XIISADDA BADDA DHEXDHEXAAD LAGAMA NOQON KARO

Isxulufeysiga ka jira adduunka maanta waa wax iska caadi ah, dunidana raalli ka tahay haddii dal dal ka awood roon uu ku soo duulo, isla markaana uu u qeyshado kuwa saaxiibada la ah waa wax iska Normal ah, iska caabinta iyo isxulufeysiga waxay sida badan cabsi gelisa kuwa duulaanka wada ee gardarrada iyo boobka wata

Marka iyada ah waxaa jira oo dunida caadi ka ah in qolana ku taageerto, qolana kaa aamusto, qolana muujistaan in arrintu ka yihiin dhexdhexaad, halka qolada kalena kuu soo gurmadaan af iyo addinba.

Balse waxaan uga socdaa oo la yaab mudan in dalkii lagu soo duulay gudahiisa qaar ay muujiyaan in ay arrintu dhexdhexaad ka yihiin, kuwa kalena ayba ka aamuseen sidii dowladihii shisheeye oo kale maba u arkaan in iyaga lagu soo duulay, oo waxay garab u muujinayaan in aysan colaad kala dhaxeynin kuwa soo duulay ee dulmiga iyo dhulboobka wata.

Haddaba, taasi maxaan ku tilmaami karnaa ma doqonnimaa, ma cabsibaa, ma dhaqaala raadis iyo weji doonbaa? Taasoo kale weligey intaan noolaa ima soo marin ee taasi wax halaga beddelo

Dhexdhexaadnimadu maahan inaga gudaheenna innaga waxaa nagu waajib ah difaaca dalka oo keliya haddii la soo weeraro deris ha ahaadeen ama kuwa ka xaggeeyaba ha ahaadeen, sidey ku dhacday dalkii oo waa laqaatay la leeyahay in melena laga kaco oo dadka dhiiggu boqol dhaafay melena aan waxba dareen ahba ka jirin, war dalkaaga dhexdhexaad kama noqon kartid baahal shisheeyana uguma garbeyn kartid qaadashadiisa waxaadna ku sifoobeysaa in aad tahay Qaa’inul Waddan, khaa’inul waddankuna jisahiisu waa dil toogasho ah, waxaana jeclaan lahaa in la dabaqo sharcigaan baarlamaankuna ansixiyo

Itoobiya waxay dunida oo dhan u sheegtay in ay bad qaadaneyso xoog iyo xiilo middey ku heshaba, taasoo markii ay qiimeysay xaaladdeeda ishaaradu ugu dhacday badda cas ee soomaaliya ee taariikhiga ah ee Seylac iyo Lughaya. Waxayna har iyo habeen wacad ku mareysaa in ay qaadan doonto iyadoo cuskaneysa heshiiska macmalka ah ee ay la gashay maamulka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa fadhigiisu yahay.

Si kastaba ha ahaatee inaga waxaa noo furan difaac adag iyo feejinaan, siyaasaddu maahan in la calaajiyo maahan in nalaga helo carab laalaadin iyo muujin jiljileec, halka ay ka miisaan maahee meel kale waa inaan ka miisnaa, qofka lagu soo duulay ee aan haddana diyaar ahayn soomaaliya laguma aqoon ee welingeenba waxaan ahayn kuwa wax iska dhiciya,

Soomaaliya weligeed ma fiirin itoobiya xooggeeda hubkeeda iyo bootadeeda, shab ayaa la dhihi jiray waana laga oysiin jiray ilaa ay dhaceen dagaalladii magacayada kala duwan la baxay ee looga yeersiiyay abeyt

Qofka raba macaamilkaada kuguma soo duulo hadda ka dibna waxaan ka digayaa in aan itoobiya lala yeelan wax macaamil ah ee badaheenna ah waayo waraabe wax looma dhiibto, ma rabno inay haatan ka dib tillaabo soo geliyaan dalka soomaaliya baddeenana iib mahan kirana kama rabno waana in dunida loo sheegaay in ay bannaanka cad naga marto inta ay goori goor tahay wax naga dhaxeyn karo ma jiraan waayo iyadaba nama xeerin.

