HADAAD XIRTO BIYAHA WABIGA ANNA JEENANKAAN XIRAA!!!

Haddaad ismooday soomaali inay tahay tii hore maya waad khaldan xisaab been ah ayaad isku dhufsatay waxaad moog tahay caga baruuroow in adduunyadu isu baahan tahay siiba adiga aad baad u tabar yar tahay oo baahida ugu badan ay dhankaada ka timaado, ilaa haddana badaheenna waxaad uga daba meyreysaneysaan waa baahi aad qabtaan, soomaali waxba uma aragto webi la xirto, ciidna awalba uma baahneyn

Baddaas dheer ilaahbaa na siiyay oo dad muslimiin ah oo Sharaf ilaah aktiisa ku leh baan nahay adiga waxba nagama joojin kartid, biyaheenna ayaan macaan iyo qaraar u bedeleynaa oo beerahana ku waraabineynaa haddaan rabno ceelal wada dihan ayaan qodaneynaa, balse adiga sameey intaas aad sheegtay ee aad ku goodisay, war soomaaliya weligeed adigaa u baahnaa haddana u baahan oo dadkaada ka tuugsada oo dariiqyada u yaal yaalliin maskiin yahow,

teeda kale laabta ku heyso haddaad webiga joojiso annaga masar iyo suudaan midna maahin ee waxaan kaa xireynaa dhamaan waddooyinka ay kuu soo maraan dhuuniga ay dadkaada cunaan ama quutaan, waddooyinkana waan u galeynaa shufto ahaan baan u dhaceynaa siiba tareennada kuu shaqeeyaa manta si nabad ah berri ha filamin in ay kuu shaqeeyaan, birahaan kala baxeyna waddooyinka isku xira itoobiya ilaa jabuuti, dekadaheynana kama soo degayaan wax adiga kuu socda markaasbaa baahi run ah aad arki doontaa waayo jabuuti annagaa leh in la riyoodo waxaa ka horreysa in la hurdo caga baruur toos, nalooma hanjabo annaga.

Annaga qani baan nahay baahina kama cabsaneyno ilaah baan naga deeqay laakiin mujrimka adoo kale ah waxaa la tusaa tabartiisa, intaan kuu sheegayna waxaa kaa xiga oo qura intaad webiga ka xireyso oo keli ah, xabadna haddaad qush siiso sidoo kale ha sugin cunto iyo shidaal nabad kugu yimaado xataa xafaayadda ilmahaad waayeysaa, quruxda idinka muuqataba waa annaga jisaar yahow maskiinka ah annagaa noogald sheeganeysaa imisa dhibaato ayaan kaa heynay.

War mar horaad ku xaartay dhammaan dowladihii kuu dhawaa suudaan, eritariya soomaaliya, jabuuti oo way kaa xiran yihiin meeshii kaliya ee aad ku nooleydna haddaad fara fareyneysaa marka u diyaar garow adigoo raalli ah oo lagula dagaalin in aad u dhamaan doontaa gaajo iyo cudurro hubka aad ku booteyneysana shidaalkoodii annaguu na soo maraa haddaan rabno maraakiibta aad ku faaneyso ayaan badda u joogsan karaan oo kaa afduuban karnaa caga baruur hurtada ka kac, xaalku sidaad mooday maahan waa ka culusyahay.

War haddaan ku dhahno  xagga dhaqaalaha kaala dirireynaa wallaahi dhegahaad qabsan doontaa dadkaana kugu kici doona sicir barar aadan qiyaasi karinna waa sugeysaa, soomaaliya inaad cagaha kaleefto ayaa dantaada ku jirta caga baruur ha nagu qasbin inaan cunaqabateyn kugu soo rogno manta adduunyada annagaa furaha u hayna wake up waryaa.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

Dabool saarkii oo lagu bedalayo soo saaris (WARBIXIN)

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya Markab Shidaal iyo Gaas ka baara Xeebaha Soomaaliya, waxaana la soo warinayaa in Turkiga uu Xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab sahmin doona Shidaal iyo Gaas, Qorshahaan ayaa qeyb ka ah heshiis iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta ee dalkaTurkiga dhawaan.

“Waxaan u soo diri doonnaa markabka Oruc Reis dhammaadka Sebtembar, ama horraanta Oktoobar Soomaaliya, wuxuu halkaas ka sameyn doonaa daraasad weyn oo seismic ah, oo socon karta bilo,” ayuu yiri wasiirka tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar. Markabkaan ayaa baari doonnaa Seddex Baloog, iyadoo Labo ka mid ah seddexdaasi baloog (Xirmo), ayaa 50 kiiloomitir u jira xeebaha Soomaaliya, Bayraktar ayaa intaasi ku daray in midka kalena uu u jiro ilaa 100 km.

