Ra”iisulwasaare Xigeenka Dalka: Xukuummaddu waxay laba jibaari doontaa gurmadka Shacabka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Guddoomiyay kulan looga hadlaayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii xalay khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido.

Sidoo kale waxa kulankan ka qayb ahaa Wasiirrada Warfaafinta,Waxbarashada, Caafimaadka,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Waxa Shirkan Wasaaradda cafimaadka iyo hay’adda SoDMA looga dhagaystay xalaadihii u dambeeyey iyo khasaaraha uu geystay Qaraxu kaas oo ah 32 dhimasho ah iyo 63 dhaawac ah.

Ra’iisulwasaare Xamse: Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay falkii bahalnimo ee kooxaha Khawaarijta ah ku xasuuqeen xalay shacab Soomaaliyeed oo ku fiidsanayay xeebta Liido, inuu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, oo lagu dabargoynayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.

Mudane Xamsa ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay qaraxa.

MUSAAFURKII LA MARTI SOORAY

beri baa nin safar ah usoo hoyday reer meel Miyi ah deggan. Reerkii ayaa sidii dhaqanka wanaagsan ee suuban ee soomaalidii hore ahaa, u sameeyay ninkii martisoor.

Ninkii waxaa loo keenay gogol uu ku nasto, marka uu seexanayana uu ku seexdo. Reerkii ayaa si ay ninkan safarka ah u sooraan ka soo soocay xoolihii ay dhaqanayeen neef dheyla ah oo buuran.

Hilibkii neefka oo dhan ayeey reerkii sifiican u karsheen dabadeedna u keeneen ninkii martida ahaa. Waxaa kale oo loo keenay caano badan oo dambar leh, oo markaa la soo lisay.

Markii cuntada loo keenay ayaa ninkii martida loo ahaa wuxuu doonay faraxal. Intii uu faraxalka ku maqnaa ayuu ninkii martida ahaa cunay wixii hilib iyo soor ahaa, oo kaddibna caanihii isaga dejiyay. Markii uu ninkii martida loo ahaa faraxalkii keenay ayuu arkay raashiinkii oo eber ah.

Sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd soomaalida, waxba ma uusan oran ninkii oo wuu iska aamusay. Ninkii martida loo ahaa intuu fadhiistay ayuu weeydiyay ninkii safarka ahaa meesha uu u socdo. Ninkii safarka ahaa ayaa yiri, waxaan u socdaa magaalada oo waxaan rabaa inaan takhtar u tago.

Ninkii martida loo ahaa ayaa yiri, miyaad xanuunsan tahay. Ninkii safark ahaa ayaa ku warceliyey oo yiri, waxaa iga xiran cuntada oo daawaan doonanayaa. Ninkii baa intuu yaabay, wuxuu ku yiri ninkii martida ahaa ee safarka u socday, waxaan kaa codsanayaa inaadan marka cuntada laguu soo furo aadan isoo marin.

Ninkii martida loo ahaa wuxuu is yiri, ninkan neefkii iyo soortii cunay, caanihii aad ogeydna cabay, marka raashiinka loo soo furo, toloow muxuu cuni doonaa.

Xaquuqda Sheekada: Dhugasho.com                                                                                                                     WQ: Maxamed Sheekh Afguun

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Deg Deg ah la qaatay Laammaha Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laammaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

“Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.

Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed.

Dad shacab ah oo ku geeriyooday Miino kooxda Khawaarijtu dhigtay jidka u dhexeeya Jowhar iyo Balcad

kooxda khawaarijta ee arxanka darran ayaa saaka qarax miino nooca dhulka la geliyo ah u dhigtay Dad Shacab ah oo ku safrayey Wadadda u dhexaysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

sida ay Wakaaladda SONNA ku heshay xog hordhac ah Gaariga Qaraxa loo dhigay ayaa waxa saarnaa 11 qof oo Shacab waxana halkaas ku geeridooyaday 7 qof oo ka mid ah Rakaabkii Gaariga waxa sidoo kale Dhaawacyo kala duwan soo gaaray 4 qof oo kale.

Dadka Shacabka ah ee Khawaarijtu qaraxa ku laysay ayaa waxa ku jira Dumar iyo Carruur yar yar.

MUHIIMADDA GANACSIGA BEERAHA

Beeruhu waa nidaam hal-abuur ah oo aynu ku beeran karno dalagyo wanaagsa, waxaana jira nuucyo badan oo beeraha oo aynu ku abuuran karno dalagyo kala duwan si ay uga inti facaan dad iyo duunyoba.

Beeraha waa isha abuurka cunooyinka  kala duwan aynu quudano xili waliba sidaas darteed beerahu muhiimad aad u wayn ayeey nolosheena ku leedahay.

Soomaaliya waxaa ay ku jirta Dalalka AFRIKA ugu baaxadda weyn dhul ahaan dhanka Beeraha.

Dadka soomaaliyeed waxa ay ku tiirsan yihiin cunto ahaan Kalluunka, Xoolaha nool iyo Beeraha.

Beeraha waa isha kaliya ee ganacsi ahaan waxa laga soo saaro ay dalkayna ee ku tiirsan yahay, waana isha kaliya waxa ugu badan dibadda loga dhoofiyo.

Dalakyada ugu faraha badan ay beeraha soomaaliya laku beero waxaa ka mid ah  mooska, canbaha, liinta, digirta,yanyada, babayka, bocorka, sisinta, looska IWM.

dhul ahaan deeganada soomaaliya ugu wanaagsan dhanka abuurka am wax beerita waxa ay kala yihiin Hiraan, Shabeelada dhaxe, Shabeelada hoose, jubada dhaxe, jubada hoose, Gado, Baay iyo gobalka Bakool 8 daas gobal waa kuwa ugu caansan ee dalagga ugu faraha badan iyo qudaarta nuucyadeeda kala duwan ay dalka ka soo baxa waa halka lagu beero.

BEERAHA waa isha dhaqaale ee ugu ballaaran oo dalkayna leyahay waxaana dhaqaale laga sameeya dhoofinta dalagyada kala duwan ay ka soo go dalkena sida mooska iyo liinta.

hormarinta beerahena waxa ay u wanaagsan tahay noshayna, xoolaha iyo deeganka aynu ku nool nahay sababto ah waxan ka helnaa hawo, neecaw, waxayna nasiisaa deegaan qurux badan oo aan ku dal xiisno annaga iyo qoysaskeena.

WQ: NACIIMA AXMED ABSHIR

 

 

Culimada Soomaaliyeed” Khawaarijtu waa qoom Alle fidneeyay, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska qabtaan,”

Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii xalay kooxda Khawaarijta arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Culumada ayaa sheegtay in caqli, sharci iyo Diin midnka ku bannaaneyn falka dadkaas marasta ah ay ku gumaadeen Khawaarijta, waxayna ku tilmaameen masiibo weyn waliba fool xun.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqiiqdo iyo Diin sheegeysa aysan jirin in shacab muslin ah goob qura lagu wada laayo, wuxuuna ku baaqay in ay la sii laba jibaaro dagaalka lagula jiro Khawaarijta dhiigya cabka ah.

“Caqiido iyo Diin sheegaysa ma jirto in dad Muslimiin ah oo meel iska joogo la laayo, dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay dagaalka sii labo jibaarto”. ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kana hadlay wixii xalay Khawaarijta ka fulisay Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Khawaarijtu tahay aqoom Alle fidneeyay, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay iska qabtaan.

” Marka hore waxaan leeahay inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun, waxa meeshaas ka dhacay waa masiibo weyn, masiibo wali tan ugu fool xun ah, waxaan ku cambaareyneynaa erayada ugu adag, waa wax Islaamku beri ka yahay, wax Ilaah beri ka yahay waa waxa meesha ka dhacay, dad aan dambi gelin, cid ku xukuntay aanay jirin inta ay u soo galaan ay laayaan caqliyan, sharciyan iyo Diiniyan midna kuma bannaana, dadkaas ilaahey ha u naxariisto waa laga gardarnaayeen”.

