Bandhig dalagga beeraha ah oo lagu qabtay Buuloburte

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeele iyo kan degmada Buulaburte ayaa  ka qeyb galay bandhig ay sameeyeen iskaashatada Beeralayda degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Iskaashatada ayaa soo bandhigay dalagyada ay beertaan oo kala ah qudaarta noocyadeeda kala duwan, waxayna sheegeen in ay u baahan yihiin horumarin lagu sameeyo beeraha si loo kordhiyo wax soosaarka dalagyada dalkeennu hodanka ku yahay.

Ujeedka bandhiggaan ayaa ahaa kobcinta guusha waarta ee wax soosaarka ka faa’iideysiga nidaamka beeralayda yaryar ee degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha JFS: Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Muqdisho ka daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka sheegay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.

“Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan diinta, afka, midnimada iyo wadajirka, taas oo ah dhaxal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, haddaba diintu waa waxa koowaad ee aan ku mideysan nahay, waxaana jiro khataro badan, qofka rabaa in uu qeybiyo dadkeenna hab qabiil iyo mid deegaan kuma qeybin karo, waana sababta ay khawaarijta iyo kuwa wadajirkeenna dhibayo ay u soo mareen dhanka diinteenna suubban ee aynu ku midaysannahay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay Xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaas.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ummadda iyo culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xidig) oo door muhiim ah ka soo qaatay faafinta diinta islaamka iyo baridda dadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal khadka Telefanka ah la yeeshay Madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wada-hadal telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo taageerada hawlgallada Ciidanka qalabka sida ee dabar-goynta argagixisada.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo la kulmay safiirka Muritania dalkaasi u jooga

Qaahira: Safiirka Jamhuuriyadda FS ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee ururka Jaamacadda Carabta danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta booqasho sharafeed ugu tagay Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Mauritania mudane Al-xuseen Siidii Cabdalla oo xilligan ah guddoomiyaha golaha Jaamacadda Carabta meertada 161-aad.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay Xiriirka iskaashi iyo danaha labada wadan oo ku wada jiro ururo caalami ah

Madax ka tirsan dowladda oo Muqdisho ka furay aqoon isweydaarsi ku saabsan tiirka arrimaha bulshada

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon Isweydaarsiga tiirka arrimaha Bulshada iyo kobaca karaanka Aadanaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029).

Aqoon isweydaarsigan, oo socon doona muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeyn doono jaangoynta qeybaha uu ka koobnaan doono Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Kobaca Karaanka Aadanaha.

Xoghayaha Joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha mudane Kamaal Guutaale oo furitaanka munaasabadda hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Aqoon isweydaarsigan muddada uu socdo lagu gorfeyn doono sidii shacabka soomaaliyeed looga haqabtiri lahaa adeegyada waxbarasho, caafimaad, shaqo abuurka, horumarinta dhallinyarada, Haweenka iyo dhamaan arrimaha horutabinta u leh horumarinta arrimaha Bulshada.

Dhanka kale, waxaa maanta la soo gaba-gabeeyay shir labo maalmood ah oo loogu talagalay daadihiyayaasha Ardaaga Tiirka horumarinta dhaqaalaha ee Qorshaha Isbeddelka Qaran (2025 – 2029).

         

Wasaaradda hawlaha guud oo saxiixay heshiiska daraaseynta biyamareenada Balad weyne iyo Dhuusamareeb

Wasaaradda hawlaha guud, dib udhiska iyo guryeynta dowladda FS iyo shirkadda Cat’s ayaa kala saxiixdey heshiis ku saabsan daraasadda maareynta daadadka iyo sahminta biyo mareenada magaalooyinka Beledweyne Iyo Dhuusa-mareeb.

Heshiiskaan oo uu saxiixey wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa looga golleeyahay maareynta daadadka iyo fatahaadada soo lalaabtey ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Iyo sidoo kale daraasad lagu diyaarinayo helida goobaha biyo mareenada magaalada Dhuusamareeb oo ay wasaaraddu qorsheyneyso inay wadooyin ka hirgeliso, si looga hortago fatahaado ka imaan kara xilliyada roobabka iyo Isbedelka Cimilada.

Kulanka heshiiskan lagu kala saxiixdey waxaa sidoo kale goob joog ahaa Duqa Degmada Beledweyne Guddoomiye Nadar Tabax iyo wasiirka hawlaha guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir.

Mashruuca Nagaad oo ay hormuud u tahay wasaaradda hawlaha guud ee dowladda FS ayaa laga fuliyaa 5 dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, kaas oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka.

  

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay eedeysane loo haystay maalgelinta argagixisada

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta eedeysane Cabdinuur Aadan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa loo maxkamadeeyay in uu maalgalinayay argagaxisada iyo sido kale Lacag dhaqid.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Dacwadiisa u gudbiyay Maxkamadda gobolka Banaadir Bartamahii Bishii 5aad ee Sannadkaan ayaa sheegay in eedeysanaha uu sameystay Akoono laga furay bankiyada dalka kuwaasi oo lacagaha loogu heyn jiray kooxaha argagaxisada ah.

ku dhawaad $296,036.75 ayaa la dhigay mid ka mid ah akoonadda u sameystay, ayada oo lacagahaasi loo bixinayay qaab Mushaar ahaan bil walba sida laga dhex arki karay akoonka eedeysanaha sida uu Xeer Ilaaliye ku xigeen Farxaan Xuseen Maxamed u sheegay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Qareenka eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Kheyr ayaa ku dooday in eedeysanaha uu wakiil ka ahaa nin ay ilmo adeer yihiin oo akoonka ahaa taasna aysan noqon karin dambi loo ciqaabo eedeysanaha.

Saalax Cali Maxamuud Dabaan guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeysane Cabdinuur Aadan Lagu xukumay Hal sanno oo Xabsi ah iyo sido kale Ganaax Lacageed oo dhan saddax kun oo dollar, xukunka uu ka furan yahay Rafcaan cidda aan ku

Wasaaradda deegaanka oo bogaadisay qabqabashada dad geedo ka jarayey Ceelwaaq Gedo

Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada dowladda FS ayaa soo dhoweysay hawlgal ay ciidanka ammaanku ka sameeyeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo lagu soo xiray xiray dad ku hawlanaa xaalufinta deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee BJFS

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali xoosh ayaa  maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda, Guddiyada iyo Hey’adaheeda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh oo uu wehliyey Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa ka warbixiyey arrimo ay ka mid yihiin; wax waxqabadka iyo Qorsheyaasha Wasaaradda, Federaalaynta, Xasillinta iyo Dib u heshiisiinta. Waxaa kale oo kulanka qeyb ka ahaa Maareeyaha hey’adda NIRA iyo Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NCRI.

Guddoonka iyo senatarada Golaha Aqalka sare ayaa sidoo kale su’aalo ka weydiiyey Wasiirka mas’uuliyadaha Wasaaradda iyo waxkaqababashada qorshayaasha iyo hortabinnada Wasaaradda.

 

Madaxweynaha JFS ” Daawadeennu waa Diinta Islaamka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka labaad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in wax walba oo la xariira siyaasadda lagu kala aragti duwanaan karo balsa Diinta aana marnaba lagu kala qeybsamin.

“Siyaasadda looma dhamo waa la dhihi karaa , laakiin Diinta marnaba lagama yaabo in lagu kala qaybsamo” ayuu yiri Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale culimada ka codsaday in ay laba laabaan ka hortagga fekerka Khawaarijta, kaas oo halis ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamkaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadallay ahmiyadda ay leedahay midnimada ummadda soomaaliyeed, waxa sheegay in wax walba ay dawo u tahay Diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda.