Wasiir Cabdulqaadir Maxamed “Waxaa Ciidankeena lagu qalabeyn doonaa hubka ugu casrisan ee maanta jira”.

Wasiirka  Gaashaandhigga XFS Mudane C/qaadir Maxamed Nuur,ayaa sheegay in dowladda ay da’daal badan ku bixineyso dib u-dhiska ciidanka xoogga dalka oo lagu qalabeyn doono hub casri ah.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed “Waxaa Ciidankeena lagu qalabeyn doonaa hubka ugu casrisan ee maanta jira”.

Wasiirka oo ka hadlay dhismaha ciidanka xoogga dalka ayaa tilmaamay in Mudda laba sano ah la tababaray ciidanka gaarayo 17-kun ayna tahay markii ugu horeysay in ciidan intaa gaarayo ay dowladdu soo saarto oo ay qalabeeyso waliba qalab casri ah oo la jaan qaadayo kan Caalamka.

“Dhismaha ciidanka xoogga waxaa koorso laga soo saaray ciidan gaarayo 17-kun ay u dhameystiranyihiin agabkooda,wana markii ugu horeysay oo ciidan intaa la’eg mudda laba sano ah lagu tababaro”Wasiir Cabdulqaadir Maxamed

Wasiirka oo sidoo kale soo hadal qaaday bixitaanka ATMIS ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay lagala wareegay ciidanka TMIS in kabadan 20-gobood oo ay ku suganyihiin ciidanka xoogga Dalka,taana ay ku timid dib u-dhiska iyo tayeenta ciidanka,isagoona bogaadiyay guulaha waweyn ay gareen ciidanka geesiyaasha xoogga iyo kuwa degaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkaan ka sheegay shir jiraa’id uu shalay ku qabtay xarunta wasaaradda.

Maareeyaha Hay’adda NIRA oo la kulmay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay’adaha Dalka

Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Abdiweli Timacade , ayaa kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay’adaha Dalka (NGOs Consortium), Mudane Cabdulqaaddir Maxamed Axmed. Maareeyaha ayaa warbixin kooban ka bixiyay dadaallada ay Hay’addu ugu jirto dardargelinta diiwaangelinta dadweynaha, taas oo udub-dhexaad u ah dib u soo kabashada dowladnimadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Cabdulqaaddir ayaa dhankiisa ka warbixiyay sida hannaanka aqoonsiga qaranku muhiim ugu yahay dadaallada gargaarka bini’aadannimo ee ay ku hawlan yihiin.

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii la isaga kaashan lahaa dardargelinta diiwaangelinta dadka baahida u qaba gargaarka bini’aadannimo, si ay u noqdaan kuwo la aqoonsan yahay oo qayb ka ah Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo la isla qaatay in lasii wado dadaalada ku aaddan sidii loo heli lahaa hannaan wada-shaqayn iyo iskaashi oo ku aaddan diiwaangelinta dadka gargaarka bini’aadannimo u baahan ee ku dhaqan gobollada dalka, sida barakacayaasha ay saameeyeen dagaallada, fataahadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in ciidamada Turkiga ay ka howlgalaan badda Soomaaliya

Ankara: Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah in ciidamo badda ah loo diro Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagu sugayo ammaanka xeebaha dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay go’aankan ayaa sheegay in iskaashigan uu ka tarjumayo sida ay uga go’an tahay labada dal in ay horumariyaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo difaaca.

“Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo kaliya xasillinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale.” ayuu raaciyay Wasiirka.

Go’aankan ayaa daba socda heshiiskii difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal kala saxiixdeen 8-dii February.

Shir ku saabsan horumarinta garoonka Aaden Cadde oo Muqdisho lagu qabtay

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda maareeyaha garoonka, maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha, waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda, taliyeyaasha Booliiska iyo kan Nabadsugidda garoonka Aadan Cabdulle, ururka madaxa banaan ee adeegga diyaaradaha, UNSOS, UNHAS, shirkadda Favori iyo shirkadda Sahal.

Shirkan inta uu socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijka amniga garoonka kaasi oo qeexaya habka loo maamulayo amniga garoonka. Waajibaadka hay’adda Garoonka iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen howlaha amniga si uu garoonka ula jaanqaado garoomada caalamiga ah ee dhiggiisa.

Barnaamijkani maanta la soo bandhigay ayaa waafaqsan shuruucda Caalamiga ah ee xeerarka duulista Rayidka iyo xeerarka duulista Rayidka ah Soomaaliya.