Markii diboloomaasiyaddu heerkaa gaadhana waxaa habboon in xiriirka la jaro ciidammada dalka jooga iyo safaaraddoodaba la eryo sidii xilligii 77-kii  safiirka ruushka looga eyay 24 saacna loo qabtay itoobiya maxay tahay bad haddaan kireysaneyno dowladaha lacagta leh ee tixgelinaya shuruucda dunida ayaa la dhaqmeynaa

Waxaa habeen iyo maalin maqalnaa tooqa iyo kibirka u uku hadlayo hoggamiyaha tabarta yar ee itoobiya biyahaan ka jarayaa ciidameydaa ku dhintay iyo waldaadaca uu afka ku hayo war caluul jileeca aad heysaan uma baanin waxaan rabnaa in si adag loogu jawaabo loona cabsi geliyo kuwa damaca gurracan wata ee go’aanka qaatay.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

Xaaladda Bariga Dhexe oo sii xumaaneysa iyo Mareykanka oo diraya ciidamo dheeraad ah

Xafiiska Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in milatariga Maraykanku uu gobolka geyn doono dagaalyahanno iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Iiraan ay ka aargoosato Israa’iil,kadib dilkii Tehran loogu geystay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh.

Hadaladaan ayaa soo baxaya xilli saddex carruur ah, qof dumar ah iyo oday waayeel ah lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin.

Dhinaca kale,Kumanaan kun oo baroordiiqayaal  ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan deegaanada Bariga Dhexe,gaar ahaan  Lubnaan, Yemen iyo Urdun si ay u xusaan Haniyeh ka dib markii lagu aasay Qatar.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meel dhammaan dhismayaasha Marinka Qaza oo ah in ka badan 151,000 oo dhisme ay ku waxyeeloobeen ama ku burbureen weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar.

Ugu yaraan 39,480 qof, oo ay ku jiraan 16,314 carruur ah, ayaa la dilay 91,128 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Booliiska oo ka warbixiyey khasaraha ka dhashay qaraxii Liido

Afhayeenka Ciidanka Booliiska soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadam Xasan oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar xalay kooxaha Khawaarijta arxanka daran ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido goobtaas oo ah goob Dadka Shacabka ahi wakhtigooda ku qaataan.

Afhayeenka ayaa sheegay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxa taas oo sababtay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanku ka hortageen saddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta kuwaas oo rabay in ay guddaha Hotelka ku laayaan Shacabkii guddaha ku jiray isla goobtana ay ku toogteen Ciidanka ammaanku.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliiska ayaa xaqiijiyey in ay Ciidanku gacanta ku dhigeen Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka,sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.

BADDA SOOMAALIYA WAA LAMA TAABTAAN OO BIYO KAMA DHIBCAAN AH

Taariikhda waxay noo sheegeysaa in labada cadow ee dalka soomaaliya leeyahay yihiin deriskeeda kuwaasoo weli heysta dhul soomaaliyeed qarnigaan 21aad dunida.

Keennee hadlaba oo siyaasi ah uu leeyahay dowladaha walaalaheenna ah ee jaarkeenna ah.

Mar haddeey arkeen in aan dan ka laheeyn kuwii lagumeysanayayna ay u qaateen rarka gumeysiga in ay yihiin wax iska caadi ah maxaa diidaya in ay noo arkaan in aan raalli ku nahay gumeysigooda iyo in ay haddana cad cad kale naga qaataan xoog iyo xiilo midey ku qaadan karaanna noo isticmaalaan waana isku dayeen.

Haddaba, soomaaliya maxaa u dan ah ma inay soo ceshato dhulka ka maqan mise in ay ilaashato kuwa ay hadda heysato oo keliya?