Ummadda Soomaaliyeed ayay Culumada ugu baaqeen in ay soo baxaan oo ay iska qabtaan cadowga Khawaarijta, kuwaas oo si naxariista darro oo fool xun u laaynaya shacabka marasta ah.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, kaas oo sababay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah.

Sidoo kale, ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka,sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday Shacabkii ku dhaawacmay Qaraxii Liido

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Dr Cali Xaaji Aadam ayaa Isbitaalada Erdogen iyo Madiina ku booqday Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii bahalnimada ahaa ee kooxda Khawaarijta ka geysatay Xeebta Liido.

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona ka xogwareystay dhaawacyada xaaladdooda Caafimaad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad oo ku filan.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada la soo gaarey ilaa xalay.

Wasiirka Caafimaadka ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, waxa uuna Rabbi ugu baryey dadkii ku naf waayay weerarkii bahalnimada ahaa ee xalay khawaariktu ka geysatay Xeebta Liido in naxariistii janno uu ku arsaaqo, waxa uuna sidoo kale sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhow ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaaninta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee arxan laawayaasha waxyeeleeyeen.

MAXAYNU DUNIDA U DHOOFIN KARNAA

Intii aanay gumeystayaasha faranjigu qabsan oo kala qaybsan, soohdin beenaadyada iyo seerayaashana ku kala qoqoban

Soomaalidii hore ayagoon lacagna aqoon, dowlad iyo talis wax u kala hagaajiyana aan lahayn bay waxyaabo badan aduunka u iib-gayn jireen, kuwo kalena uga soo baddalan jireen.

Waxay dhoofin jireen qeyb kamida kheyraadka uu dalkeena Eebbe ku manaystay oo aan caanka ku nahay sida hilibka xoolaha,subagga,malabka,malmalka,gar-ceesaanka,haragga shabeelka,foolka maroodiga,xabagta beeyada iyo waxyaabo kale oo dalalkii la gayn jiray abdo iyo qayma sare u lahaa.

Dalalka carabta,afrika, iyo meelo kale ayay wax soo saarkooda u iib-gayn jireen,waxayna ka gadan jireen raashin,dhar,cirbado lagu tosho,iyo waxyaabo kale oo noloshooda xilligaa muhiim u ahaa,milgo iyo abdana u lahaa.

Ganacsigaasi ma ahayn mid dheelis-tiran oo waxay dunida u dhoofiyaan iyo kuway ka soo dhoofsanayaani isku tayo iyo isku wax-tar ma ahayn,balse way ku qanacsanaayeen maxaa yeelay kansho kale oo ka rooni uma aanu furnayn.

Inkastoo ay mar mar abaaro gaag ma reebtooyin ah ku wax-yeeloobi jireen haddana Soomaalidii xilligaa joogtay baydi iyo barwaaqo ayay ku noolaayeen, waxayna rumeysnaayeen inay uumiyaha ugu ayaan badanyihiin,cid qadan iyo quud ku dhamina aanay aradka guudkiisa ku dhaqnayn.

Wax kastoo noloshooda la xadhiidha ayagaa farsamaysan jiray oo dhirta iyo saanta xoolaha ayay ka samaysan jireen aqallo waaweyn oo ay suudiga iyo dhaxanta kaga gambadaan,dhar ay xidhaan,kabo,weelal ay wax ku shubtaan,hub ay dugaaga isaga dhiciyaan kuna ugaarsadaan sida qaanso iyo leeb iwm,waxyaabaha dibadda uga yimaadaahina ma badnayn.

Waxay ahaayeen dad isku filan oo waxay haystaan ku iimaan qaba, wax ka maqani inay jiraan aanay la ahayn oo qab leh,farshaxan iyo dhaqan firba fir ka soo dhaxlay oo ay asaagood ugu faani karaanna ku dhaata.

