Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyo R/wasaaraha Israel oo ka hadlay dagaalka Gaza

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ballan qaaday in aysan ka aamusi doonin dhibaatada ka taagan Gaza, isla markaana ay xoogga saari doonto xalka arrimaha murugsan ee heysta dadka Falastiiniyiinta,

Kamaalla Harris oo shalay la kulantay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegtay in ay ka go tahay jiritaanka iyo amniga Israa’iil ,laakiin “Waxa Gaza ka dhacay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay waa wax aad u xun ayeey tiri.

“Waa waqtigii dagaalkaan uu dhammaan lahaa oo uu ku dhammaan lahaa hab ay Israa’iil ammaan ku tahay, isla markaana dadka reer Falastiin ay heli lahaayeen xuquuqdooda xorriyadda, sharafta iyo aayo-ka-tashigooda”ayeey yiri madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

Harris ayaa sheegtay inay ku boorisay Netanyahu inuu aqbalo soo jeedinta xabbad-joojinta ee uu Maraykanku taageerayo,iyadoo dhinaca kale sheegtay in aan la sii eegan karin masiibooyinkan ka dhacaya Gaza.

Madaxweyne ku xugeenka Mareykanka  waxa ay sidoo kale ku celisay taageerada ay u hayso xaqa ay Israel u leedahay in ay is difaacdo, iyadoo cambaaraysay Xamaas oo ay ku tilmaantay urur argagixiso oo naxariis daran.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ay ka qeybgaleen George Conway oo ah ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya Crispen Rukasha.

Shirkaan ayaa looga hadlay xoojinta dadaallada iyo isku-duwidda howlaha gurmadka, gacan ka geysiga arrimaha xasilinta, gaarista goobaha laga xoreeyay khawaarijta, wax ka qabashada caqabadaha la xiriira leexinta gargaarka iyo in ay SoDMA noqoto isku-duwaha hoggaanka u ah dadaalka xasilinta degdegga ah si gargaarka loo hubiyo dadka loo qorsheeyay.

Sidoo kale kulankaan waxyaabaha looga wada hadlay waxaa kamid ah dardargalinta shirka madasha beni’aadannimada dalka taas oo dhawaan dhici doona, waxana shirkaas ka qeybgalaya hay’addaha gargaarka iyo Wasaaradaha dowlad goboleedyada ee arrimaha gargaarka ka shaqeeya.

Ku-simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay Buugga Tacsida Marxuum Sheekh Cismaan Xidig

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare BJFS mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa tacsi ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig.)

Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa saxiixay buugga tacsida, wuxuuna marxuumka Alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, Qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Sheekh Cusmaan Xiddig.

Sidoo kale guddoomiye Cali Shacbaan waxaa ku weheliyay booqashadiisa, Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS ,xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xoghayaha guud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka hey’adda UNHCR ee Soomaaliya mudane Charles Mballa.

Kulankan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Safiya Xasan Maxamed ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dadaallada xalka waara loogu helayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo saxiixay Buugga Tacsida AUN Marxuum Sheekh Cismaan Xidig

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan habdhowraha golaha shacabka iyo Xildhibaanno ayaa tacsi ugu tagay ehelada iyo xerta Allaha u naxriistee marxuum Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xidig) oo dhowaan ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ehelada, qoyska ,xerta Sheekha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka ayaa saxiixay buugga tacsida ee Allaha u naxriistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xidig

Ciidanka Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay nin isku ekeysiiyay Dumar

Gaalkacyo – Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku guulaystey soo qabashada Nin isku ekaysiiyay Dumar, kuna shaqeysan jirey muddo Magalooyinka Bosaso, Garowe ilaa Gaalkacyo kaasi oo lagu Magacabo Axmed Cali Shire 20 jir ah Dhadig ahaana la baxay Aniso Cali Shire.

Soo qabashada eedaysanahaan ayaa waxaa ku guulaystay Taliyaha Saldhiga Kabida ee Magaalada Galkacyo Labo Xidigle Axmed Jamac Xayir (Raad goob).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka.

Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoo bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin Dallada Bulshada Bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka.

  

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Agaasimihii hore ee Wakaaladda SONNA iyo WARGEYSKA DALKA

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo ehelladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Agaasimihii hore ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee Sonna iyo Wargeyska dalka Marxuum Maxamed Isaaq Mursal oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuum Mursal waxa uu muddo dheer ka mid ahaa hawl wadeennada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya isaga oo xilal kala duwanna kasoo qabtay waxaana uu waqti badan ahaa Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Qoraal ay daabacday wasaaradda ayaa lagu yiri: “Waxan Allaah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumka, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii uu ka tageyna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin”

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan casho sharaf ah u sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Kulankan ayaa ka dhacay hoyga Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo shalay loo dhaariyay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa Mudane Joseph Ntakirutimana ayaa guddoonka golaha shacabka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga wafdigiisa, waxa uuna boggaadiyay horumarka dowladnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal kooban jeediyay ayaa wafdiga ka socda baarlamaanka EAC la wadaagay muhiimadda ay Baarlamaanka Soomaaliya u leedahay in wafdigan dalka booqasho ku yimaadaan iyo in dalkeena uu xubin rasmi ah ka noqdo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Ugu dambeyn guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa hadiyado guddoonsiiyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa, iyadoo dhanka kalena wafdiga ka socday baarlamaanka EAC hadiyado guddoonsiiyeen guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed oo laga soo saaray Warmurtiyeed

Shirweynaha Qurbajoogga Soomaaliyeed ee lagu qabtay Magaalada Dooxa, ayna martigelisay Dowladda Qatar ee aanu walaalaha nahay , socdayna 22-24 July oo la soo gaba-gabeeyay maanta oo Arbaco ayaa laga soo saarray war-murtiyeed.

BAAQA-GABAGABADA-SHIRKA