“Waxaan u maleyneynaa in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, waxaan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo raadinta iyo soo saarista marka aan ka helno shidaalka meelahaas,” ayuu yiri Bayraktar.

Bishii Maarso, Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, Wasaaradda Tamarta ee Turkiga ayaa sheegtay in ay sii xoojineyso xiriirka labada dal, ka dib markii ay heshiis dhanka difaaca ah ku heshiiyeen bishii hore.

Madaxweynaha Dalka Turkiye Recep Tayyip Erdogan ayaa u gudbiyay Baarlamaanka Turkiga qaraarka Ciidamo Turki ah loogu soo diraya xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u ilaaliyaan, isagoo baarlamaan dalkiisa ka codsaday in ay meel-mariyaan arrintaasi. Labada dal ayaa bishii February 2024 kala saxiixday heshiiska difaaca badda oo 10 sano qaadanaya, kaasoo yimid bil kadib markii Itoobiya is-afgaradka la gashay Maamulka Somaliland.

Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa ku soo wajahan biyaha Soomaaliya oo ka ilaalin doonaan cadowga ku soo xadgudba xeebaha, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo iyo wixii la mid ah. Sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha, Turkiga ayaa Ciidamo badeed u dhisaya dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Turkiga waxaa la filayaa in September dhammaadkeeda ama bilowga October inuu Markab kale oo shidaal baaraya u soo dirto xeebaha dalka Soomaaliya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in Gaas iyo Saliid ay dhex ceegaagaan, waxaana Shirkad dowladda Turkiga leedahay oo TPAO la yiraa loo xilsaarey baarista iyo soo saarka shidaalka Soomaaliya.

Tani waday muujinaysa sida Turkiga uga go’an tahay inuu Soomaaliya kaalmo waaweyn ka qaato siiba dhinacyada dhaqaale kabis, dhisid ciidan oo cudud xooggan leh iyo abuurid ilo dhaqaale oo cusub, waxaana xusid mudan in Turkiga shirkado laga leeyahay ay haatanba maamulaan Garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo Dekadda oo ah illaha dhaqaalaha ugu weyn dalka, iyadoo dhanka militeriga, dowladda Turkiga ay tababarto Ciidamo booliska iyo militeriga ka tirsan iyo kuwa cirka, taasoo qeyb uga qaadanyso dib u dhiska Ciidanka qaranka oo lagu wado inay Mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS marka la gaaro bisha December 2024-ka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada ka socda wadanka Turkiye oo la filayo inay soo gaaraan Xeebaha Soomaaliya, waxaana arrintaasi ka hadlay La taliya Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliuya Xuseen Sheekh Cali, wuxuuna sheegay in ciidamada ka socda dowlada Turkiga ee imaanaya Soomaaliya ay qeyb ka yihiin heshiiskii difaac ay Soomaaliya iyo Turkiga ay wada gaareen.

La taliyuhu isagoo sharaxaya shaqada cidamadaasi ayaa xusay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa ka socda Turkiye, ‘si ay u tababaraan Ciidamada Badda ee Soomaliya oo u taagan difaaca Xeebaha Soomaaliya’, waxa uuna intaasi ku daray in labada dowladoodba ay dadaal ugu jiraan dhaqan-galintaasi heshiiskaasi, dibna laga soo sheegi doono goobaha ay ka howlgali doonaan ciidamada Badda ee Dalka Turkiye.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka Turkiye Anadol ayaa daabacday warbixin ay cinwaan uga dhigtay ‘Turkiga oo saxiixay heshiis soo saarista shidaalka Soomaaliya’, waxayna u soo direysaa Markab ka qeybqaadanaya baarista shidaalka ka buuxa Xeebaha Soomaalaiya, ayna ilaalin doonaan Maraakiib dagaal.

“Soomaaliya waa cajiib, waxay leeyhiin Xeebta ugu dheer Afrika, waana Xeebta ugu dheer ee dhinca Biyaha kulul, taasi oo aanan wali Gaas laga qodin, waana Badda kulul ee ka sii dheer midda waqooyiga Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo Biljamka”, sidaasina waxaa sheegay Khabiir dhinaca Saliidda ah oo u dhashay Wadanka Ingiriiska. Halkaasi waxaa ka cad in Biyaha kululi ay yihiin calaamad weyn oo ku tuseysa in laga helaayo Badda Soomaaliya Gaas cadaddiisu aad u fara badan tahay.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey kal hore BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horreeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo in uu noqdo maadada ceeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan. Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hey’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saameynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu, wuxuuna Waraysiga uu BBC da siiyay wasiirka Batrool ka ayuu ku faahfaahiyey qorshaha shidaal soo saaridda iyo sida ay isugu xigaan hawlaha lagu soo saarayo shidalka ceeriin.

