Wasiir Caddaalla oo dhiirigaliyay sameynta urur ay ku mideysan yihiin Soomaalida Belgium

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa khadka isgaarsiinta kaga qeybgalay xaflad lagu maamusaatey daahfurka urur ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Belgium.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS oo ka hadlay xafladdaasi ayaa ka mahadceliyay dadaalkii loo galay sameynta ururkaasi oo ahmiyad gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed ee jecel in ay sii jiraan dhaqanka iyo hiddaha ee bulshada Soomaalida.

Guddoomiyaha ururka Hiddo dhowr C/Kariin Axmed iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa ka hadlay munasabaddaasi oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha ururada bulshada eek u dhaqan Biljam.

Ururka Hiddo dhowr ayaa ka shaqeyn doona kor u qaadista hiddaha iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed.

Taliye Sulub”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Ahmed Firin oo la hadlay qaar kamid ah ciidanka iyo ururada bulshada oo loo qabtay tababar aqoon kororsi ah ayaa sheegay in ciidanka ay yihiin kuwo u adeega bulshada,isla markaana qeyb ka kuwa ku howlan danaha guud ee dalka.

“Ciidanka waa qeyb ka ah bulshada,sidaa aawadeed,dadku waa in ay noqdaan qeyb kamid ah xalka kuwa sugaya amniga dalka”ayuu yiri Mudane Suluib.

Taluyaha Ciidanka Boliiska ayaa kula dardaarmay ciidanka iyo bulshada in ay isku xirmaan oo ay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka iyo soo celinta amniga.

Kulanka taliyaha ayaa ahaa mid la xiriiray dhiirigalinta qaar kamid ah ciidanka boliiska iyo ururo bulsho oo loo tababarayo habka ugu wanaagsan ee loo heli karo xiriir wada shaqeyneyd oo dhexmara dhinacyadaasi.

Turkiga” Israa’iil waxay dooneysaa in dagaalka Qaza uu ku fido gobolka

Hoggaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dilka Israa’iil ee hoggaamiyaha Xamaas uu dhaawac weyn u geysatay wada-hadalladii xabad-joojinta ee la doonaayey in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.

Madaxweynaha ayaa muujiyay in xukuumadda Netanyahu ay dooneyso dabka Gaza inuu ku faafo gobolka,halka R/wasaare Netanyahu uu dhinidiisa sheegay in waddanku uu marayo heer foojignaan ah oo aad u sarreeya ,isla markaana diyaar u ah xaalad kasta.

Hadaladaan ayaa imaanaya xilli ugu yaraan 15 ay ku dhinteen weerar ay Israa’iil ku qaadday iskuul ay gabbaad ka dhiganaayeen Falastiiniyiin soo barakacay,sida ay sheegeen Difaaca madaniga ah ee Gaza .

Dhanka kale,Hogaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan Hassan Nasrallah ayaa sheegay in iskahorimaadka Israel uu galay waji cusub ka dib markii la dilay taliyihii dhaqdhaqaaqa Fuad Shukr iyo hoggaamiyihii Hamas.

Ugu yaraan 39480 qof, oo ay ku jiraan 16,314 carruur ah, ayaa la dilay, 91128 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza laga soo bilaabo 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Midnimo Soomaaliyeed waxay ku xiran tahay wadajirka Culumaa’udiinka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumaa’udiinka ka qayb galay Shirweynaha Labaad ee Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, Dhaqanka suuban iyo Nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada.

“Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha Ummadda waxaana la idinka sugayaa in aad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda, amniga iyo dowladnimada. Nabad, midnimo iyo horumar ay dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ay ku xiranyihiin in la helo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Culumaa’udiinka ku adkeeyay xoojinta dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka Khawaarijta, ka hor tagga afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday colaadaha sokeeye.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay culimada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, dadkana ay ku hoggaamiyaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiiqada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka ummaddan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn”.

