinka. Wuxuu door weyn ka ciyaaray isku xirka dhinacyada siyaasadda iyo militariga ee dhaqdhaqaaqa intii lagu jiray duulaankii Israa’iil ee Mariska Qasa ay ku soo qaaday 2014. Markii uu dhamaaday duulaankaa, Sanwar ayaa baaritaanno iyo qiimeyn ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada, taasoo keentay in shaqada laga eryo madax caan ah oo ka tirsan Xamaas.
Sannadkii 2015, dhaqdhaqaaqa Xamaas waxay u magacaabeen qofka mas’uul ka ah faylka maxaabiista Israa’iil, waxayna u xilsaareen inuu hoggaamiyo wada xaajood kasta oo lala galayo Israa’iil, iyadoo isla sanadkaas, Mareykanka uu ku daray liiska argagixisada caalamiga ah, halka ay markaa Israa’iil u aqoonsatay shaqsiyaadka ay ugu doonista badan tahay.
February 13, 2017, waxaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda dhaqdhaqaaqa ee Marinka Qasa, jagada uu markaa hayay Ismaaciil Haniyeh oo u dalatay madaxa guud ee siyaasadda ee Xamaas.
Muddadaas waxa uu isku dayey in uu hagaajiyo xiriir ka dhexeeya dhaq-dhaqaaqa Xamaas ee Qasa iyo ururka Fatax ee maamulka Falastiiniyiinta oo uu hoggaamiyo, Maxamuud Cabbdd ee Daanta Galbeed, iyo in la soo afjaro kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dhulka falastiiniyiinta , si loo gaaro dib u heshiisiin qaran, balse isku daygaas ayaa ku dhammaaday guuldarro.
Waxa kale oo uu ka shaqeeyay hagaajinta xidhiidhka Masar, isaga oo qayb ka ah wafdi siyaasadeed iyo amni oo Qaahira kula kulmay madax ka socotay sirdoonka Masar sanadkii 2017, markaa oo laga wada-hadlay arrimo la gaaray heshiisyo la xiriira amniga xadduudaha.
Bishii Maarso 2021, waxaa loo doortay madaxa dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Qasa muddo 4 sanno ah.
Gurigiisa ayaa dhowr jeer la duqeeyay, iyadoo duqeyn ay Israa’iil la beegsatay gurigiisa sannadkii 2912 lagu burburiyay , mar kale ayaa goobta uu degganaa la duqeeyay inta lagu jiray duullaankii Israa’iil ee dhacay 2014-kii, ka dibna duqeynta Israa’iil bishii May 2021-kii.
Sinwar waxa lagu tilmaamaa shakhsi feejigan oo aan hadal badnayn oo ay naadir tahay in uu ka soo muuqdo fagaarayaasha, waxa uu sidoo kale leeyahay xirfaddo hoggaamineed oo sarreeysa, waxana uu saamayn xooggan ku leeyahay xubnaha dhaqdhaqaaqa.
Yahya Sinwar iyo daadka Al-Aqsa oo ah marxaladda dagaal ee hadda lagu jiro; Kadib howlgalkii daadadka Al-Aqsa 7-dii October, Yahya Sinwar waxa uu noqday ninka ay ugu doonista badan tahay Israa’iil , marka laga soo tago Maxamed Deif, oo ah taliyaha guud ee guutooyinka Qasaam.
Marka ay gudaha usoo galeen ciidanka Israa’iil iyo bilowgii dagaalka Israa’iil ayaa ku sheegtay ka takhalusidda hoggaamiyayaasha Xamaas inay u tahay hadafkii ugu muhiimsanaa ee istiraatijiyadeed ee howlgalka ciidamada Israa’iil ee Marinka Qasa, qofka ugu muhiimsan ee ay doonayaan ayay markaa ku sheegeen inuu yahay Sinwar oo ay u arkaan inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii October.
14-kii November 2013, Ingiriiska ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay hoggaamiyeyaasha Xamaas, oo ay ku jiraan xannibaadda hantida iyo mamnuucidda safarka, waxaana ka mid ahaa Sinwar. November 30, 2023 mas’uuliyiinta Faransiisku waxay soo saareen go’aan lagu xayirayo hantida Sinwar muddo lix bilood ah.
Sinwar ayaan ka soo muuqan meel fagaare ah intii uu socday dagaalka, wargeyska Haaretz ayaa sheegay in uu la kulmay qaar ka mid ah maxaabiista Israa’iil intii ay ku xirnaayeen Qasa, wuxuuna ugu sheegay luqadda Cibraaniga in ay ku sugan yihiin meesha ugu nabdoon oo aysan la kulmi doonin wax dhibaato ah. December 6, 2023, Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Israa’iil ay hareereeyeen goob uu ku sugnaa Sinwar, balse howlgalka ma noqon mid guuleysta.
May 20, 2024, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Karim Khan, ayaa ku dhawaaqay inuu u gudbiyay maxkamadda codsi ah inay soo saarto amar qabasho oo ka dhan ah Netanyahu, Yoav Gallant, iyo dhinaca kale, Yahya Sinwar, Maxamed Deif, iyo Ismaaciil Haniyeh, isagoo markaa ku eedeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ka dib dhacdooyinkii Oktoobar 2023. Kaddib markii toddobaadkii hore Tehran, lagu dilay madaxii xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay in Yahya Sinwar uu noqonayo hoggaamiyaha cusub iyo cidda beddelaysa Haniyeh, taa oo ka dhigan markii labaad oo ay jago isku banneeyeen. Osama Xamdaan, oo ka mid ah hoggaamiyaasha sare ee Xaamas, ayaa goor u dhow u sheegay Al-jazeera in magacaabiista Sinwar inay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqa, isagoo go’aanka magacaabiistiisa ku sheegay inay ka marqaati kacayso in ‘hoggaanka Xamaas ay la socdaan marxaladda waqtigan lagu jiro ‘.