CUDURRADA KU CUSUB DUNIDA EE AAN WELI HEYBTOODA LA GARAN

Cudurro aan wali la arag ayey ka cabanayaan Ummadda  Soomaaliyeed! Marka aad la sheekaysato dad badan oo Caasimadda ku nool waxaa habeen  kasta ku dhaca dad badan Cudurro badan oo aan horey loo aqoon, marka aad hoos ula sheekeysato dadka ayaa waxay kuu sheegayaan in Hilibka Kalluunka ay ka qaadeen, xasaasiyad ay la seexan waayeen, kuwo kalena waxay kuu sheegayaan inay xasaasiyad ay ka qaadeen Digirta ka soo go’do waddanka, waxaa kaloo ay kuu sheegayaan in dadka qaarkood oo caafimaad ku seexday ay soo kacaan iyagoo Gacan iyo Lug dhacsan tahay, kuwaaba waxay ku leeyihiin Samada ayaa wax igaga soo dhaceen, iyagoo jirkooda lagu arkayo lagana dareemayo barar wax u muuqda

Haddaba, Dadka Soomaaliyeed waxay wada ogyihiin inay tahay  cunista Kalluunka iyo Digirta caafimaad iyo nafaqo aan la heli Karin waxaana aad loogu amaani jiray korriinshaha jirka iyo lafaha, maxaa sababay maanta in la yiraahdo cudurro ayaan ka qaadnay cunista wax yaabo markii hore daawo ahaa?.

Markii arintaasi aan baarnay Wargeyskuna meelo badan ka raadshay xogta sidii sababtas u heli lahaa kala sheekeystay khubarrada xagga Badda iyo Beerahaba waxay cadeeyeen in si joogto ah loo sumeeyo Beeraha iyo Badda intaba, waxaana habeen kasta la maqlaa guuxa Diyaaradaha iyo gariirka Hubka noocyadiisa kala duwan nooca Sunta afuufa iyo noocyo kale oo wax dila intaba in lagu rido Badda iyo Beeraha si toos ahna u buufiyaan diyaaradaha Helikobtarka ah ee kasoo kaca Maraakiibta badda dhexdeeda ka jilaabata, kuwaasoo marar badan la arko Mallaaygii oo isagoo meyd ah soo caariyey, taasoo daliil u ah sumeynta lagu sameeyo Baddeenna, halkaasoo ay ka dhashaan cudurro aan heybtooda lagaran waayay waxaana horey u jiray inay Baddii kala wareegeen meelihii ay ka jilaaban jireen Kalluunka aagaggaasoo ay fadhiyaan Maraakiibta shisheeye ee wax sumeeya, waxayna go’aansadeen inay cidina waxba ka faleynin mar haddii cudurro laga qaadayo taasoo is tuseen shisheeyuhu inay kaligood ka faa’iieystaan Baddeena mar haddii xoog iyo xeelad u isticmaaleen iyo sun kiimiko ah inay kaligood iska yeeshaan nimcooyinka iyo kheyraadka ku duugan baddeenna.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre

 

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis lagu sameyn doonno

:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameyn doonno.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, asigoo xusay in casriyeynta lagu sameenayo dhismaha xarunta Degmada Xamarweyne ay qeyb ka tahay ka dhabeynta Qorshaha Degmo Tusaale ah, maadaama Degmada ay tahay mid fac weyn oo qadiimi ah.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maamulka Degmada Xamarweyne, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Xamarweyne.

WAA MAXAY DOORASHO?

Waa Su’aal mudan in la is weydiyo runtii waxan raba inaan idilna wadaago Qormo gaaban

Doorasho waa Nidaam Codbixiyayashu ay ku doortaan wakiiladooda iyo Hoggaankooda heer degmo, heer gobol, heer deegan iyo heer federaal.

ama waa wakillada iyo hoggaanka ay yeeshaan Hay’daha kale sida xisbiyada iyo Ururrada siyaasadeed.

Haddaba, maxay tahay muhiimada doorashadu.

Doorashadu waxay leedahay shan 5 Qodob oo muhiima oo kala ah

  1. sharciyad iyo awoodsiinta dawlada.
  2. Doorashadu waxay shacabka siisaa awooda la xisaabtan
  3. shacabku waxay si xor ah u doortaan wakiiladadooda iyo qofka ay u arkan inuu u keenayo isbadal kana dhax arkan danahooda guud.
  4. doorashadu waxay fursad siisaa inay ku tartaman muwaadiniinta kartida hogamineed leh.
  5. doorashada waxa lagaga gudbaa Nidaamka dadban sida, xukun maroorsiga kalitalisnimada Qabyaalada IWM.

Haddaba doorasho miyaa ka dhacday Ethiopia

Waa su’aal waxa xaqiiqo in aanay Ethiopia ka dhicin doorasho balse waxay qabatay munaasabad soo xuluid ah (Selection)

Mana jiro wax Rabitaan shacab haduu rabitaan shacab jiro waxa jiri laha Axzaab siyaasadeed oo Xor ah Ururrada siyasada Waxasi ma aha wax Yaala Ethiopia.

Selectionkii laftiisa aaya dhulka lala simay Deegano ka mida Xukuumada Addis Ababa uu ka mid yahay deeganka soomaalida loo yaqaano.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

MAXAA NOOGA LUMAY ISTICMAALKA INTERNET-KA

Ma yara howlaha aan la kulanay markii aan qabatinay isticmaalka internet-ka kadib kaas oo ah aalad ku soo biirtay caalamka wax badanna saameyn ku yeelatay dhaqanka dadka iyo nolosha.

Wuxuu na ilowsiiyey waayo aragnimadii muuqatay ee la taaban karay iyo macnihii ay lahaayeen buugaagta qoran , waraaqihii gacanta la isugu qori jiray iyo kulankii tooska ahaa ee dadka dhex mari jiray.

Wuxuu interetku yareeyey baraarugsanaantii iyo sidii dhabta aheyd ee dadku u fekeri jireen wuxuuna keenay in wixii la arkaba lagu yaaco oo aan laga fiirsan taas oo yareysay in dib loo yara fekero isla markaana si qoto dheer wax loo baaro.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray sirihii shaqsiga ahaa wax walbana waxaa la soo dhisay baraha bulshada waxaana meesha ka baxay ururintii hoose ee macluumaadka waxaana la kala garan waayey wixii bannaanka yaalay iyo wixii shaqsigu lahaa.

Internet-ka waxaa ka abuurmay mashquul  iyo jahawareer maskaxeed waxaana mararka qaar laga dhaxlaa werwer iyo waqti lumis aad u badan

Intarnetka wuxuu na seejiyey waxbarashadii macnaha laheyd iyp wax baaristii rasmiga aheyd wuxuuna dadka ku soo koobay baarista wax walba laga raadiyo Google-ka,

Tan ayaa keentay in aan la raacin hababkii rasmiga ahaa ee cilmi baarista iyo ka fekerka madaxa bannaan ee aqoonta.

Mararka qaar ku tiirsanaanta online-ka waxay keentaa qofka oo aan isku dayin in uu wax baaro laakiin wax walba ku tiiriya baarista internet-ka, taas oo yareysa awoodda xasuusta  iyo keydinta xogta.

Internet-ku sidoo kale wuxuu saameeyey dhaqanka iyo asluubta waxaana ku weynay dhaqamo wanaagsanaa ooh ore u jiray iyadoo ay soo bateen dhaqamada aan hore loo aqoon e laga dhaahday dhaqamada kale siiba kuwa dhowaan galka ah.

Internet[ka waxaa la socda aalado wada xiriir oo sidoo kale lagu faafiyo xumaan yo samaan kuwaas oo lagu waayey cudud hore u shaqeyn jirtay laakiin haatan isku tiirisay lacagaha laga helo daawashada taas oo yareysay in dadku shaqo tagaan oo muruqooda isku tiiriyaan.

Raadistaa daawashada waxay lumisay qiyamkii wanaagsanaa waxaana soo baxay ku faanidda qaawanaanta iyo waxyaabo kale oo aan anshax aheyn.

Waxaa kale oo ka dhashay internet-ka isku xujeynta sawiro qaldan oo si qaldan la isaga qaado ka dibna la isku xujeeyo taas bulsho badan iska hor keentay reero badan ayaana sidaas isku waayey.

WQ: Maxamed Shiil Xasan

 

MAXAA KAA HORTAAGAN INAAD HORUMAR SAMEYSO?

Dabcan dad badan waxay isbeddel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo.

