Wafdi ka socda Bulshada Bariga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ka socda Bulshada Bariga Afrika qeybta u qaabilsan duulista rayidka ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxaa wafdigan Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wafdigan oo ka kooban khubaro dhanka Duulista Rayidka ayaa inta ay ku suganyihiin Magaaladda Muqdisho, waxa ay kullamo iyo daraasado wada-shaqeeyn la yeelan doonaan dhigooda Soomaaliya, iyadoo xooga la saari doono mideeynta iyo is-waafajinta shuruucda iyo xeerarka bad-qab ee mideeynaya Bulshada Bariga Afrika si loo gaaro Duulis Rayid oo lagu mideeysanyahay.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay u diyaar garowga Soomaaliya ee baaritaanadda Hay’adda Duulista Aduunka (ICAO) ku imaneeyso Soomaaliya.

Hay’adda CASSOA oo u qaabilsan Ururka Bulshada Bariga Afrika Duulista Rayidka ayaa Dalalka xubnaha ka ah Bulshada ka caawisa helidda kheeyraadka farsamo iyo khibrad si sare loogu qaado horumarka dalalka xubnaha ka ah Bulshada.

  

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku ridday dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysanaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumada.

Dacwadda oo dhameysatay heerarka kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.

Dowladaha Carabta oo si adag u cambaareeyey weerarkii khawaarijta ee xeebta Liido

Dowladaha Sacuudi Carabiya, Qatar, Baxreyn, Kuwait, Masar iyo Jordan ayaa si ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii khawaarijta ay ku qaaday Xeebta liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku shahiideen in ka badan 32 qof iyo dhaawaca kor u dhaafaya 63.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda dalkaasi ayaa lagu sheegay inay xanuun la qeyb-sanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo tacsi tiiraanyo leh u soo diray Soomaaliya, una rajeeyay kuwa ku dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Ugu dambeyn Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ku garab yihiin la dagaalanka khawaarijta arxanka daran ee ka been sheegaysa Diinta Islaamka.

R/wasaare Xamsa“Waa in lagula xisaabtamaa Saraakiishii shaqada ku laheyd” (WARBIXIN)

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, kaas oo sababay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah, waxayna ciidamada Dowladda gacanta ku dhigeen Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka,sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadam Xasan oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar kooxaha Khawaarijta arxanka daran ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido goobtaas oo ah goob Dadka Shacabka ahi wakhtigooda ku qaataan, isagoo intaasi raaciyay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, taasi oo sababtay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah, wuxuuna Afhayeenka sheegay in Ciidanka Ammaanku ka hortageen seddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta, kuwaasi oo rabay in ay guddaha Hotelka ku laayaan Shacabkii guddaha ku jiray isla goobtana ay ku toogteen Ciidanka ammaanka, isagoo xaqiijiyey in ay Ciidanku gacanta ku dhigeen Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, sidoo kalena goobta ku qabteen dhagarqabihii waday Baabuurka, sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay Wejigiisa ka muuqatay murugo ayaa sheegay inaysan Khawaaarijtu kala jecleyn shacab iyo dowlad, isagoo ku baaqay in loo midoobo, garabna loo noqda ciidamada Qaranka. “Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku laheyn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taasi oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi raaciyay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku laheyd goobaha la weeraray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalayku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay falkii bahalnimada ee kooxaha khawaarijta ah ay xalay Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin, isagoo intaasi raaciya in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaasi oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.

Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay. “Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa isna Guddoomiyay kulan looga hadlaayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido, waxaana kulankan ka qayb ahaa Wasiirrada Warfaafinta,Waxbarashada, Caafimaadka,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiin kale, iyadoo Shirkan Wasaaradda cafimaadka iyo hay’adda SoDMA looga dhagaystay xalaadihii u dambeeyey iyo khasaaraha uu geystay Qaraxu, kaasi oo ah 32 dhimasho ah iyo 63 dhaawac ah.

Shir kale oo dhacay ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa qasaaraha guud xasuuqii khawaarijta ka geysatay Xeebta Liido, si guud dadka ay dhaawacyada soo gaareen  ee ku kala jira isbitaallada kala duwan ee caasimada, waxyaabaha kale ee kulankaan looga hadlay waxaa kamid ah in dhaawacyada kuwooda daran dalka dibaddiisa loo qaado iyo in loo bandhigo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada,  si ay u caawin lahaayeen ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada yaalla, kaasi uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayna yeesheen guddiga gurmad qaran, kaasi oo ka dhacay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka.

