Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka tacsiyeeyay geerida Ismaaciil Haniya

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Muslimiinta Caalamka uga tacsiyeeyay geerida hoggaamiyahii garab-ka siyaasadda Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismaaciil Cabdul Salaam Axmed (Ismaaciil Haniya).

Allaha u naxariistee Ismaaciil Haniya ayaa ku dhintay xalay duqeyn xagga cirka ah oo ay la beegsatay Isra’iil hoyga uu ka deggenaa magaalada Tehraan xilli uu kasoo laabtay caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Iiraan Masoud Pezeshkian.

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Alle ugu baryay Ismaaciil Haniya in uu Alle Shahaadadiisa ka aqbalo Jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo.

Innaa Lillaah wa innaa ileyhi raajicuun

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Waad cibaadeysateen waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo,

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku cibaadeysteen dagaalkii dhowaan ka dhacay Buulo Xaaji oo lagu laayay khawaarij badan.

Ra’iisul Wasaaraha oo Saraakiil iyo Ciidamo isugu jira Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland kula hadlayay Buulo Xaaji ayaa intaa ku daray in dowladda Federaalku ay ka go’an tahay in khawaarijta dalka laga xorreeyo lagana  tirtiro goobaha kooban ee ay ku harsan yihiin.

“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”.

Tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda ayuu sheegay in haatan uu aad u sarreeyo, wuxuuna bogaadiyay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ay u muujiyeen Ciidankooda geesiyaasha ah.

Shiinaha oo Booliska Soomaaliyeed ku taageeray qalab loo adeegsado baarista

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin oo uu wehliyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/dhexe, Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa maanta Safaarada Shiinaha kala wareegey agab loogu tala galay Baarista cilmiyeysan ayagoo isla goobtaas tababar ugu soo xirey sarakiishii isticmaali laheyd agabkaas kuwaas oo muddo Tababar ugu jirey sidii ay u isticmaalilahaayeen agabkaas qiimaha badan u leh baarista dambiyada.

Waxaana gacan ka gaystey Tababarka macalimiin ka socdey dalka Shiinaha kuwaas oo qibrad dheer u leh baarista cilmiyeysan .

Safaarada ayaa ku wareejisey aqabka baarista cilmiyeysan ee Forensic Digital ka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayagoo Isticmaalka qalabkaasna u tababarey qaar ka mid ah Saraakiisha Boliiska .

Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa dhawaanahaanba waday qorshe lagu hormarinayo baarayaasha xirfadlayaasha ah ee ka howlgala Baarista Dembiyada waaweyn ee Dalka dhaca.

Soomaaliya oo ku guuleystay koobka Shataranjiga Shaqsiyaadka qaaradda Afrika ee qeybta (U2000)

Madaxda iyo ciyaartoyda xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga iyo qaar kamida bahda ciyaaraha ayaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay ciyaaryahan Cabduqaadir Maxamed Warsame oo guul taariikhiya kasoo hoyay tartanka shataranjiga ee shaqsiyaadka qaaradda Afrika ee AFRICA INDIVIDUAL CHESS CHAMPIONS oo lagu qabtay dalka BURUNDI, kaas oo ay Soomaaliya markeedii ugu horeeyay ku guuleystay.

Tartanka oo ay ku baratameyn 8 dal oo qaarada Afrika ah ayuu kaalinta koowaad ka galay ciyaaryahan Cabduqaadir Maxamed Warsame oo 9 wareeg oo uu ciyaaray kaga adkaaday ciyaartoy ka kala socotay dalalka South Afrika, Zambia, Algeria, Ivory cost, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Kusimaha gudoommiyaha gudiga olimbikada Soomaliyeed ahna Gudoomiyaha xiriirka shataranjjga Axmad Cabdi Xasan Wataac iyo bahda shataranjiga ayaana soo dhaweynta kadib munaasabad dhiirigelina u sameeyay ciyaaryahanka oo ay ku amaaneyn sida sharafta leh ee uu difaacay calanka dalkeena.

Ciyaaryahan Cabduqaadir Maxamed Warsame oo ka hadlay madasha ayaa xusay inay guushan u tahay Riyo u rumoowday, Wuxuuna tilmaamay inuu sii wadi doono difaacidda dalkiisa.

Gudoomiye ku xigeenka xiriika Soomaliyeed ee shataranjiga Mahad Daahir Maxamed oo hogaaminayay xidigaha soo hoyay guusha weyn, ayaa xusay inay Soomaaliya guushan u tahay mid taariikhiya wuxuuna dhinaca kale tilmaamay inay dhawaan ka qeyb gali doonaan tartan kale oo caalami ah oo ka dhici doona dalka Greece.