Deeqsinimo ayaa astaan u ahayd oo martida iyo maganta aad bay u tix-galin jireen, balse dhanka kale tuugsiga iyo baryaha cid aan Alle ahayn wax la weydiisto hiddo uma aanay lahayn oo reer dhan iyo ruux kaligii ah midkoodna inuu asaagiis u gacan soorsado kuma dhiiran jirin haddii aanay musiibo ku habsan oo xoolaha ka baabi’in.

Dulucda maahmaahdii ahayd “biyo gacmahaagaa looga dhargaa” ayay ku dhaqmi jireen oo qof waliba muruqiisa iyo maskaxdiisa ayuu ku ciil bixi jiray oo cood iyo calafba ku tabcan jiray,haddii abaar iyo aanfo ku dhacaanna Alle ayay baryi jireen oo ducada iyo durraansiga ayay u bayri jireen.

Wax sidaa la ahaadaba kolkii ay saan-caddaalayaashu dalka soo galeen, gumeysiga arxan darrada ahna ka bilaabeen ayay wax waliba is baddaleen,dhoofintii iyo iib-gayntii wax soo saarka soomaaliduna wiiqmay, waxayna la yimaadeen qorshe cusub oo dadka hal-abuurkooda iyo dhaq-dhaqaadoodaba lagu cuuryaaminayo.

Waxaa soo korodhay aragti cusub oo soomaalida looga dhaadhicinayo inay cayr ama saboolyihiin oo ay kaalmo iyo gurmad u baahanyihiin, haddii kalena ay dhimasho qarka u saaranyihiin oo ay dabar-go’ayaan haddii aanu aduunku badbaadin oo aan caawimaad la siin.

Figraddaasi si fudud ayay ku dhaqan gashay oo soomaaliya waxaa loo aqoonsaday mid kamida dalalka ugu faqrisan aduunka,waxaana sanad walba magaceenna lagu cunaa malaayiin doolar oo aan wax inaga soo gaadhin,ururo aynaan garanaynna meherad ay ka mucaashaan u ah.

Shaki kuma jiro inuu qorshahaasi maskaxdeenii iyo muruqeenneeba fadhiidka ka dhigay oo ina cuuryaamiyay,raashinka dhacay ee macawinada lagu sheegona lagu soo beego xilliga ay inteena fara ku tiriskaa ee beeralayda ah wax u soo go’aan, inay dunida wax u dhoofiyaanna ku hammiyaan.

Waa runoo hadda wax badan waan iib-gaynaa sida xoolaha nool,qeybo kamida kheyraadka badda sida hilibka iyo dhegaha liibaax badeedka,qudaarta sida liinta la qallajiyay iwm,balse boqolkiiba toban 100/10 wax ka yar ayay ka tahay wax soo saarkeenna, umana dhiganto waxyaabaha laynagu soo qufo oo maalin walba dekadeheenna laga soo dejiyo, nolosheenuna ay martida u tahay oo kheyraadkeenii inaga indha-saabay.

Maskaxda in laynaga gumeysto haddaad been moodi jirtay hadda waad baraarugtay soma maaha? ma’se la joogaa xilligii aan magac xumida iyo fadhiidnimada ka bixi lahayn oo dalkeena dihin tabcan lahayn,asaageenna horumar iyo hodantinimo kula tartami lahayn?

Waa weydiin aan hor-dhigaya soomaali walboo damiir leh,bubaaqiisu fayowyahay,bah-dilka iyo dheg-xumida astaanta laynooga dhigayna ka gilgilanaya,maankiisuna soomaaliyoo barwaaqo noqatay ku fooganyahay oo aayaha dadkeena iyo dalkeenu inay samaadaan naawilaya.

