Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda, si loo gaaro qaab-dhismeed horseedaya isbeddel lagu horumariyo howl-qabadka Wasaaradda, iyadoo loo marayo iskuduwid waxtar leh iyo hindisayaal istiraatijiyadeed.

Wasiirka ayaa hadalkani maanta ka sheegay kulan ay ka qeybgaleen Xoghayaha Joogtada, la-taliyayaasha kala duwan ee Wasaaradda oo lagaga hadlay sidii lagu gaari lahaa waxqabad la taaban karo iyo ka guul keenidda waxyaabaha mudnaanta leh, qaab-dhismeedka, siyaasadda dibadda iyo hab-raacyada shaqada ee Wasaaradda.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayuu Wasiirku faray in la magacaabo guddiyo ka kooban la-taliyayaasha iyo khuburrada aqoonta u leh oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta oo soo dejiya , kana soo tala-bixiya siyaasadaha iyo hab-raacyada si kor loogu qaado hufnaanta shaqada oo la jaan-qaadaya hiigsiga istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure oo ka mid ahaa duuliyeyaashii Somali Airlines

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure oo ka mid ahaa duuliyeyaashii Somali Airlines, isla markaana ahaa aasaasihii shakabadda wararka Hiiraan Online, oo xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorkii uu marxuumku ka soo qaatay horumarinta Afka Soomaaliga iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen warar ku saleysan xaqiiq, xilli dalku ku jiray marxalad adag, isaga oo ku tilmaamay shaqsi howlkar ah, dhex-dhexaad ahaa, una taagnaa horumarka dalkiisa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Duuliye Axmad Xaaji Cilmi Guure waxa uu ahaa baylood, saxafi iyo samafale ka shaqeeya waxtarka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, waxaana murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxay Marxuumka.

Mudane Xamsa ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo bahda saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Madaxii Maaliyadda Gobolka Mudug ee khawaarijta oo isku soo dhiibay Boliiska Hobyo

Madaxii maaliyada Gobolka Mudug ee Argagixisa Cabaas al Amiin xuseen  ayaa goordhow isku dhiibay  booliska  degmada Hobyo oo uu Taliyaha saldhiga  Maxamed Cadceed uu hor kacayo.

Ninkaan ayaa is kaga baxsaday Argagixisada wuxuuna ka tagay deegaanka jawle ee Gobolka Mudug,

Sidoo kale goobta lagu soo bandhigay ninkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka degmada Hobyo Muqtaar Sheekh

Madaxweynaha JFS oo daahfuray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo sanadkii labaad lagu qabanayo dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo sanadkii labaad lagu qabanayo dalka.

Shirweynaha Culimada oo ay ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid  ayaa sanadkaan diiradda lagu saari doonaa Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Shirkii culimada ee sanadkii hore ayaa lagu bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta uu yahay Jihaad islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid.

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay degaanno hoostaga Xarardheere

Howlgal qorshaysan oo ay qaadeen ciidanka deeganka ee ka howlgala  degmada Xarardheere ayaa ku guleystay in ay soo burburiyaan fariisime ay Khawaarijtu ku lahaayeen degaanno ay ka mid yihiin Ilbir iyo Bohol caalin.

Ciidanka deegaanka ayaa weerarka ka hor helay xogta Khawaarijta gaar ahaan kuwa Sakawaadka oo si dhuumaaleysi ah baad uga qaadayay shacabka deegaanka.

Ciidanka deegaanka ayaa Khawaarjta kasoo furtay qoriga Ak47.

Shirweynaha Culimada oo Muqdisho ka furmaya

Shirweynaha labaad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu maanta ku furmo magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo Midnimada umadda Soomaaliyeed iyo garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu furo shirweynahan, isagoo culimada la wadaagi doona dadaallada dowladda ee ku aadan la dagaalanka khawaarijta iyo talaabooyin loo qaaday adkeynta midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee qabsoomay sanadkii hore ayaa warmurtiyeedkii xiligaas laga soo saaray lagu sheegay in Argagixisada yihiin khawaarij, taasoo keentay in awood ahaan khawaarijta la wiiqay.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobalka Banaadir oo ka qeybgalay kulan dadweyne

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka qeybgalay kulan u dhaxeeyay Maamulka Degmada Shibis iyo Bulshada ku dhaqan Waaxda 3-aad ee Xalane, kaasi oo bulshada loogu dhageysanaayay caqabadaha iyo horumarada ka jira Degmada.

Madashaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali) iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa diirada lagu saaray qaabka iskaashi oo ay Maamulka iyo Bulshada ugu wada-shaqeyn karaan dhinacyada Amniga, Bilicda, Dib-u-dhiska Kaabayaasha isku socodka iyo adeegyada kale ee Bulshada.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu bulshada gacan ku siin doonno dib-u-dhiska iyo horumarinta Adeegyada Bulshada, balse loogu baahan yahay in ay dhinacooda door ka qaataan sidii laamaha Amniga iyo Maamulka Degmada gacan loogu siin lahaa ka hortagga Amni darrada, Nadaafada iyo dib-u-dhiska Kaabayaasha isku socodka dadweynaha.

 

Wasiir Xoosh” Nolol wanagsan iyo horumar ayey gareen deegaanaddii laga xoreeyay Khwaarijta”

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa khudbad uu ka jeediyey madasha isku duwida arrimaha xasilinta Dalka kaga hadlay dadaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka.

Wasiirka ayaa ugu horrayn ka warbixiyey dadaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka isaga oo Sheegay in hawl galadu sii balaaranayaan “Waxaa xusid mudan in hawl-galladu sii ballaaranayaan, ayna si xawli ah ugu fideen Dowlad Goboleedka Jubaland, aniguna aan fursad u helay inaan tago Buula Xaaji oo dhowaan la xoreeyay, dhulkaas iyo kuwa la midka ahba waxay u baahan yihiin mashaariic xasilin oo baaxad leh”.

Sidoo kale Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in deegaanada dib loola wareegay ay ka jirto nolol wanaagsan “Waxaan ku faraxsanahay in deegaannadii dowladdu dib ula wareegtay ay wejigeedii iyo muuqaalkoodiba ka duwan yihiin sidii hore, taasoo sababtay in arday badan ayaa fursad u helay inay maanta iskuulo aadaan Xarardheere iyo Aadan Yabaal, sidoo kalana hela adeegyo caafimaad, amni, biyo iwm”.

Ugu dambayn Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadcaliyay saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera arrimaha Xasilinta, isagoo yiri “ waxaan u mahadcelinayaa dhammaan Saaxiibada Beesha Caalamka ee taageera Barnaamijka Xasilinta Dalka, si gaar ah waxaan rabaa inaan ugu mahad celiyo US aid oo kaalin weyn ka ah hawshaan iyo hirgilinteeda”.

    

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Dhaqaalaha Buluugga ah

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Sacuudiga Mudane Cabdulraxmaan Al-Fadley, iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray maalgashiga dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xasan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan galisay ka shaqeynta arrimaha badda sida kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga, iyada oo bulshadda Soomaaliyeed lagu wacyigalinayo muhiimadda in maalgashi lagu sameeyo dhaqaalaha buluugga ah dalka.

Labada wasiirka ayaa ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya taas oo ah in labada dowladood ay iskaashi ka sameeyaan horumarinta dhaqaalaha Balluugga ah oo dunida maanta muhiimad gaar  ah u leh.

Imaaraadka Carabta oo xarunta bixinta dal ku galka Visaha ka furtay Muqdisho

Danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta Axmed Jumca Rumeythi ayaa furay xarunta bixinta dal ku galka taas wixii maanta ka dambeeya muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan visaha.

Danjiraha ayaa sheegay in furitaanka xaruntan ay kamid ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

<Waxa ay noqonaysaa qunsuliyaddii ugu horeysay oo Imaaraadka ka furo Muqdisho tan iyo burburkii ka dib.