Halkan hoose waxaa ku xusan 11 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso:

  1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa “U kaalaya Guusha” haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin
  2. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono
  3. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun. – Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa
  4. Jooji inaad ka cararto dhibtaada. – Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid iyo dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in la wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad rabto inaad noqoto
  5. Jooji inaad ceebaha dadka kale raadiso, ka dibna aad samayso cambaarayn, caay iyo cillad sheegid joogta ah. Xaqiiqdii tani waxay kaa hor istaagaysaa inaad dantaada mashquul ku noqoto, horumarna aad sameyso
  6. Jooji inaad Xaasid noqoto. – Xaasidnimadu waa inaad xisaabiso waxyaabo qof kale Alle ku maneystay aadna uga xumaato, inti aad adiga taada xisaabin lahayd
  7. Jooji caajis, wahsi & inaad iska fadhido. – Nafta oo aad siiso firaaqo badan ay isaga fadhido, ku fakirto ama hawl kuu taalay aad ka wahsato waxay horseedaan burbur & fasahaad. Ku mashquuli nafta shaqo, wax aqris & sameyn wax faa’iido kuu leh
  8. Jooji cabsida inaad khalad sameyso. – Inaad wax sameyso oo qalado waxay toban jeer ka fiican tahay inaadan waxba sameyn. Guul kasta waxay leedahay fashil badan, fashil kastana guul ayuu ku gaarsiiyaa ugu dambeynti
  9. Jooji isku dayga inaad farxad iibsato ama dad kale ka raadiso. – Haddii aadan ku faraxsaneyn qofka aad tahay & waxa aad heysato ma jiro cid kale oo farxad ku siin karta & waxyaabo qaali ah oo farxad kuu keeni kara. Waa inaad deganaan & qanacsanaan u abuurtaa naftaada markaa ayaad cid kale siin kartaa
  10. Jooji inaad ku noolaato xusuusta wixi aad soo martay. – wixi horay u dhacay waa taariikh, weligood ma soo noqonayaan. Welwelka & xusuustooda waxay kaa qaadayaan farxada maanta
  11. Jooji inaad mashquul ku noqoto naftaada, maskaxdaadana ku daaliso waxyaabahan: Ma cadahay? Ma qurxoonahay? Yaa wax iga sheegay? Faan iyo is-tus badan, Maalin kasta boqol sawir iska qaadid, iwm. Dhamaan waxan waxay daaliyaan maskaxda qofka, waxayna ka lumiyaan kalsoonida.

WQ: Cabdisalaan M. Yaasiin

 

Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay Afmadow

Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Wafdigaasu waxaa bartamaha degmadasi ku soo dhoweeyay maamulka degmadaasi iyo boqolaal shacab ah oo kamid ah dadka ku dhaqan halkaas.

Safarka Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa la xiriira sidii loo dardargalin lahaa howlgalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah dhowaan ka soo hooyey dagaalada ka dhanka ah khawaarijta rr dhacay maalmahii lasoo dhaafay.

Waddooyinka u dhexeeya Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmdow ayaa la sheegay in gabi ahaanba laga sifeeyay kooxaha khawaarijta.

Wafdi saraakiil ah oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidanka xoogga ee Jubbaland

Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey Taliyaha qeybta 12-ka April Jeneraal Xuseen Maxamuud Cosoble iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida Xasan Tarsan ,waxaa Magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Jibbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal.

Wafdigaan ayaa booqday xerooyinka ciidanka ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo,iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeenTaliyaha qeybta 43 aad ee ciidanka dhulka G/sare Nuur Mahad Xasan iyoi saraakiil kale.

Wafdigaan ayaa warbixin ka dhageystay maamulka ciidanka ee ka howlgala Jubbaland,waxayna halkaasi hambalyo ugu gudbiyeen ciidanka xoogga oo maalmihii la soo dhaafay guullo ka soo hooyay dagaalada looga horjeedo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada Jubbaland.

Dhowaan ciidanka xoogga ayaa  jab xoog leh u geystay kooxo nabad-diid ah ,iyadoo halkaasi lagu dilay tiro badan oo argagixiso ah,isla markaana laga furtay hub badan oo ay wateen.

Wasiir Maxamed Xasan “ Waa mamnuuc in dalka la keeno dawooyinka loo isticmaalo maandooriyaasha.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaainta qaranka ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan lahey nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaraddu ugu talagashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka.

Wasiirka ayaa yiri “haddii Waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxaan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeenna”,wuxuuna intaa raaciyay in ganacsiga dawooyinka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciyada dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan waxa uu ku baaqay in laga waantoobo iibka daawooyinka aan tayada laheyn,kuwa dhacay iyo maandoooriyaasha .

Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillaacay Gobolka Shabeellada Dhexe,kaas oo loo yaqaanno cudurka Gowracatada.

Wasiirka ayaa sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux,halka laga daaweynayo 21 qof,waxaana calaamooyinkiisa uu ku tilmaamay dhuun xiran ,neef qabatoow iyo tabaryari.