Ururka caalamiga ah ee culimada Islaamka oo cambaareeyey weerarki Liido

Doha: Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si adag u cambaareyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed.

Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa u tacsiyeeyey dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada ee lagu qaaday xeebta Liido ee caasimadda Muqdisho, kaasoo sababay geerida iyo dhaawaca dad badan oo shacab aan waxba galabsan.

“Anagoo ka muujineyna murugo weerarkan foosha xun, waxaan xaqiijinaynaa in falalkan dembiilayaashu ay muujinayaan xumaanta argagixisada iyo wejigeeda madow” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ururka ayaa si xooggan u cambaareyey fal dambiyeedka, maadaama uu si buuxda uga soo horjeedo qiyamka Islaamka iyo anshaxa, waxaana ururku cambaareeyey dhammaan noocyada rabshadaha iyo xagjirnimada.

Ururka caalamiga ah ee culimada Islaamka ayaa xusay in shareecada Islaamku ay caddeysay xurmada dhiigga dadka muslimka ah oo Alle agtiisa ay ka tahay dambi weyn in si sharci darro ah lagu daadiyo.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo shir muhiima ugu qaybgalay Sucuudiga

Makka Al-mukarrama: Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda FS mudane Mukhtaar Roobow ayaa magaalada Makka Almukarama uga qaybgalay shirka wasiirada Awqaafta iyo arrimaha Diinta dalalka Islaamka, kaas oo sanadkan looga hadlay xoojinta doorka wasaaradaha diintu ay ka qaadan karaan la dagaalanka fikirka xagjirka.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay macluumaad la xiriira sii xoojinta istiraatiijiyadaha la dagaalanka fikirka xagjirka, iyadoo loo marayo hanaanka dacwada islaamka ee toosan.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka dagaalka kula jira argagixisada, guulo badana ka gaartay ayuu shirkan u ahaa mid muhiim ah.

Wasiir Biixi “Dowladda waxaa ka go’an in la gaaro iskufilnaasho maaliyadeed”

Wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Iimaan Cige oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshaha dhow ee dowladdu inuu yahay isku filnaasho miisaaniyadeed in la gaaro, ka dib dadaal xooggan oo wasaaraddu gelisay kordhinta dakhliga gudaha.

“Dowladda waxaa ka go’an inay isku filnaasho maaliyadeed gaadho, taasna qorshe dhamaystiran oo xilliyeysan ayaa dowladda uga yaal, sanad ka hor mushaarkeena waa la kabahey maanta lama kabo” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in hiigsiga dhow ee dowladda FS uu yahay in dowladdu isaga filnaato qarashaaska gudaha dowladda in lagu daboolo dakhliga gudaha, markaas ka dibna dakhliga guda wax looga qoondeeyo adeegyada bulshada.

Wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa xusay in wasaaraddu ay xoogga saarayso dakhliga gudaha, iyadoo kaashanaysa bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro koboc dhaqaale iyo isbadal bulsho

Madaxda iyo Shaqaalaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay olollaha cambaaraynta ficillada guracan ee Khawarijta

Xoghayaha joogta, Agaasimayaasha waaxyaha iyo howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Isniin ah ka qeybgalay dibadbax ka dhacay Xeebta Liido ee caasimadda Muqdisho, kaasoo hay’adaha dowladda iyo bulshada gobolka Banaadir ay ku cambaareeyeen weerarkii khawaariijta ay ku xasuuqeen dad rayid ah oo nasiinno ku qaadanayay habeenkii Jimcaha (2 bisha August) xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socday hay’adaha dawladda iyo dadweynaha caasimadda Muqdisho ayaa ku soo bandhigay goobta lagu gumaaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan farriimo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan ficillada arxan-darrada ah ee khawaarijta ay kula kacayaan shacabka.

Dibad-baxa ayaa tilmaam u ahaa sida Shacabka Soomaaliyeed ugu go’antahay in dowladdooda kala qeyb qaataan ciribtirka Khawaarijta.      

Mas’uuliyiin iyo boqolaal Shacab ah oo socod ku maray Xeebta Liido iyagoo ka xun xasuuqii shacabka ee Khawaarijta

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo werarkii ay khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynayay xeebta liido ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, xubno kamid ah maamulka gobolka Banaadir iyo shacab isaga kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa isugu tegay xeebta Liido oo ah halka uu ka dhacay xasuuqa lagu laayay dad badan oo aan waxbka galabsan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxaan uu farriin u diray kooxda Khawaarijta oo uu ku eedeeyay inay usoo jeesatay beegsiga shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta shacabka halkan isugu yimid ee dhalinyarada u badan waxay muujineysaa oo ka tarjumeysaa farriina ay rabaan inay u diraan Khawaarij, farriinta ay u dirayaan waxay tahay inay u sheegaan dalkan iyo dadkan iyagu inay iska leeyihiin” ayuu yiri Yabooh.

Guddoomiye Yabooh ayaa  hadalkiisa intaasi sii raaciya “Kooxa Khawaarijtu uma socon madax iyo ciidan ee waxa ay u bareereen leynta shacabka”.

wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Barre oo xeebta Liido kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay kacaan, kana dhiidhiyaan ficilada guracan ee khawaarijta

“Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta”  ayuu yiri wasiir Maxamed Barre.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka qeyb halay dibadbaxa ayaa dhankooda muijiyay darenkooda iyagoo shèega in ay garab taaganyihiin geesiyasha qaranka si Guud ahaan dalka looga xoreeyo khawaarij

Cabdiraxmaan Raage badbaadiyihii baraha bulshada qabsaday ”Damiirkeygu waa isiin waayay inaan meel cidlo ah uga tago walaal Soomaaliyeed oo dhiig baxaya”.

