Hay’adda NISA oo Muqdisho ku qabatay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka hay’adda nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa hawlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxay ku qabteen afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu samayn doonaa baaris dheeraad ah, si loo aruuriyo xogtooda, iyadoo la horkeeni doono hay’adaha cadaadda ee awoodda u leh inay kiiskooda dhageystaan.

Wasiir Biixi oo Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo ku saabsan nidaamka maaliyadda dalka

Wasiirka maaliyadda xukumadda federal ka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa looga wadatashanayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maamulka maaliyadda dalka, qaybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow ayaa soo dhaweyn kadib furitaankii shirka waxa ay dhageysteen talooyinka wasiirada dowlad-goboleedyada, waxa ayna ka jawaabeen su’aalaha la xiriira horumarinta maaliyadda iyo wadashaqeynta guud.

Shirkan ay isagu yimaadeen wasiirada maaliyadda heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa la filayaa in berri la soo gabagabeeyo. Waxaa kulankan ka maqan oo aan ka soo qayb galin wasiirka maaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka.

   

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Khaewaarijta

Dhuusamareeb- Howlgal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen Gobalka Galgaduud ayaa lagu qabtay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh oo hadda ahaa horjoogaha uruuriya lacagaha baadda ah Khawaarijtu ugu yeeraan Sakada ee gobalka Galgaduud.

Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Khawaarijta ee gobalka Shabeellada dhexe, ka hor inta aanan Khawaarijta laga xoreyn guud ahaan Gobalkaas.

Horjoogahan dhiigya cabka ah ayaa sidoo kale ka soo howlgalay goballada Baay iyo Bakool, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha Khawaarijta ee Axmed Diiriye.

Hay’adaha Amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayaasha Khawaarijta ah ee ku hawlan waxyeellaynta Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka wada hadlay tayaynta waxbarshada

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa warbixin la xariirta tayaynta Waxbarashada ka dhageystay maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo dood dheer laga yeeshay horumarinta goobaha Waxbarashada (Dugsiyadda).

Wasiirka oo qayb ka ahaa shirka Todobaadlaha ah ee degmooyinka Gobolka Banaadir oo loogu hadlay Horumarinta Waxbarashada iyo dar-dargelinta ololaha Hooyo u hiilli Qaranka ee lagu garab istaagayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay isla meel dhigeen maamulka gobolka sidii da’yarta soo koreysa loogu faa’ideyn lahaa Waxbarashada lacag la’aanta ah ee ka jirta dalka, maadaama Wasaaraddu ay horay u qaadatay kun Macallin hadana uu socdo qorshe kale oo lagu qaadanayo barayaal cusub isla markaana lagu horumarinayo goobaha Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa faray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in ay si buuxda ugu qeyb qaataan taageerida ololaha Hooyo u hiilli Qaranka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Mudane, Cabdullahi Caddaani oo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ku amaanay horumarrada ka jira Caasimadda Muqdisho.

Israel oo dishay 40 Falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku warantay in ugu yaraan 40 qof ay dhinteen, 71 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Israel ee dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Meydadka ​​90 Falastiiniyiin ah oo aan la aqoonsan ,isla markaana ay haayeen ciidamada Israa’iil muddo bilo ah ayaa lagu celiyay Qaza waxaana lagu aasay xabaal wadareed, sida ay sheegtay wakaaladda difaaca rayidka ee Gaza.

Dhinaca kale,Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka Volker Turk ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo qaboojiyo xiisadda ka taagan bariga dhexe, sababo la xiriira cabsi laga qabo in dagaalka Qaza uu sii fido.

Nafaqo-darida heysata carruurta ee marinka Gaza ayaa kor u kacday ku dhawaad ​​50 boqolkiiba bishii Luulyo marka la barbar dhigo Juun, iyada oo in ka badan 650 carruur Falastiiniyiin ah ay hadda la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an oo ka jirta gudaha deegaanada Gaza, Qaramada Midoobay ayaa sidaa sheegtay.

Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen ciidamada Israel ayaa mareysa 39623, halka 91469 uu gaaray dhaawaca laga soo bilaabo dagalkii bilowday 7 dii Oktoobar.

Israel oo dishay 40 Falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku warantay in ugu yaraan 40 qof ay dhinteen, 71 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Israel ee dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Meydadka ​​90 Falastiiniyiin ah oo aan la aqoonsan ,isla markaana ay haayeen ciidamada Israa’iil muddo bilo ah ayaa lagu celiyay Qaza waxaana lagu aasay xabaal wadareed, sida ay sheegtay wakaaladda difaaca rayidka ee Gaza.