Abwaankii wuxuu yiri ( Ciilow ba’ee Ceebteyda Casaanyada sideedii miyaan Caday ka dhuubnaaday) Manta ma Saylac iyo Lughaya ayaa itoobiya laga celcelinayaa (Badda Cas)

Weligeen ma waxaa ku jireynaa weerar iyo weerar celis, annagoo og in cadowgeennu dooneynin in aan tabar badan iyo caqli badan yeelanno, mana maqlin dad quudinaya dadkii iyaga dhulkooda heystay oo subagsiinaya halkii ay naga filan lahaayeen holaca iyo rasaas oo keliya.

Waayo haddaan caqli badan leenahay kenya maalin kasta nagama xareyseen malaayiin dollar ah iyadoo nooga beddelaneyso caleemo uraya, teeda kalena maalgelin kuma sameyneyn oo manta waxay ku nool yihiin dhaqaalaheenna oo manta haddaan hal maalin ka goyno way wada cabaadayaan, taasi kuma baraarugno, welibana waan isla caqli badan nahay waa yaab!

Matalan kenya waxaa si dhib badan looga soo celiyay bad ay si bareer ah u qaadatay welina waxay u sii qeylineysaa in uu dhul kaga maqan yahay soomaaliya oo sida aan ognahay waxay sheegataa dhulka koonfurta ugu qiimaha badan.

Sidoo kale, itoobiya waxay rabtaa in ay qaadato bad iyo dhul kale, oo waatan haatan qaati laga taagan yahay sidoo kalena waxay sheegataa in ay leedahay ilaa iyo balcad maxay u dan leeyihiin ma garan kartaan.

Waxay u dan leeyhiin oo ay ogyihiin in qarnigaan uusan usuuro galeynin in ay dhul iyo bad si sahlan ku helaan laakiin waxay ka dabaaqayaan oo kaa fogeynayaan in aad soo haweysato ama aad soo hunguriyeyso kuwa ay hadda heystaan sidaa daraadeed waa lagaa mashquulinayaa fikirka noocaas ah markaasbaa qaar ka mid ah siyaasiyiinteennu afka markey kala qaadaanba leeyihiin walaalaheenna, war ma walaalkaabaa ku gumeysta, waa wax lagu laba laboodo shan soomaali inaan sheegano haddana aan la heynin dariiqii lagu soo dhacsan lahaa, wax dhib ah ama murugo ahba naguma hayaan oo qaarkeen waaba soo siyaaranaa waxaana ugu hambalyeeynaa sida ay gumeysiga ugu jiraan.

Haatan iyo dan, dhulkeenna wuu maqan yahay hadafkeenna kowaadna waa in aan helnaa shanti soomaaliyeed oo buun ka dhineyn, taasina waa in loo diyaar garoobo mar haddii aan dagaal galno waxa oo dhanba waa in leys raaciyaa halmar debka si fiican aan u galnaa.

Hadda maahan in aan maslaxo raadino waayo waxaan heysannaa dowlado manta nagu garabsiinaya in aan annagana soo dhacsano dhulka naga maqan iyagan welina dheer kaga darsanaa si ay u qeyqeylinyaan kolooda kadibna ugu ekaano dhulkeenna saxda ah.

Hadda ka hor itoobiya annagoo qabsan rabna waxay noo kaashatay dowlado ajaanib ah wayna naga soo saareen, balse waxaan garan weynay in xuddeeddeena soomaali galbeed aan ku ekaano oo iyadaa aan ku dhammaano, mase dhicin waan isa soo daba qabsannay difaaeenna ugu dambeeya aan halkaas ka xirano ayay ahayd ma dhicin.

Haatan dowladdeena waa in aysi fiican u ololeeyso dagaal waayo dan weyn ayaa noogu jirta waxaana ka faa’iideysaneynaa xoogagga nagarb taagan dhulkeenna aan soo ceshanno welibana aan baroosinka dhiganno halkaas meeshii aan ka soo dareersan lahayn.

