Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilka maamulka Israa’iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, kaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan, falkaas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

“Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilalka siyaasadeed iyo rabshadaha nooc kasta ah, iyadoo aan loo eegin sababaha ka dambeeya.

Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas’uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa’iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.

Soomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa dowladda Falastiin ee walaalaha ah, shacabka Falastiin, iyo qoyskii Dr. Haniya iyo asxaabtiisii, allaha u naxariistee.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeer ugu tagay ciidanka Danab ee Jubbaland ka hawlgala

Kismaayo: Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay ciidamada kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubbaland, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaadanaya dagaalka ka socda gobolka ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay ciidamada Danab sida ay naftooda ugu hureen difaaca dalka, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay sii wadi doonto taageerada joogtada ah ee ay siiso ciidamada, si ay u helaan qalab iyo tababar casri ah oo ka caawinaya howlgalladooda.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka u dhexeeya ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada guud ahaan gobollada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celceliyay ahmiyadda ay leedahay in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay ku midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, si loo gaaro Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashada ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

      

Sheekh Xamdi “Marka Culumadu ay heshiiyaan, tafaraaruqa dhexdooda ay iska saaraan wax badan ayaa hagaagaya”

Sheekh Xamdi oo ka mid ah culumada ka qeyb galeysa shirweynaha culumada Soomaaliyeed ee maanta labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka maanta uu daaran yahay midnimada iyo walaalnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo dhanka kale, tilmaamay in Soomaalida ay wadaagaan cunsur kasta oo wax walaaleeya sida Diinta, Luqadda iyo dhaqanka intaba.

” Shirka guud ahaan wuxuuu ku saabsan yahay midnimada umadda Soomaaliyeed, hadalkii madaxweynaha ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah, waxaa aad looga hadlay cannaasiirta wax walaaleeya in ay Soomaaliya wada leedahay, waxaan rabaa halkan in aan ummadda uga gudbiyay waa inaan xaqiiqo ku noolaano,

Dhanka kale, Sheekha ayaa soo hadal qaaday in ay muhiim tahay in marka hore culumada ay ka heshiisyaan tafaraaruqa dhexdooda si wax badan oo bulshada faa’ido u leh u hagaagaan, wuxuuna sidoo kale, Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Dowladda si looga guuleystay kooxaha Khawaarijta ee caadeystay in ay si bareer ah oo micno la’aan ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Marka Culimadu ay heshiiyaan, tafaraaruqa dhexdooda ay iska saaraan wax badan ayaa hagaagaya”, ayuu yiri Sheekh Xamdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Wasiirka isgaarsiinta oo la kulmay wasiir ku xigeenka Teknolojiyadda Shiinaha

Beijing: Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xildhibaan Maxamed Aaden Macalin (Soomaali) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo u joogo Magaalada Beijin ee wadanka Shiinaha ayaa la kulmay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha iyo Teknoolojiyada Shiinaha Md. Zhang Yunming.

Kulan Doceedkaan ayaa si gaar ah waxaa loogu soo qaaday xoojinta Xiriirka Iskaashigaan labada dhinac si gaar ah Isgaaraiinta iyo Teknoolojiyada.

Wasaaradda Isgaarsiinta waxa ay dadaal ugu jirtaa sidii loo adkeenlahaa Xiriirka iyo Iskaashiga ay Wasaaraddu la leedahay Wadamada iyo Ururada bahwadaaga ay la tahay, waxaana la filayaa Safarka Wasiirka ku tagay in ay ka soo baxaan Qorshayaal waxtar u leh dalka.

  

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Kuwait oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Kuwait city: Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Kuwait, Dr. Ambassador Cabdullahi Maxamed Sheekh Cabdullahi ayaa maanta oo Arbaca ah waxaa nuqul ka mida waraaqihiisa danjirenimo ka guddoomay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Cabdullaahi Al-yaxya.

Safiirka ayaa u gudbiyey madaxda dalka aanu walaalaha ee Kuwait fariinta salaam ah oo uu ka siday madaxda uga sareysa ee dalka Soomaaliya sida Madaxweynaha, ra’isul-wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Intaa ka dib waxa ay labada dhinac ay is dhaafsadeen wada-hadalo mira dhal ah oo la xiriira soo dhaweyn, xoojinta xiriirka labada dal oo dhinac badan leh.

    

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sucuudiga

Riyad- Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho ku jooga magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga ayaa kulan mira dhal ah la qaatay dhiggiisa dowladda Boqortooyada Sucuudiga Mudane Eng. Abdulrahman Abdulmohsen AlFadley.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashi dhinaca horumarinta Kalluumeysiga ah iyo in dowladda Sucuudigu ay maalgashi wax ku ool ah ku sameyso dhaqaalaha Buluugga ee dalkeenna gaar ahaan Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa sheegay in uu jiro dedaal gaar ah oo uu ku bixinayo in dalkeennu uu helo maalgashi caalami ah kaas oo wax ka tari kara kordhinta dakhliga iyo wax soo-saarka gudaha horseedna u noqon kara in dalkeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhagax-dhiggay mashaariic laga fulinayo degmada Jalalaqsi

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, xubno Baarlamaanka H/SH, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa kormeer shaqo iyo dhagax-dhig ka sameeyay degmada.

MASHAARIICA LAGA HIRGELINAYO DEGMADA JALALAQSI:

  1. Xarunta Maamulka Degmada
  2. Saldhig Booliis
  3. Suuqyada Ganacsiga iyo Xoolaha
  4. Maxkamadda Degmada
  5. Dugsi Hoose, DHexe (Tardo)
  6. Nalalka Cadceeda
  7. Iskoolka Xanaannada Carruurta
  8. Dayactirka Buundada
  9. Daah-furka Mashruuca Taakulaynta Bulshada Nugul – Social Protection 5,000 oo qofood muddo 2-sanno ah (SCSS2).

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kormeeray Isbitaalka guud ee degmada Jalalaqsi, garoonka diyaaraddaha iyo buundada, waxana uu socod ku maray labada qeyb ee degmada Jalalaqsi.

“Dhammaan mashaariicdaas si dhaqso ah ayay halkan uga fulayaan, waxaan soo arkay sida uu u shaqeeyo Isbitaalka waana loo dhammeystirayaa agabka ka maqan.”

Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda dheer gobalka Hiiraan, waxana ay degmonimo qaadatay sannadkii 1970-kii.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Fannaanadda Xabiibo Baajuuni

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi  tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyootay Allaha u naxariistee Marxuumad Xabiibo Xuseen Baajuuni oo ka mid aheyd Fanaaniinta Qaranka ee Hoballada Waaberi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Xabiibo Xuseen Baajuuni waxa ay muddo dheer ka tirsaneyd Hobollada Qaranka Waaberi ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo kaalin muuqata ka soo qaadatey wacyigelinta iyo horumarinta fanka Soomaaliya.

Waxan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka tagtayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Golaha Aqalka sare ee BFS oo maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed

Sanatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyeed ayaa cod aqalabiyad ah ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

Hindise Sharciyeedka Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed oo maalmahaan ay ka doodayeen Xildhibaannada Aqalka sare ayaa waxaa golaha horkeentay Wasaaradda Maaliyadda XFS, kaas oo uu maanta Goluhu ansixiyay

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka ilaalinta naafada

Mudanayaasha golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta ansixiyay Hindise- Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Hindise sharciyeedkan oo ahaa gacan taag ayaa waxaa oggolaatay 135-xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday halka afarna ay ka Aamuseen.