Degmada Ceel-dheer oo ka soo kabanaysa dib u dhacyadii ay u geysatay khawaarijta

Degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud ayaa laga dareemayaa dib usoo kabasho dhan walba ah, ka dib markii dhowaan laga xoreeyay kooxda khawaarijta oo cadaadis badan iyo dib u dhac ku haysay dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Ceeldheer C/raxmaan Axmed Cumar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in is beddal weyn oo dhanka horumarka ah uu ka jiro degmada, isagoo sheegay in ay xoogga saareen soo celinta kalsoonida bulshada iyo in ay wada shaqeyn yeeshaan shacabka iyo maamulka, taas oo uu sheegay in ay wax badan ka tartay sugidda amniga.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in ay jiraan xubno ka tirsan khawaarijta oo lasoo xiriiray maamulka degmada si ay isu soo dhiibaan, wuxuuna ugu baaqay malleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ku harsan argagixisada in ay isaga soo baxaan.

Golaha wasiirada XFS oo caawa yeeshay Kulan Deg deg ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay.

Golaha ayaa ku dhawaaqay caawa in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa caawa ansixiyay magacaabista Danjireyaal dalkeena uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka.
Waxaana ay kala yihiin:

1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir
2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir
3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir
4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir
5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir
6. Faysal Axmed Salaad – Safiir
7. Abiib Muuse Faarax – Safiir
8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir
9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir
10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir
11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir
12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir
13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud
14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray Sucuudiga

Jiddah: Wasiirka arrimaha dibadda XFS mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen diblomaasiyiinta Soomaaliya u jooga Sucuudiga iyo ururka iskaashiga Islaamka.

Wasiir Fiqi ayaa ka qaybgalaya shir aan caadi ahayn oo ay wasiirada arrimaha dibadda dalalka iskaashiga Islaamka OIC ay halkaasi ku yeelanayaan, kaas oo looga hadlayo xadgudubka yuhuuddu ku hayso shacabka reer Falastiin.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlayaa tallaabadii ay Yuhuuddu ku beegsatay hogaamiye sare oo ka tirsanaa ururka Xamaas, kaas oo lagu dilay dalka Iran, tallaabadaas oo xadgudub ku ah madax banaanida Iran.

Dowladda Soomaaliya oo dayactirtay Ceel-biyoodka deegaanka Daaru-nimca

Ruunnirgood: Wasaaradda tamarta iyo khayraad biyaha dowladda FS oo kaashanaysa Hay’adda UNICEF iyo shirkada Dalsan Construction ayaa dayactir balaaran ku sameeyay Ceel-biyoodka deegaanka Daaru-nimca oo hoosyimaad dagmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyha deegaanka Daarunimca Cabdi Taakow Qodoxow ayaa u mahadceliyay wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha dowladda FS iyo Hay’adda UNICEF oo ka soo jawaabay baahida dadka deegaanka isla markaasna u dayactiray Ceel-biyoodka deegaanka oo baahi weyn ay u qabeen.

Dadka deegaanka Daaru-nimca ayaa siweyn ugu mahadceliyay wasaarrada iyo hay’adda UNICEF iyaga oo sheegay in ay baahi weyn u qabeen Ceel-biyoodkan.

Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ayaa dadaal ugu jirta in ay dadka deegaannada miyiga ah dagan gaarsiiso biyo nadiif ah.