Ka dib kenya iyadoo biyo u kaban meyno oo maalin gelinkeeda hore ayaan ka xoreysan karnaa ee middaan manta meel fiican aan saarno manta maalin ay ka tabar yar tahay itoobiya ma jirto, waa inay ka shaleysaa dulmiga bareerka ah ee damaca waalan waa inay ku weysaa dhul ay iyadu leedahay itoobiya annoo dhan waxaan u diyaarsan nahay in aan halkaasi ku shahiidno si jiilka naga dambeeya ay ugu noolaadaan cabsi la’aan iyo xorriyad buuxda noqdaanna kuwa laga cabsado.

War waxaa fool xumo adduun ah in deriskaagu ku gumeysto mana jiro dal nala mid ah oo afrikaan ah oo sidaas aqbalaya, annaga waan aqbalnay waa ciil iyo calool xumo weyn geesinimo iyo taariikhna waan sheeganeynaa isma qabtaan adeer ee aan iska xoreyno canaasiirta nala deriska ah, waa inaan runta isu sheegnaa biyaha aan cabeynaba xalaal nooma aha ceebna dhexda ayaan ka taagannahay, waayo dalka aad leedahay waa walaalaheenna hoosta ayay ka leeyihiin dhul iyo dadbaan ka heystaa oo waan gumeystaa weli iyadoo qarnigaan dunidii ay wada xoreysay dalalkii ku hoos jiray ee isticmaarku u dhiibay.

Talada waa in wax laga beddelaa istaraatiijiyadda dagaalka iyo fekerkeenuba ay si weyn isu beddelaan oo markaan hankeennu ahaadaa in aan helaan soomaali weyn wax ka yarna aanan qaadan haddii kale qabka aan sheegano iyo gobanimadeynuba way gaasiran tahay way naaqisan tahay ama way dhaawacan tahay.

Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo horumar kaamil ah war dhimasho nooma yaree haddaan la hureynin taas maanta kacsan ee jihaadka ah ayaa noo roon ee qalabka qaata oo dhulalka naga maqan aan soo dhacsanno sidaas towfiiqdeennu ha ahaato waa xaq ilaahna wuu nagu garab siinayaa waayo xaqeenna ayaan u dagaallameynaa guul soomaali weyn oo Sharaf leh

WQ: Osman Dhiblaawe

 

Mas’uuliyiin isbitaallada Muqdisho ku booqday dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkii khawaarijta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Bullaale ayaa qeyb wayn ka ah la socodka xaaladaha dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido, isagoo booqday isbitaallada lagu dabiibayo dadka.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido.

Duqa Muqdisho ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay shuhadadii ku shahiiday weerarkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Takhaatiirta iyo goobaha Caafimaadka in sida ugu wanaagsan oo aan shuruud ku xirneyn ay ula tacaalaan caafimaadka dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii Arxandaradda ee dhacay Liido, asigoona balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu gacan ka geysan doonno garab istaaga iyo gacan siinta Bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale dadka magaalada Muqdisho ayaa qeyb wayn ka ah u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada kasoo gaartay weerarkii khawaarijta, iyagoo dhiig u shubaya dhaawacyada, waxaana badaha bulshada ka socota fariimaha ku aadan garab istaagga dadkaasi.

Ciidamada Ammaanka oo soo afjaray weerarkii khawaarijta ee Xeebta Liido

Ciidamada Ammaanka ayaa soo afjaray weerar ay kooxaha Khawaarijta ku soo qaadeen shacab ku waqti ku qaadanayay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa toogtay 5 Khawaarij oo ahaa dhagar-qabeyaashii weerarka soo qaaday halka dhagarqabe kalena uu naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku nasanayay.

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in weerarkii Argagixiso ay Ciidammadu soo af jareen isla markaana ay dadkii ugu badnaana  Ciidanku soo bad baadiyeen.

Dhinaca kale Ciidammada ammaanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa Khawaarijtu ay ku soo diyaarsadeen si Shacabka Caasimadda ugu wax yeeleeyaan.

ciidammada waxay gacan ka geysteen in dhaawacyada loo gurmado oo isbitaallada la geeyo.

Khawaarijta oo weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah

Kooxda ka tirsan Khawaarijta arxanka daran ayaa weerartay dad shacab ah oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal isugu jira gurmadka shacabkii Khawaarijtu waxyeelaysay iyo soo afjarista Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii weerarka soo qaaday.