Wasiirka gaashaandhigga iyo saraakiil sare oo kormeeray deegaanadii dhowaan laga saaray Khawaarijta ee jubada hoose

Kismaayo: Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka xooga Dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin Iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa si wadajir ah u kormeerey deegaanadii dhawaan Lagu jebiyey Khawaariijta ee Buula Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada hoose .

Masuuliyiinta ayaa Mid mid u kor istaagey goobihii iyo difaacyadii sida xun loogu laayey Khawaariijtii weerarka soo qaaday 22-bishaan, iyagoo u hambalyeeyey dhamaan Taliyaasha, Saraakiisha iyo Ciidanka sida Geesinimada leh isaga difaacay Codowga ummadda Soomaaliyeed .

Madaxdu Waxay Balan qaadeen in dhamaan Ciidanka Labadiisa heer dowlad goboleed iyo federaalba loo dhamays tiri doono Waxkasta oo ay u baahan yihiin inta, si cadowga looga dulqaado dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku hayaan.

   

Wasiirka isgaarsiinta Soomaaliya oo Shiinaha uga qaybgalay madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Dhijitaalka

Beijing: Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xildhibaan Maxamed Aaden Macalin (Soomaali) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Beijin ee wadanka Shiinaha uga qeybgalay madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee horumarinta Dhijitaalka, waxaana si gaar ah sanadkaan diiradda loo saaray Iskaashiga Dhijitalka ee kaabayaasha, hal-abuurka, Isbeddelka, siyaasadda, amniga iyo iskaashiga awooda Dhijitaalka.

Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha, waxaa soo qabanqaabisay Wasaarada Warshadaha Iyo Teknoolojiyada ee Shiinaha, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirada Isgaarsiinta ee Wadamada Afrika, , Shirkadaha ka shaqeeyo Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, kuwa Hal-abuurka iyo aqoonyahano ku xeerdheer ICT-da.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xildhibaan Maxamed Soomaali oo khudbad ka jeediyey Madashaan ayaa soo dhaweeyey istaraatiijiyadaha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo hababka lagu kobcin karo wadamada Afrika ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka.

” Soomaaliya marka laga hadlaayo arimaha Dhijitaalka waxey ka qabatay shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta iyo diyaarinta Shuruucdii lagu hagi lahaa, waxaana hadda Baarlamaanka dalka horyaalo sharciga Amniga Saabarka iyo sharciga Cyber Crime, waxaana qeyb weyn ka yahay Dhijitaalka Qorshaha Wasaaradda ee 2024-2029″

Madasha waxaa ka soo baxay in la xoojiyo Xiriirka iyo Wadashaqeynta iyadoo la iska kaashanaayo Qorshe Hawleedka Afrika iyo Shiinaha ee Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarintiisa.

     

Madaxweyne Laftagareen oo qaabbilay wafdi ka socda hay’adda WFP

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayey ku xigeenka Agaasimaha Guud Hay’adda Cuntada Adduunka.

Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxa Hay’adda WFP ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gargaarka, cunta yarida iyo sidii loo kordhin lahaa gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saamaysay is-beddelka cimillada iyo abaaraha.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka koofur galbeed.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay madaxa hay’adda WHO Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dawladda Hoose ee Muqdisho kula kulmay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO u qaabbilsan Soomaaliya Marwo REINHILDE VAN DE WEERD iyo Kuxigenkeeda Mudane MOHAMED KAMIL.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka labada dhinac iyo in la iska iskaashado Caafimaadka Bulshada, Sidoo kale soo saarista iyo tababaridda xirfadlayaal gacan ka geysta Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo Xal u helida Barakacayaasha ku nool Muqdisho iyada oo la gaarsiinaayo Adegyada Caafimaad oo ay u baahan yihiin si loo gaaro Yoolka Caafimaadka Loo Dhan yahay (Universal Health).

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi ay kamid yihiin Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, dadweyne kale ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa

Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xiran dharka Ciidanka ayaa halkaas u gaaray dhiiro gelinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo howgallo ka dhan ah Khawaarijta kawada halkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa dhawaan ka sameeyay halkaas howlgallo lagu khaarajiyay in kabadan 150 khawaarij ah, iyagoo gacanta ku soo dhigay tiro kale, waxaana wali socda dabagalka firxadka ka baxsaday howlgallada barakeysan ee wali socda.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad galay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah.

Shirweynaha Culimada oo ay ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee kulankoodu uu yahay in laga tago q

Khilaafaadka Umadda Soomaaliyeed loona soo jeesto sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya, lagana shaqeeyo masaalixda guud ee dalka.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in doorka Culimada ee kaga aaddan midnimada iyo isu soo dumidda Umadda Soomaaliyeed uu yahay mid weyn, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay natiijo wanaagsan kasoo bixi doonto.