Dhinaca kale Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii  kooxda Khawaarijta arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Culumada ayaa sheegtay in caqli, sharci iyo Diin midnka ku bannaaneyn falka dadkaas marasta ah ay ku gumaadeen Khawaarijta, waxayna ku tilmaameen masiibo weyn waliba fool xun.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqiiqdo iyo Diin sheegeysa aysan jirin in shacab muslin ah goob qura lagu wada laayo, wuxuuna ku baaqay in ay la sii laba jibaaro dagaalka lagula jiro Khawaarijta dhiigya cabka ah. “Caqiido iyo Diin sheegaysa ma jirto in dad Muslimiin ah oo meel iska joogo la laayo, dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay dagaalka sii labo jibaarto”. ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kana hadlay wixii xalay Khawaarijta ka fulisay Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Khawaarijtu tahay aqoom Alle fidneeyay, shacabka Soomaaliyeedna looba baahan yahay in ay iska qabtaan. ” Marka hore waxaan leeahay inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun, waxa meeshaas ka dhacay waa masiibo weyn, masiibo wali tan ugu fool xun ah, waxaan ku cambaareyneynaa erayada ugu adag, waa wax Islaamku beri ka yahay, wax Ilaah beri ka yahay waa waxa meesha ka dhacay, dad aan dambi gelin, cid ku xukuntay aanay jirin inta ay u soo galaan ay laayaan caqliyan, sharciyan iyo Diiniyan midna kuma bannaana, dadkaas ilaahey ha u naxariisto waa laga gardarnaayeen”. Ummadda Soomaaliyeed ayay Culumada ugu baaqeen in ay soo baxaan oo ay iska qabtaan cadowga Khawaarijta, kuwaasi oo si naxariista daro oo fool xun u laaynaya shacabka marasta ah.

Xafiiska QM ee Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxii Khawaarijtu ka geysteen xeebta liido

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimo ee kooxda khawaarijtu ka geysatay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku geeriyoodeen 32 qof oo shacab ah sidoo kalena ku dhaawacmeen 63 qof.

“Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeynaysaa kuwa ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.”ayaa lagu yiri bayaanka Cambaaraynta ah.

“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya. In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan qaadaya cambaareynta ugu adag,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Annagoo ku biirayna dhammaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna la garab taagan tahay dadaallada ay ugu jirto inay xaqiijiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka,

Wasiirka Waxbarashada oo Guddoomiyay shir gaar ah oo yeesheen guddiga gurmad qaran

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xalay Guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga gurmad qaran, kaas oo ka dhacay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka.

kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani , Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Maxamuud Macallin Cabdulle,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .

Shirkaan ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa qasaaraha guud xasuuqii khawaarijta ka geysatay Xeebta Liido, si guud dadka ay dhaawacyada soo gaareen  ee ku kala jira isbitaallada kala duwan ee caasimada, waxyaabaha kale ee kulankaan looga hadlay waxaa kamid ah in dhaawacyada kuwooda daran dalka dibaddiisa loo qaado iyo in loo bandhigo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada  si ay u caawin lahaayeen ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada yaalla.

Madaxda Qaranka oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta arxanka daran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan Khawaaarijtu kala jecleyn shacab iyo dowlad, isagoo ku baaqay in loo midoobo, garabna loo noqda ciidamada Qaranka.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya” ayuu yiri Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Khawaarijta ayaa habeen ka hor weerar arxan daran ku qaaday xeebta Liido, halkaas oo ay ku beegsadeen dhallinyaro ku caweynayey dalkooda, waxaana halkaas ku shahiiday in kabadan 32 qofood halkan 63 ku dhaawacmeen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa ku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay falkii bahalnimada ee kooxaha khawaarijta ah ay xalay Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay.

Ciidanka Xoogga dalka oo si hagar la’aan ah dhiigga ugu shubay shacabkii lagu beegsaday xeebta Liido

Ciidanka geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta safaf u galay si ay uga qeyb qaataan gurmadka dadka shacabka ah ee xalay Argagixisadu ay ku dhibaateeyeen xeebta Liido dhiigna u shubaan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa gacanna waxay kula dirirayaan cadawga arxanka daran, gacana bulshada ayay ku caawinayaan, waxayna maanta si hagar la’aan ah isugu xil-qaameen inay dhiigooda u shubaan Shacabka Soomaaliyeed ee argagixisadu ay dhibaatada u gaysateen

Hoggaanka Caafimaadka ee XDS, ayaa isku xilqaamay in laga qeyb-qaataan gurmadka dadka shacabka ah ee xalay dhibaatada ay gaarsiiyeen Argagixisadu.

Kooxda nafta la caariga ah ee khawaarijta ayaa xalay weerar bahalnimo ah ku qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

       

Mas’uuliyiin kala duwan oo si adag ugu hadlay weerarkii bahalnimo ee Khawaarijtu ka gaysteen Xeebta liido

Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka ee BJFS Maxamed Mursal oo si adag uga hadlay weerarkii xalay Khawaarijtu ku beegsatay shacabkii ku sugnaa xeebta Liido ayaa sheegay in ficilkaas foosha xun uu dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku sii dhiirigelinayo inay cadowga Khawaarijta ah deg deg u ciribtiraan.

Guddoomiye Mursal oo tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ah ee khawaarijtu ku beegsatay dadka shacabka ah ayaa yiri “Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido, waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay weerarkii bahalnimada ahaa ee Khawaarijtu ka gaysteen Xeebta liido.

Mudane Cali Maxamed Geeddi ayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si deg deg uga jawaabaan weerarkii bahalnimada ahaa ee Khawaarijtu ka gaysteen Xeebta liido, asaga oo xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta sida adag ugu hadlay weerarkii bahalnimada ahaa waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo sheegay in khawaarijta markii looga itaal roonaaday  goobaha dagaalka ay doonayaan inay gummaadaan shacabka aan waxba galabsan. “Xalka wuxuu ku jiraa oo kaliya inaan u midowno sidii Dalka looga ciribtirilahaa  Khawaarijta ku soo duushay” ayuu yiri Mudane Muungaab.