Dhinaca kale,Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka Volker Turk ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo qaboojiyo xiisadda ka taagan bariga dhexe, sababo la xiriira cabsi laga qabo in dagaalka Qaza uu sii fido.

Nafaqo-darida heysata carruurta ee marinka Gaza ayaa kor u kacday ku dhawaad ​​50 boqolkiiba bishii Luulyo marka la barbar dhigo Juun, iyada oo in ka badan 650 carruur Falastiiniyiin ah ay hadda la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an oo ka jirta gudaha deegaanada Gaza, Qaramada Midoobay ayaa sidaa sheegtay.

Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen ciidamada Israel ayaa mareysa 39623, halka 91469 uu gaaray dhaawaca laga soo bilaabo dagalkii bilowday 7 dii Oktoobar.

Wasiir Biixi: “In dhaqaalaha dalka uu kordho waxaa Laf-dhabar u ah amniga”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS, mudane, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in korodhka uu sameeyay dhaqaalaheennu uu sabab u tahay amniga dalka oo soo hagaagaya, loona baahan yahay inaynu si wadajir ah uga shaqeyno sugidda amniga dalka si loo gaaro isku filnaasho xaqa dhaqaalaha ah.

Wasiir Biixi “In dhaqaalaha dalka uu kordho waxaa Laf-dhabar u ah amniga, sidaas darteed waxaan u baahanahay inaan si wadajir ah uga shaqeyno”.

Wasiirka Biixi oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in ay muhim tahay mideyta maamulka dakhliga iyo hannaanka canshuuraha dalka,  si innaga oo wada jirna aynu wax ula wadaagno suuqa bulshada bariga Afrika oo aynu dhowaan ku biirnay.

Mudane, Biixi iimaan Cige ayaa sheegay in loo baahan yahay maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo in soo jiidasho loo sameeyo dadka hantidooda gelinaya, wuxuuna xusay in dowladdu ay diiradda saari doonto dhammaan fursadaha jira si loo helo shaqa abuur iyo sare u kac maaliyadeed.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo mashaariic ka daah-furay degmada Biyo-cadde

Biyo-Cadde- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa daah-furay Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare ee degmada Biyo-Cadde.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax-dhiggay:

  1. Xarunta Degmada
  2. ⁠Saldhigga Booliska
  3. ⁠Garoonka Kubbadda Cagta
  4. ⁠Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka
  5. ⁠Leyrarka cadceeda ku shaqeeyo

“Iskuulka aan ka hirgelinay degmada Biyo-Cadde waxaan rajeynaa inuu soo saari doono arday tayo leh.”

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maali ka hor ku dhowaaqay in ay degmo tahay Biyo-Cadde, taas oo haatan loo dhmaystirayo dhammaan adeegyadii bulshada.

Soomaaliya oo Masar uga mahadcelisay mawqifkeeda ilaalinta midnimada Soomaaliyeed

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS musane Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Masar uga mahadceliyey mowqifka cad ee ay ka taagantahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax banaanida Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay Qaahira ku wada qabteen wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay gardarro u aragto heshiiski ay wada gaareen Ethiopia iyo maamulka gobolada woqooyi ee Somaliland.

“Waxa aan adkaynaynaa dhowridda Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ay Masar si dhammaystiran ugu gacan-seyrtay tallaabo waliba oo ujeedkeedu yahay mid dhaawacaysa midnimada Soomaaliya iyo bedqabka dhulkeeda, waxa aan sidoo kale markale ku celinaynaa inaan si buuxda u diidannahay is-afgaradka la saxiixay, waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Wasiir Fiqi oo qaabilay mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Akademiyadda diblomaasiyadda Turkiga oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Wasiir Fiqi iyo Proff Dr. Mesut Özcan ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac iyo sare u qaadista tababarada taageerada ah ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ka helaan Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa dowlada Turkiga uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya, isagoo xusay in 15-kii sano ee ugu dambeeyey Turkigu uu tababaray ilaa 80-diblomaasi, haatana uu rajeynayo in la sii horumariyo iskaashiga khibrad wadaagga labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya mudane Alper Aktas, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli barri uu Muqdisho ka furmayo tababar la siinayo diblomaasiyiin Soomaaliyeed oo xirfadan ku cusub.