WQ: Abwaan Hareeri

 

 

ISKU DHEELITIRKA GANACSIGA

Soomaaliya waa dal Qani ku ah Kheyraad badan balse la dayacay goor hore, Nimcadda ALLAH SWT dalkani ku maneystay lama soo koobi karro laakiin u baahan daraasad dheeri ah ee ka Faaii’deysiga kheyraadkaasi dalka ceegaago.

Ganacsigu ma ahan keliya in la beegsado wax aan sidaa u sii ridneen oo lacag laga soo saaro balse danta guud tahay ganacsi tayo wacan leh xalaal ah sicir macquul ah dadka lagaga iibiyo. Ganacsigu marka ugu horeysaa waa in la yeesha la socod baahida Dalka iyo waxyaabaha ku xeeran, ayadoo maanka lagu haayo waxa markaasi laga heli karo dalka ama laga soo saari karo.

Galleyda, masaggada ama haruurka, Digirta,salbukada ama digirta cagaaran, khu daarta, furatada, saliidda macsarada iyo tan cadeyda oo laga soo saari karo Gabaldayaha’waa in laga maarma ka keenista waxyaabaha daruuriga ah ee wadan laga helo ama laga soo saari karo, waa in laga soo dejiyaa dekedda keliyo baahida dhabta ah ee bulshadu daneyso ama aan laga helin waddanka.

Muuska Soomaaliya oo ahaa kan ugu suuqa wacan dunida N.1aad kaga jirey Caalamka ayaa haatan ku yimid hoos u dhac weyn ee dhinaca tayada, soo saarkiisa iyo ka ganacsiga muuska intaba ee dibadda loo dhoofin jirey.

Haddii si fiican loo adeegsado labada webi ee shabeelle iyo jubba waxa markaasi laga jibba keeni laha soo saarka muus tayo leh.

Ganacsigii basasha iyo baradhada ayaa aad moodaa in soo saarkooda laga door biday in deriska laga keeno waa damiir la’an wax dalka laga heli karo in laga keeno meel kale.

Waxa dalka laga dhoofiyo ayaa waxa dhammaan qudaarta ay ka mid yihiin muuska, liinta, sisinta, kuwaasoo loo iibgeyn jirey qaar ka mida dalalka Yurub iyo Carabta, sidoo kalena Sonkorta oo laga soo saari jirey warshaddii Sonkorta ee jowhar iyo tii Mareerey.

Haddaba, ugu yaraan haddii dib loo soo celiyo Warshadihii dalka Qaarkood waxa soo muuqan lahaa kor u kaca dhaqaalaha dalka.

Markasta waa in ahmiyadda la saara waxa dibadda loo dhoofiyo oo markaasi baahida waddanka ka badan sida xoolaha nool, hargaha iyo saamaha,Muuska ,Xabagta, beeyada iyo Fooxaha.

dhoofinta dhuxusha iyo ka ganacsigeedu marna dan uguma jirto dalka xaalufka ku dhow, waa in markaasi ganacsiga dalku ku saleysnaada danta guud ee dalka iyo dadka oo laga baxaa waxa la soo marey sii socoshadeeda.

Ganacsigu waa in uu lahaada hab la socod wacan kontrool waxa dalka soo galayo sicirka lagu iibiyo iyo tayada alaabada ama badeecadahaasi lana canshuuraa taaso ah mid dal walba tariifo gaar ah u leh.

Rugta Ganacsigu waa mid kaalin kaga jirta soo bandhigidda iyo suuq-geynta ganacsiga waddanka inkastoo carwadii sanadlaha ahayd ay meesha ka baxday sidaaso oo ay tahay haddana waa mid u taal in guntiga dhiisha isaga dhignaa sidii kor loogu qaadi laha ganacsiga dalka ayagoo ka shidaal qaadanaya Wasaaradda Ganacsiga Dalka.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxa loo baahan yahay qorshe cad oo leys barbardhigayo waxa dibadda aan u iib geyno ganacsi ahaan iyo waxaa aan ka keeno waana mid muhiim ah si dalka u yeesho miisaan dhanka ganacsiga gobolka.

WQ: Ibrahim Abuukar Fanax