Warbaahinta Qaranka ayaa idiin soo gudbin doontaa faahfaahino dheeraad ah.

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la yeeshay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Serbia

Belgrade: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Serbia Danjire Maxamed Abdullahi Axmed ayaa maanta kulan Laba-geesood ah la qaatay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, Dib-u-heshiisiinta iyo Xasilloonida Bulshada ee Dowladda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Usame Zukorlić.

Danjiraha iyo Wasiirka ayaa ka wada-hadlay arimaha iskaashiga iyo kor u qaadida wada-shaqeynta dhinacyadda badan iyo xiriirka saaxiibnimadda labadda dal ee 64-sano jirsaday.

Wasiirka ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka sameynayaan dhinacayada; dib u dhiska dalkooda, Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee dunidda inteeda kale iyo golayaasha Siyaasadda loo dhan yahay.

“Waxaan ku faraxsanahay dib u soo kabashadda Dowladimadda Soomaaliya iyo dhan is bedeladda walba oo ay bushsdda Soomaaliyeed muujijeen, waxaan jeclahay inaan mar uun booqdo Soomaaliya”.

Danjire Maxamed Cabdullahi ayaa mahad celin kadib Wasiirka u rajeeyay guul ka gaaridda shaqadda dalkiisa uu u haayo, isagoo xusay in ay Soomaaliya ay muhiimadda gaarka siiso xiriir Wanaaga iyo wada-shaqeynta saaxiibadda caalamka, iyadoo la ilaalinaayo qawaaniinta Caalamiga ah.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa balan qaaday in isaga diplomaasiyiinta kala shaqeysa howl-galka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee xarunta Belgrade ay kor u qaadi doonaan wanaaginta xiriirka labadda dal, gaar ahaan dhican danaha laba-geesood sida Gacansiga, Waxbarashada, tababaraddda Ciidamaddda, Diplomaasiyada iyo Isu-socodka muwaadiniinta xirfadlayaasha ah ee Soomaaliya iyo Serbia.

Wafdi ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Jabuuti oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo S/Guuto Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil, qeybna ka yihiin Madaxa Howlgelinta ciidanka Jabuuti iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Ibaahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigaan ku soo dhaweeyay xarunta Taliska Ciidanka xoogga Dalka, waxaana soo dhaweynta goobjoog ka ahaa qaar ka mid Hoggaanada Ciidanka XDS.

Ujeedka booqashada saraakiisha ka socota wadanka jabuuti ayaa ah in sare loo qaado iskaashiga labada ciidan iyo sare u qaadida wada shaqeynta iyo howlaha la xariira Ciidamada Hiil Walaal ee Dowladda Jabuuti ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda jabuuti ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan la dagaalanka Argagixisada iyo sida ay u garab taaganyihiin Ciidamada XDS.

Deeq xoolo ah oo maanta la gaarsiiyay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee Ceeldheer

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ayaa maanta helay deeq xoolo ah oo ay soo gaarsiiyeen xildhibaanno ka soo jeeda deegaanada Gobolka Gaalgaduud.

Xildhibaan Yaasiin C/Laahi Maxamuud (Yaasiin Fareey) oo ay la socdeen Taliye ku xigeenka ciidanka lugta Jeneraal C/Laahui Cirro iyo xubno kale ayaa Xoolo nool oo ari ah ku wareejiyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer.

Xildhibaanka o wakiil ka ah Xildhibaanada kale ee ka soo jeeda  gobolka Gaalgaduud waxa uu ciidankaasi gaarsiiyay 120 neef oo ari ah,kuwaas oo loo qetbiyay ciidanka ku sugan Masagaway iyo ceeldheer.

Deqdaasi xoolaha ah waxaa guddoomay Taliyaha Guutada 17 aad ee kumaandooska Gorgor C/Laahi Axmed iyo Khaliif Cumar Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo kamid ah saraakiisha ku sugan halkaasi.