Xaashi Macallin “Maanta waxa kaliya ee nala gudboon waa inaan qoriga qaadano oo Khawaarijta Iska dhicino.”

Khawaarijta ayaa Jimcihii si cadowtinimo ah u beegsatay dhalinyaro ku caweyneyay xeebta liido,halkaa oo ay ku dhinteen in kabadan 30-dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayna ku dhaawacmeen in kabadan 60-kale,waxana xusid mudan in ciidanka amniga ay halkaa ku fashiliyeen Gaari ay qarax kusoo xireen khawaarijtu oo ay doneysay in shacabka ku xasuuqaan.

    

Bannaanbax looga soo horjeedo shacabkii ay Khawaarijtu ku xasuuqday Liido oo ka socda Muqdisho

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo werarkii ay khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynayay xeebta liido ayaa ka socodo xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin iyo boqullaal dhalinyarada Caasimadda oo ay qeyb kayihiin shaqaalaha dowladda ayaa ka qeyb galayo dibadbaxa kuwaa oo ka dhiidhiyay sida ay uga xunyihiin falkii cadawtinimada ahaa ee khawaarijtu ku xasuuqday dhallinyaro Soomaaliyeed oo Aan waxba galabsan kuna sugnaa xeebta liido ee Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Masuuliyiin katirsan dowladda ayaa ku sugan goobta uu ka socdo dibadbaxa kuwaa dhankooda muujiyay sida ay uga xunyihiin dhibaatada loo geysatay dhalinyarada soomaaliyeed,iyagoo dhalinta soomaaliyeed ugu baaqay inloo midoobo dagaalka khawaarijta.

Wasiirkaa dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliyeed Maxamed Barre ayaa yiri “Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta”.

Wasiir dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xirsi Gaani ayaa sheegay in ay gabaabsi iyo naf bax ay marayaan khawaarijtu,geesiyaasha xooggana ay soo afjari doonaa goor dhaw.

Wasiir Gaani”Ciidamada geesiyaasha ah waxa ay diyaar u yihiin in ay furimaha ku ciqaabaan kuwa shacabkeenna xasuuqaya”.

<Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamuud Macallinoo goobta dibadbaxa ka hadlay ayaa yiri “Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan arxan darrada Khawaarijta”.

Habeenimadii jimcaha aya ahayd markii dhagarqabayaal karisan khawaarijtu ay werareen dad shacb ah oo xiligaa ku caweynayay xeebta liido,iydoo ay halkaa ku ay shahiideen in kabada 30- dhalinyara ah kuna dhaawacmeen ku dhawaad 60-dan kale oo ahaa dhilinyaro si dareen la’aan ah ugu caweynayay xeebta liido ee Magaalada Muqdisho

Isra’el oo duqeymo cusub ku dishay 30 ruux oo u badnaa carruur

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay laba iskuul oo kale oo ku yaalla magaalada Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah oo u badan caruur..

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in boqolkiiba 80 dadka lagu dilay, laguna dhaawacay dugsiyada Hassan Salama iyo Nassr ay ahaayeen caruur.

Dhinaca kale,Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa mar kale ballan qaaday inuu ka aargudan doono dilka Ismaaciil Haniyah, xilli uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Urdun oo booqasho ku tagay Iran.

Madaxweynaha ayaa xusay in Israa’iil ay khalad weyn ku gashay dilka hoggaamiyaha Xamaas Haniyah.

Sidoo kale,Talyaaniga iyo Turkiga ayaa ku biiray dalal badan oo muwaadiniintooda ugu baaqaya inay ka baxaan Lubnaan marka loo eego Israel iyo Xisbullah oo sii wada inay isweydaarsadaan rasaas.

Ugu yaraan 39583 qof ayaa la dilay, 91398 waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7 dii Oktobar ee sanadkii tagay.

Guddiga gurmadka qaran oo kulan la yeeshay culimada iyo ganacsatada

Xubnaha Guddiga Maaliyadda ee Gurmad Qaran oo uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga Wasiir Faadax Sheekh Cabduladir ayaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda SODMA kulan kula qaatay Culimada, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay sidaa gurmad loogu fidinlahaa dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii Argagixisada ku qaaday Xeebta  Liido.

Wasiika Waxbarashada XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kulanka ka hadlay ayaa ku baaqay bulshada Soomliyeed kawada qeybqaataan Gurmadka socda.

“Waxaan shacabka ugu baaqaynaa in ay qeybtooda ka qataan gurmadka iyo garab istaaga loo muujinayo shacabkii waxyeelada ka soo gaartay Qarixii Liido.”ayuu yiri Wasiir Faaarax.

   

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika (East African Community).

Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu ogolaaday inay ku biirto Daladda Bulshada Bariga Afrika bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu  markaas ku sugnaa magaaladda Caruusha ee Tanzania halkaasi oo looga dhawaaqay ku biiritaanka soomaliya ee ururkan

Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Soomaaliya oo ah xubintii ugu dambeysay sidaasna ay ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Urur goboleedkaan oo xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah 8-da dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koofureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April 2022-kii.

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Kulan Amaanka Caasimadda looga hadlaya ayaa waxaa iskugu yimid Hay’adaha Amniga Heer Federaal  iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo ka qabsoomay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed .

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay wasiirka Amniga Sareeye Guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag,  waxaana Ku wehlinayay Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Hey’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo  Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaaladda  Yuusuf Xuseen Jimcaale  Madaale .

Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraad xaalada Amniga ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa,  iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka ka soo qaybgashay.