Maareeyaha garoonka Aadan Cabdulle mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi oo soo xiray shirka amniga garoonka Aadan Cabdulle ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay billaaban doonto sidii looga shaqeyn lahaa fulinta barnaamijka amniga Garoonka iyadoo ay hormuud ka noqonayaan hay’adaha Amniga sida Booliiska iyo nabadsugidda.

        

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo furay madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta Dalka

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa maanta daahfuray Madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta Dalka.

Madashaan ayaa waxaa ka soo qayb galey Mlmarti kala duwan oo ay ugu horeeyaan, Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, Ergayga gaarka ah ee Xasillinta u qaabilsan madaxwaynaha JFS, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo mas’uuliyiin kale oo heerarka Dowladda ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa boggaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka isaga oo Sheegay in loo midoobo sidii looga wada shaqayn lahaa xasillinta Goobaha Khawaarijta laga xoreeyay wuxuuna sheegay inay ka socto hawl baaxad leh oo u baahan midnimo iyo in laga wada shaqeeyo mira dhalkeeda.

Madashan ayaa ah iskuduwidda arrimaha xasilinta dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa Kulan waynaha iskuduwidda xasilinta dalka.

           

Ra”iisul wasaaraha XFS oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JFS, uuna garawsaday hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha wasiirrada hoos ku xusan:

1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

 

Wasiir Cali-Xoosh: oo bogaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Xil- Cali Yuusuf Cali – Xoosh oo khudbad ka jeediyey Madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta Dalka ayaa ka hadlay sida Dowladda Soomaaliya ay hortabin u siiso howlaha Xasillinta ee laga fulinayo deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Wasiir Cali – Xoosh ayaa ugu horayn bogaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka isaga oo Sheegay in dhamaan loo midoobo sidii looga wada shaqayn lahaa xasillinta “Goobaha Khawaarijta laga xoreeyay waxaa ka socda hawl baaxad leh oo baahan midnimo iyo in laga wada shaqeeyo in dalladaasi ay miradhalaan”.

Sidoo kale Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahey adkaynta iyo xoojinta wadashaqaynta xasilinta ❞𝐊𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐧𝐚𝐠𝐚 𝐠𝐨’𝐚𝐧 𝐢𝐧 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐤𝐚𝐲𝐧𝐨, 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐚𝐧𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐥𝐞𝐞𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐧𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚❞.

Ugu dambeyntii waxaa uu ka hadlay howlgallada ka socda Jubbaland ❞𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐨 𝐡𝐚𝐰𝐥 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐱𝐨𝐫𝐞𝐲𝐧 𝐚𝐡, 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚𝐚𝐬 𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐧𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐫𝐚𝐛 𝐭𝐚𝐚𝐠𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲❞.

MAXAAN U NOOLNAHAY?

Inkastoo jawaab loo heli Karin qof waliba waxa uu u nool yahay hadana Ilaahey [SWC] waxa uu dunidaan aadka u quruxda badan inoo keynay waa in aan rumeyno oo amarkiisa aan qaadano si uu qiyaamaha inoo abaal mariyo.

Nolosha biniaadanka ayaa ah mid aanan dheerayn oo waxa ay lee tahay wakhti naftu ay  go’ayso.

Naftu kulama dooneyso wax wanagsan oo waxa ay naftu ay rabtaa wax kasto oo Ilaahey raali uusan ka aheyn Tusaale ahaan: waxa aynu og nahay qofkii salaada ilaaliya oo wakhtikiisa ku tukada’ afkiisana laga nabad hella in uu Ilaahey uu jacel yahay, sidoo kale siin doono janada oo ah meesha loo rafaado oo wakhti la galiyo si abaal marintiisa loo hello balse naftu waa ay dhibsataa wax kastoo wanaagsan.

Salaadu waxa ay kuu fureeysaa wadooyin badan oo ay ka mid yihiin: Guusha, Rajooyinkaaga, Riyo waliba aad laheed iyo wax yaabo kale oo badan.

Waxa aynu u nool nahay waa in aan caabudno ALLAH [SWC] sidoo kalena aan rumayno Rasuulkeyna Muxamed [NNKH] qaadano waxii nala faray si la mid ahna aan ka harno wixii nagala reebay.

Nafwaliba malinta qiyaamaha waxa ay sugeysaa in la abaal mariyo oo loo fiiriyo waxa ay shaqeystay sidoo kalena wuxuu rajeynayaa in uu ku guuleysto maalinkaas oo ah maalin aad u daran ciqaabtiisa, waxa aynu Rabbi ka baryaa naftayda iyo midkiinaba in uu ILAAHEY ka bad baadiyo maalinkaas.

 

WQ: Sahra Cali Yuusuf

ISLAAMKA MA CABURIYO ARAGTIYADA DADKA

Afkaarta ku salaysan kaligay baa matala xaqa, waxay kugu duwaysaa waddo qaldan, gaalnimo, ama dad lunsan.

Fikirka noocaan ah waa afkaar khaldan oo salka ku haysa aragtiyada baadilka iyo xagjirnimada iyo khawaarijinimada.

Waayo xaqu waa mid dulqaad u leh inuu dhagaysto doodaha kuwa ka soo horjeeda, isla markaana uu cadaalad u sameeya kuwa khilaafsan aragtida xaqa ah xorriyadoodana aan ku xad-gudbin .

Ilahay Swt waxuu yidhi [waxaad ku tiraahdaa anaga ama idinka midkee ayaa saxan ama baadi cad ku jira]

Qofku haddii uu aragti ka hadlaayo si wanagsan haa ugu hadlo, misa ha iska aamuso, haddii uu sheego hadal xun waxay ku soo aruurtay qur’aanka iyo xadiisyada Nebi Mohamed Scw.

Alle Swt waxuu yidhi [waxaad tiraahdaa qof waliba haa u camal falo sida ay tahay toosnaanta Rabigiiina un baa og kuwa haya waddada hanuunka].

Dadka xambaarsan afkaarta baadilka ah waxaa lagu yaqaan in ay kaligood goostaan xaqa oo ay dadka kale aragtiyadooda u diidaan iyo in ay sheegaan runta.

[Tusaale ahaan fircoon wixii uu ku sameeyey Rusushii xaqa iyo wanaagga Umadda u siday iyo wixii uu kala hortagay waa daliil xujo ku ah kuwa ku dayda ee wadadiisii qaada].

[Kuwii xaqa diiday waxay ku yiraahdeen Rusushii loo diray labo mid soo gala inaan dhulkeena idinka saarno iyo inaad diinteena ku soo noqotaan, hadaadan ka joogin dhagax baan idinku dileynaa].

Qisooyin badan baa laga qoray aragtiyada dadka islaamka ah, qofka muslimka ah inaan la caynin, la aflagaadaynin lagu xad-gudbin, qofka muslimka ah xaq buu uu layahay in uu ka hadlo aragtidiisa .

Sida aan ka soo xiganay ee uu cadaynaayo qur’aanka Alle Swt iyo Sunnada Nebi Maxamed Scw wuxuu yiri “Hadalka wanagsan waa sadaqo”, hadallada xumaanta ah waxay ku horkacayaan inaad Naar ku gasho haddii ka towba keeni wayso.

hadii aad wanaag ku hadasho faa,iido badan baad ka heshaa, waxaa laga yaabaa  in aad jano ku muteysato, maadama Janadu tahay fadli Rabbi.

Mar walba qofka muslimka ah ee hadlaya, ha noqdo qof tusaale u ah bulshada una faa’iideeyo umadda muslimiinta ah.

Sanadkan dadka jooga adduunka, markii la eego aakhiro iyo adduun uma kala socno, mana ka fikiraan aakhiradooda dambe, waxay ka fikiraan badanaa adduun kamana hadlan aragti wanagsan, waxaad arki qof ku hadlaayo wax aan bulshada faa’iido u lahayn, waxayna ka leexdeen wadadii Alle iyo Nebi Maxamed Scw.

Haddaba, Dadkaasi Allaah waddada toosan ha ku soo hanuuniyo, badana dadka aan ka hadleyno waaxay baraha bulshada ku faafiyaan xumaan iyo qaar yar oo ka tarjuma samaanta.

Haddaba, kuwa xun xun inta ay soo galin lahayeen aragti guracan ama aan la jecleysan waxaa uga wanagsan inay dadka muslimiinta kula macaamilaan aqlaaq wanaagsan iyo cilmi isdhaafi.

Ugu dambeyntii Umadda Islaamka ahi waa inay dhagaystaan haddii uu qofka bixinayo aragti wanagsan oo wax badan laga faa,iidayo waxaa laga yaabaa in aad ku badbaado macquulna ah.