Mudane Xamsa waxa uu ku adkeeyay culimada in ay xoojiyaan dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka qabyaaladda iyo wax walba oo halis ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uga mahadceliyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta qaban-qaabada shirka sanadkii labaad, ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay culimadii waaweynaa ee ka baxay Islaamka, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Sheekh Cusmaan Xiddig iyo hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Ismaaciil Haniya.

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo kulan mira dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq

Cairo– Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Safaaradda JFS ee Masar Danjiraha Ciraaq u fadhiya Qaahira ahna Wakiilka Joogtada ee Jaamacadda Carabta Mudane Qaxdhaan Al-Janaabi oo booqasho sharafeed ugu yimid Safiirka.

Labada Danjire ayaa ka wada sheekaystay Xiriirka labda dal iyo ka mira dhalinta qodobadii la isla meel dhigay booqashadii Ra”isul Wasaaraha ee Baqdaad. Sidoo kale waxaa laga wada hadlay qabanqaabada Wafdi heer Wasiir oo dhawaan tagaya Muqdisho.

Danjire Maxamed oo la kulmay Agaasimaha Guud Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbia

Belgrade– Safiirka Soomaaliya ee dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta waxa uu kulan shaqo la yeeshay Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika iyo Bariga Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Djura Likar.

Safiirka iyo Agaasimaha ayaa wada-hadalkooda waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

Kulannkan oo ahaa wada-hadal shaqo oo laba-geesood ah ayaa ku saabsanaa booqashooyin loo diyaarinayo qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhawaan tegi doona magaalada Belgrade ee dalka Serbia iyo arimo ku saabsan danaha ay wadaagaan labada Dowladood.

Carruurta ay ka geeriyoodeen Shuhaddadii naftooda u huray Qaranka oo la dhiirigeliyay

Munaasabad lagu dhiira-galinayay carruurtii ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee shuhadadii naftooda u huray Difaaca Qaranka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho .

Xafladaan waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin , Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, Sarakaiil iyo waalidiin.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in la joogteen doono daryeelka Carruurta agoonta ah, islamarkaana ay heli doonaan daryeel caafimaad iyo Waxbarasho bilaash ah. laguna dadaali doono carruurta Aabayaashood ay naftooda u hureen Difaaca dalka.

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka arrinsaday howlaha hortebinta u leh Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay shaqadii uu Goluhu qabtay todobaadkii lasoo dhaafay oo ay ka mid ahayd doodii la xiriirtay hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaannada iyo ansixintii Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed oo ay shalay Xildhibaannada ansixiyeen.

Dhinaca kale guddiga ayaa warbixin ka dhageystay guddiyada Horumarinta Adeegga Bulshada iyo Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha shacabka, waxaana ay ka warbixiyeen kulamo su’aalo weydiin iyo isla xisaabtan ah oo ay la qaateen Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo sidoo kale Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa isla falanqeeyay ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda kuwooda horutabinta leh, waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulanka soo xiray uu bogaadiyay howsha adag ee Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ay u hayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdulbaari oo baaq u jeediyay Culimada Soomaaliyeed

Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdulbaari oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii afaraad galay ayaa ugu baaqay culumaa’udiinka inay Shirka ka baxaan iyaga oo niyadooda Saafi ah.

“Dhammaanteen waxaan nahay dad walaalo ah Islaamka ayaa nagu filan waa inaan ka fogaannaa wixii nakala geynayo sida xanaaqa iyo xaasidnimada, waana tii ay ku halaageen ummadihii naga horreeyay.”

Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gebagebeeyo shirka Culumada Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay arrimo ku saabsan midnimada iyo walaalnimada ummadda Soomaaliyeed, iyo khatarta ay leedahay fikirka Shiicada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isniintii daah-furay Shirwrynaha ayaa sheegay in qabashada shirkan ay tusaale u tahay mudnaanta ay dowladdu siinayso doorka culimada.