WQ: Sidiiq Macallin Axmed.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SOOMAALIYA LOOMA HANJABO, DAGAALNA LOOMA TILMAAMO

Wakhtiyada socdaalka ah Ayaamaha silsilaaddaa, Xilliyada bal suuree, Soo jire haddaad tahay, Sadarrada dib ugu noqoo, Soomaali waa kumaa?

Wallee adduunyo nin joogoow maxaa aragti kuu laaban:- war ma’anaa ley doco doceeya oo daba maryeyn iyo dirqi leygu dayaa, wallee waa duni aakhir samaan

Dadoow daanyeerikii ilmaha laga cunay shalay oo libaax ku soo duulayaan arkaa

Dayuus u adeegyaan arkaa, doqon u halmaalayaan arkaa, dabacsane wax ismooday iyo dameer dhergay baan arkaan, dadkeygoow haddaba maxaa inoo dan ah?

Su’aale waa midda Meesha taallee maanta wax mayska celinaa? dabcan jawaabtu waa haa.

Maanta waxaa noo hanjabayo oo sheegtay xoog iyo xiiloba inay wax nooga qaadaan doonaan ma taqaaniin? haddaba annagu kumaa nahay, ma adduunkiiba wax iska baddeleen mise innagaa nalaga arkay daciifnimada?

Bal aan wax isweydiinee nin waran kula duljoogaa maloo fadhin karaa hadal keligiisna ma kaa celin karaa? Mase nalagu bartay sidaas hadda ka hor?

Intaasoo waxyeelaa waqtigaa tilmaamoo weynaatay xaajadii waa inaan ka gudannaa xumaantii soo  jireenka ahayd maanta.

Waxaas oo su’aalo ah iyo in kabadanba waan hubaa inay maskaxdiinu ka guuxayaan balse waxaa la yiri habar fadhidaa lagdin la fudud miyaaney ahayn sidaas, nama qabato taas balse annagu waxaan leenahay been baad sheegteen iyo buullo xuufteen ee Armaad naga tagtaan nama taqaaniin waa muuqataa casharradii hore inaadan waxba ka qaadanina ogaada rasaasto maanta way ka kulushahay tii 1977-kii waxaana leeyahay:- Kaaraha dulun duluceeya iyo miigga samada duuliyo, duufaan holac iyo naar ah, intaan ku dam siin, dunidaay kaalaya naga damiinta ducufadaan oo dib u joogso dhaha, haddii kale annagu dilka iyo dagaalkuba waa damaashaadkeenna ee berri idinku dood kale ha keenina dunidaay taasi waa naga diginin.

Annagu daanyeerta hilibkeeda macunno mana karsanno ee waan iska duugnaa baqtiga iyo meydadka amxaarada siday u dadashaan duudkana ugu xamaashaan wey garanayaan, nimaa taqaan yaa tahay lama yiraahdo itoobiya waan isnaqaannaa balse waqtigaa been u sheegay ee ima soo hawooteen.

Arrintuse waa afeef iyo ehbin intii hadhow nala eedi lahaa, waxaan leenahay itoobiya naga joog aakhiro looma ordee, adigoon I karyenin hadhow kuma aasi karee baqtigaaga urkiisa hanoo keenina ilma cago weyn baad noqoteen.

Haddaad diidaan soo socda wallaahi waad eedi doontaan sidaan idiin garbaashno adduunka la yaabi doona abeyd abeydiina adduunka wuu garanayaa kuma cusbaan doonto.

Soomaalaay Geyshkayaga dagaal miyaa loo tilmaamaa maya waayo Hurdo gama’ ma siiyaan, Geerida kama cabsoodaan, Gogol kuma nagaadaan, Geerina kama cabsoodaan, isticmaarku garab iyo gurmadkuu u yeertaba Guuldarey badan, niyad geesinimo lehbey ku dagaal galaan gobannimo udirirku inaan gumeysi waarinbay ku dagaal galaan, geyiga inay xoreynbey ku dagaal galaan

fadhiga ka kaca soomaaliya looma hanjabo, dagaalna looma tilmaamo

intay gabari naga noo shahay waa inoo dagaal shacab iyo dowladba waxay joogtaa yaa maali jiray, waa kuwii sameeyay khawaariijta waa talasikii nuglaa, niyadda jabsanaa ee naxashka saarnaa waa kiiyoo na soo haweystaye gurmadoo ka kacaay.

WQ: Osman Dhiblaawe